(1)
Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa.
Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib
Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga
iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi
Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo
iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay
u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee
jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa
iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum.
Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay
inuu la kulmo labadaas boqor.
Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka
Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib
markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah
asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan
Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato
howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan
aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin
fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo
boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay
heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar
wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana
uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw)
wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu
ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan
doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed
ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen
Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow
meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw)
wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta
Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.
Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu
Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka
Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay
safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka
dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah
ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka
reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka
Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo
weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq
ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli
karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu
Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka.
Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah
ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee
wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri
"Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro
waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)".
Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha
ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u
dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo
yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku
taalla Ciraaq).
Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku
qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka
dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle,
waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo
Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa
maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo
isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee
waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo
isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda
isagoo ah addoonkayga"
Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay,
isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo
in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi
naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay
amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay.
Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu
ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu
Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu
gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi
magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna
Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa
iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu
uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro
boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo
wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh",
halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay
Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.
La kulankii C/llaahi ee
Qaysar:
Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la
xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay
ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii
sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc)
diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay
boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay
in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah
ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin.
Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa,
waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu
C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee
mar hore islaamay.
Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u
eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu
bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?".
Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho
faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku
wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku
jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay
inaan kirishtaan noqdo".
Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan
kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa
boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku
xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu
deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay
boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga
laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri
"Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto
samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku
siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa
wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku
hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow
labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar
ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi,
haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u
dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo
dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo
keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna
dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto.
Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii
Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar
ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay,
lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu
sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la
doonayay inuu cabsado.
Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu
yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran
ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii
ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu
rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday
xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar
ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u
maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo
celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa,
ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii,
laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war
haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan
naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan
hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta
jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu
rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer
shahiido.
Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri
cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna
aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa
maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii
daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu
naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid
cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo
maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday
boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo
daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii
uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa
wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad
ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la
socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim
ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana
bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa
Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu
ahaa tusaale looga deydo geesinimo.