CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I
"ADIGU
WAAD RUMEYSAY MARKII AY
DADKII GAALOOBEEN, ADIGU
WAAD GAROWSATAY MARKII
AY DADKII INKIREEN,
ADIGU WAAD OOFISAY
MARKII AY DADKII
BALLANTA KA BAXEEN,
ADIGU WAAD SOO JEESATAY
MARKII AY DADKII
CARAREEN" (CUMAR BINU
KHADDAAB)(11)
Caddiyyu oo boqor ah,
welibana aan islaamin:
Sannadkii sagaalaad
ee hijriyada ayaa waxaa
diinta Islaamka u
hoggaansamay boqor ka
mid ah boqorrada carbeed,
ka dib markii uu in fara
badan ka biyo diiday.
Iimaanka ayuu u jilcay,
ka dib markuu madax
adeyg iyo ka jeedsi fara
badan la yimid. Wuxuu
Rasuulka (scw) siiyay
oggolaansho buuxda, ka
dib diidmo dabadeed.
Ninkaas aan tilmaamnay
waa Caddiyyu Ibnu Xaatim
ee qabiilkiisu
reer”ddaa’i-ga” ahaa
kaasoo looga tusaalo
qaato deeqsinimada
aabihiis.
Caddiyyu Ibnu Xaatim
wuxuu boqortooyada ka
dhaxlay aabihiis,
reerkiisana isaga ayeey
boqortooyada u caleemo
saareen, sidaa darteed
maalka ay tolkiisa soo
dhacaan wuxuu Caddiyyu
Ibnu Xaatim saami ahaan
ugu lahaa afar meelood
meel. Markii uu Rasuulka
(scw) la jahray dacwadii
hanuunka iyo xaqa,
carabtiina ay Nebiga u
hoggaansatay
jilibba-jilib dabadii
ayaa wuxuu Caddiyyu Ibnu
Xaatim u arkay dacwada
Rasuulka mid khatar
gelinaysa madaxtinimada
iyo boqortooyadiisa.
Sidaa darteed wuxuu
Caddiyyu Ibnu Xaatim u
qaaday Rasuulka cadaawad
aad u daran, iyadoo uu
weliba uusan garan
Rasuulka. Wuxuu
xaaladdaas cadaawadeed
ku sugnaa muddo gaareysa
labaatan sanno, jeer uu
markii danbe Alle (sw)
laabtiisa ku waasiciyo
nuurka iyo iftiinka
hanuunka Islaamka.
Haddaba, islaamidda uu
soo islaamay Caddiyyu
waxaa ku dhex jirta
sheeko aan marnaba la
illoobi karin. Aan marka
isaga u deyno si uu
noogu sii
dhiraan-dhiriyo
dhammeystirka
sheekadiisa, maxaa
yeelay isagaa ku habboon
inuu sheekada weriyo.
Naceybkii
Caddiyyu ee uu qabay
Rasuulka:
Caddiyyu Ibnu Xaatim
wuxuu yiri: Ma jrin qof
iga necbaa Rasuulka ka
dib markaan maqlay.
Waxaan ahaa nin ay
dadkiisa maamuusaan,
sidoo kalena waxaan ahaa
nin kirishtaan (gaal ah)
ah.
Waxaan ahaa nin
tolkiisa ku dhex nool,
oo xoolaha ay tolkiisu
ka soo helaan dagaallada
afar meelood meel ayaan
ku lahaa, sidii ay
sameyn jiraynba
boqorrada carbeed. Hase
ahaatee, markaan maqlay
Nebi Muxammad waan la
coleeytamay oo waan
dhibsaday, laakiin
markay arrintiisu
bannaanka timid,
awooddiisana ay fidday
ayna bilaabeen
ciidamadiisa iyo
ilaaladiisa daggaalka in
ay ku fideen barriga iyo
galbeedka dalalka
carabta ayaa waxaan ku
iri wiil adeegahayga
ahaa oo geellayga ii
raaci jiray: ”waxaad ii
diyaarisaa neefaf geel
oo goolal (cayilan) ah
oo weliba hayin ah,
waxaadna iigu xirtaa
meel ii dhow. Haddaad
maqashid ciidamada ama
ilaalada Muxammad oo
yimid magaalada
durbadiiba ii sheeg”.
Goor subax barqin ah
ayaa waxaa xaggeyga soo
aaday wiilkii
shaqaalahayga ahaa,
isagoo igu leh: ”wixii
aad damacsanayd inaad
sameyso haddii ay
magaaladaada soo galaan
fardihii iyo ciidankii
Muxammad hadda sameey”.
Waxaan ku iri: ”hooyadaa
gablante’e maxaa
dhacay?!”. Wuxuu yiri:
”waxaan arkay calamo
daaf-wareegaya guryaha,
markaan weydiiyay cidda
ay yihiinna waxaa la igu
yiri waa ciidankii
Muxammad”. Waxaan ku
iri, haddaba waxaad ii
soo diyaarisaa geelii
aan horey kuu faray”.
Isla saacaddiiba waan
kacay, waxaan faray
ehelkayga iyo
caruurtaydaba in laga
guuro dalkii aan
weliggeen jeclayn.
Waxaan billaabay inaan
socod-boobo, anniga oo
weliba ku socda dhinaca
gobolka Shaam si aan u
haleelo dadka aan isku
diinta ahayn oo aan
iyaga la deggo.
Waxaan ka soo tagay
gabar aynu walaalo
ahayn:
Arrinkii qaxa waxay
iga deddejisay inaan
raad-goobo dhammaan
ehelkayga. Markaan
dhaafnay meelihii
khatarta lahayd ayaa
waxaan isha mariyay
ehelkaygii, waxaana
ogaaday inaan ka soo
tagay gabar aynu walaalo
ahayn, iyadoo aan uga
soo tagnay meeshii la
oran jiray: ”NAJD”.
Suurto gal iima ahayn
inaan iyada u laabto,
waan sii soconnay ilaa
aan ka nimid dhulkii
Shaam, halkiina ayaan
iskala deggay dadkii
aynu isku diinta ahayn.
Hase yeeshee walaashay
waxaa qabsaday wixii aan
uga cabsanayay.
Anniga oo jooga Shaam
ayaa waxaa i soo gaaray
warar sheegaya in
fardihii ciidamada
Muxammad ay weerareen
guryaheena , isla mar
ahaantaana ay kaxeesteen
dad ay ku jirto
walaashay, iyadoo loo
sii waday magaalada
Madiina.
Naxariista Nebiga ee
dumarka:
Gabadhii aan
waalaalaha aynu ahayn
waxaa lagu daray dadkii
la soo qabqabtay, iyagoo
la dejiyay meel u dhow
iridka masjidka. Waxaa
meeshii soo maray Nebiga
(scw), gabadhii markay
aragtay Nebiga ayaa
waxay ku tiri:
”Rasuulkii Alloow
aabahay wuu dhintay, kii
walaalkay ahaana waa la
waayey ee igu galladayso
Ilaah ha kugu
galladaystee”. Rasuulka
ayaa ku yiri: ”waa kuma
walaalkaa?”. Waxay tiri:
”waa Caddiyyu Ibnu
Xaatim”. Rasuulka: ”Ma
kii Alle iyo Rasuulkiisa
ka cararay baa?!”, intaa
ka dib wuu isaga tagay
Rasuulka.
Maalintii danbe ayaa
waxaa haddana soo maray
Rasuulka, waxayna ku
tiri hadalkeedii hore oo
kale, sidii oo kale
ayuuna Rasuulka ugu
jawaabayay.
Maalintii saddexaad
ayaa Rasuulkii soo
maray, goor ay
gabadhiina Nebiga ka
quusatay. Hase yeeshee
nin meesha fadhiyay ayaa
gabadhii ku yiri, orodoo
u istaag oo la hadal
Nebiga, markaas ayeey
istaagtay oo mar kale ku
tiri: ”Rasuulkii Alloow
aabahay waa dhintay, kii
walaalkay ahaana waa la
waayey ee igu galladayso
Ilaah ha kugu
galladaystee”. Rasuulka
(scw) ayaa si naxariis
ku jirta u yiri: ”waan
falay” (macnaha
dalabkaaga waan
aqbalay).
Gabadhii ayaa
Rasuulka ku tiri:
haddaba, waxaan doonayaa
inaan haleelo ehelkayga
jooga Shaam”. Wuxuu
yiri: ”laakiin socdaalka
ha ku degdegin jeer aad
ka hesho cid tolkaaga ah
oo aad ku kalsoon tahay
si ay kuu gaarsiiyaan
Shaam, sidaa darteed
haddaad heshid cid aad
ku kalsoon tahay ila soo
socodsii”. Markii uu
damcay Rasuulka inuu
dhaqaaqo, ayaa waxay
gabadhii weydiisay
ninkii u sheegay inay
Rasuulka la hadasho,
waxaana lagu yiri wuxuu
ahaa Cali Binu Abii
Dhaalib.
Magaaladii Madiina
ayeey iska degganayd
jeer ay maalintii danbe
ay magaalada yimaadaan
koox socoto ah oo ay ku
kalsoon tahay, kolkaasna
waxay u timid Rasuulka
(scw) oo waxay ku tiri:
”Rasuulkii Alloow waxaan
helay dad socoto ah oo
tolkayga ka mid ah oo
aan weliba ku
kalsoonahay kuwaasoo i
gaarsiinaya magaaladii
ay joogeen ehelkayga.
Rasuulka (scw) wuu ka
aqbalay codsigeedii,
isagoo arad-bixiyay,
wuxuu kaloo siiyay neef
geel ah oo ay ku
safarto, dhinaca kalena
wuxuu siiyay nafaqo ku
filan inta ay safarka ku
jirto. Gabadhii waxay
raacdey dadkii socdaalka
ahaa.
Caddiyyu wuxuu yiri:
Intaa ka dib waxaan
billawnay inaan raadinno
wararka gabadha, iyadoo
aan sugayno
imaanshaheeda, innagoo
weliba aan sigayno inaan
rumeysano wixii naga soo
gaarey ixsaankii
Muxammad iyo asxaabtiisa
ay u galeen walaashay.
Wallaahi ayaan ku
dhaartaye waxaan dhex
fadhiyay ehelkayga
markii aan arkay haween
saaran gurada awrta ayna
xaggeena u soo socoto.
Waxaan is iri: ma ina
Xaatim baa, alla waa
iyadii ayaan is iri
markaan hubsaday inay
iyada tahay.
Markay na
dul-istaagtay oo noo
timid, waxay ugula
hormartay oraahdan: ”ma
kii raxim-gooska ahaa ee
daalimka ahaa miyaa,
waxaad soo wadatay
xaaskaagii iyo
caruurtaada, waxaadna ka
soo tagtay walaalahaaga
tii ugu yareyd (waa
iyada)”.
Waxaan ku iri,
walaaleey waxaan kheyr
ahayn ha oran, waxaan
bilaabay inaan sasabo oo
aan raalli geliyo ilaa
ay ka raalli noqotay,
ayna iiga sheekeesay
wixii ay la kulantay.
Wararkii ay sheegtay waa
wararkii aan hore u
maqalay, waxaana ku iri
-waxay ahayd gabar caqli
badan lehna go’aan
adag-: ”maxaad ka
leedahay arrinka ninkan
(wuxuu ka wadaa Nebi
Muxammad scw).
Waxay tiri: ”wallaahi
waxaan arkaa inaad sida
ugu dhaqsaha badan aad u
haleesho, hadduu Nebi
yahay waa kii loo
degdegi lahaa
fadligiisa, hadduuse
boqor yahay agtiisa
dulli marnaba kuma
noqonaysid”.
Waxyaabihii
saameeyay islaamka
Caddiyyi Ibnu Xaatim:
Caddiyyu wuxuu yiri:
waxaan u diyaar garoobay
safar, annigoo u
kicitimay magaalada
Madiina, waxaana u soo
galay Rasuulka (scw),
waxaana hore aan u
maqlay inuu yiri: waxaan
rajeynayaa inuu Ilaah
gacantayda ku dhigo
gacanta Caddiyyi, waan
salaamay isagoo ku jira
masjidka. Wuxuu yiri:
”waa kuma?”. Waxaan iri:
”waa Caddiyyu Ibnu
Xaatim”. Wuu ii soo
istaagay, ka dibna wuxuu
i qabtay gacanta isagoo
ii kaxeeyay gurigiisa.
Wallaahi ayaan ku
dhaartaye wuu i sii
waday jeer uu waddada
kula kulmay haweeney
tabardaran oo weliba
waayeel ah, waxayna la
socotay wiil yar.
Haweentii waxay
istaajisay Nebiga,
waxayna billowday inay
kala hadasho danaheeda,
wuu la istaagnaa ilaa uu
u dhammeeyo danaheeda.
Naftayda ayaa waxaan ku
iri: ”Wallaahi kani
boqor ma ahan”.
Gacanta ayuu haddana
i qabtay ilaa aan ka
nimid gurigiisa. Wuxuu
soo qaaday barkin ka
sameysan harag, isagoo
xaggeyga ku soo tuuray
iguna leh: ku fariiso”.
Intaan ka xishooday baa
waxaan ku iri: maya
adiga ayaa ku
fariisanaya. Wuxuu yiri:
maya adiga ayaa ku
fariisanaya. Markaas ka
dib ayaa waxaan u
hoggaansamay amarkii
Rasuulka (scw) oo waan
ku fariistay, halka uu
isaga fariistay dhulka,
sababtoo ah guriga ma
lahayn waxaan ka ahayn
barkintaas. Naftayda
ayaan markale ku iri:
Arrintani iyo boqornimo
kala dheer”.
Intaa dabadeed
xaggeyga ayuu soo
milicsaday, wuxuuna igu
yiri: ”Caddiyyiyoow,
miyaadan ahayn nin
Rukuusi oo diin ka
dhigta diinta
kiristaanka iyo diinta
Saabi’iyada?”. Waxaan
iri: ”haa oo waa
runtaa”. Wuxuu yiri,
miyaadan ahayn nin
tolkaaga ka qaata afar
meelood meel (maalka ay
dagaalka ka soo
dhacaan), taasoo aynan
diintaada kuu
banneynin?”. Waxaan iri:
”haa”, iyadoo aan
garowsaday inuu yahay
Nebi xagga Rabbi laga
soo diray.
Wuxuu haddana igu
yiri (Nebigu):
- ”Waxaa laga
yaabaa Caddiyyiyoow,
inay kaa reebayso
inaad diinta soo
gasho waxa aad
aragto ee fuqurada
muslimiinta ah,
Wallaahi ayaan ku
dhaartaye waxay u
dhawdahay in maalkii
uu daaddaato
muslimiinta
dhexdooda jeer laga
waayo cid qaadata.
- Ma waxaa laga
yaabaa
–Caddiyyiyoow– inay
kaa reebayso inaad
diinta Islaamka soo
gasho waxa aad
aragto oo ah tirada
yar ee muslimiinta
iyo cadoowgooda oo
badan, wallaahi
waxay u dhowdahay
inaad maqasho
haweeneey ka
safraysa magaalada
Al-qaadisiyyah
iyadoo saaran
ratigeeda jeer ay ka
soo booqato gurigan
(kacbada-Makka)
iyadoo aynan cidna
ka cabsanaynin aan
ka ahayn Ilaah.
- Waxaa laga
yaabaa inay kaa
reebayso inaad soo
gasho diinta
Islaamka aragtida
aad aragto
boqortooyada iyo
awoodda oo ay
gacanta ugu jiraan
gaalada, Ilaah ayaan
ku dhaartaye waxay u
dhawdahay inaad
maqasho daarihii
cad-caddaa ee dhulka
Baabil (magaalo ku
taalla Ciraaq) oo ay
furtaan muslimiinta,
keydihii boqorka
Kisraa Binu Hurmuzna
ay iyaga la
wareegeen”.
Waxaan iri: ”Ma
boqorkii Kisraa Binu
Hurmuz!?”. Wuxuu yiri:
”haa keydihii boqorka
Kisraa Binu Hurmuz”.
Caddiyyu ayaa yiri:
”markay arrintu halkaas
marayso ayaa waxaan
qiray shahaadadii xaqa,
waana islaamay”.
Caddiyyu Ibnu Xaatim
Ilaah ha ka raalli
noqdee wuu cumriyay oo
wuxuu noqday waayeel,
wuxuuna oran jiray:
”waxaan xaqiijiyay labo
ka mid ah waxyaabihii uu
Nebiga sii sheegay,
waxaase ii hartay hal
qayb, wallaahi ayaana ku
dhaartaye taasna waa tii
timaaddo”.
Caddiyyu wuxuu yiri,
waxaan arkay gabadhii oo
ka soo safraysa
magaalada Al-qaadisiyyah
iyadoo saaran ratigeeda
welibana ayna
cabsanaynin ilaa ay ka
timaaddo magaalada
Makka. Dhinaca kale
annigaaba ka mid ahaa
fardoollaydii ugu
horeeyay ee weerartay,
qaadatayna keydihii
boqorka Kisraa. Waxaan
ku dhaaranayaa inuu
yabooha saddexeadna
imaanayo.
Caddiyyu wuxuu yiri:
Wuxuu Ilaah doonay inuu
xaqiijiyo oraahdii
Nebigiisa naxariisyo iyo
nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee, waxayna dhacday
yaboohii saddexaad
xilligii khilaafadii
zaahidka caabidka Cumar
Binu Cabdul-caziiz,
markii maalkii meel la
kala geeyo la waayey
jeer laga arko nin ku
dhawaaqaya: ”yaa ii
imaanaya oo iga
qaadanaya maalkii zakada
oo cidna ayna
imaanaynin” (xilligan
waxaa xilligii dowladdii
Cumar Binu
Cabdul-caziiz, waxaa la
yiraahdaa inuu
dowladdiisa soo saaray
qaraaro fara badan oo uu
ku kafaalo qaadayo
ummadda gaar ahaan
fuqurada iyo dadka aan
waxna haysan., sida
qofkii doonaya inuu
guursado isla markaasna
aan haysan hanti uu ku
guursado inuu maalkaas
ka heli karo sanduuqa
dowladda, sidoo kalena
ciddii lagu leeyahay
deyn isla markaasna aan
awoodin inay iska bixiso
in sanduuqa dowladda uu
ka heli karo iwm.
Haddaba, waxaa is
weydiin leh maxaa
muslimiinta maanta ka
dhigay mujtamaca ugu
liita dunida marka laga
fiiriyo xagga
dhaqaalaha, amniga,
difaaca, siyaasadda iwm,
taasi way iska caddahay
waa markii ay ka
jeesteen ku dhaqanka
diintoodii Islaamka kuna
dhisan sinnaanta &
caddaaladda, dhinaca
kalena ahna diin
taabanaysa guud ahaan
qaybaha nolosha).
Nebi Muxammad (scw)
waa ka run sheegay
hadalladii uu yiri,
Caddiyyi Ibnu Xaatimna
wuu meel mariyay
dhaartiisii.
Ilaah waxaan ka
baryaynaa inuu u
naxariista dhammaan
asxaabta Rasuulka oo uu
ka mid yahay Caddiyyi
Ibnu xaatim.
|