"QOFKII JECEL INUU AQRIYO
QUR’AANKA ISAGOO QOYAN SIDII UU U
SOO DEGAY OO KALE , HA U AQRIYO
AKHRINTA INA UMMI CABDI."
XADDIIS
(15)
Kulankii ugu horeeyay ee uu
Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay
Rasuulka (scw)
Wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa
mid aanan qaan gaarin maalintaas.
Wuxuu magaallada Makka golaheeda ku
foofinayay xoolo, weliba isagoo
dadka ka fog. Wuxuu kaxeenayay xeen
arri ah oo uu daajinayay, waxaana
arrigaas lahaa ninkii la oran jiray
Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka
waxay ugu yeeri jireen ”ina ummi
Cabdi”, hase ahaatee magaciisa waxaa
la yiraahdaa Cabdullaahi, aabihiisna
Mascuud.
Wiilkan wuxuu maqli jiray wararka ku
saabsan Nebiga la filayo in laga soo
dhex saaro tolkiisa. Ma uusan sii
daneynin arrintan iyada ah, iyadoo
ay ugu wacneyd labo arrimood. Waa
tan koowaade, isagoo da’yaraa iyo
isagoo ka fogaa mujtamaca reer
Makka. Wuxuu ka caadi dhigtay inuu
kaxeeyo arrigii uu lahaa Cuqba laga
billaabo xilliga subaxa horemana soo
noqon jirin ilaa laga gaaro
habeenka. Maalin maalmaha ka mid ah
wuxuu arkay wiilkii reer Makaad, waa
Cabdullaahi Binu Mascuudee labo nin
oo da’ dhexaad ah ayna ka muuqato
akhyaarnimo iyo degganaansho,
kuwaasoo ku soo socda dhinaciisa
meel fog.
|
wiilyahoow, waxaad arrigan
nooga listaa wax aan ku
dammino haraadkayaga...
|
Wuxuu kaloo arkay inay nimankii ay
aad u daalanaayeen, dhinaca kalena
uu harraadkii iyo oonkii hayey
darteed ay ka qallalaan bishimihii
iyo dhuuntii. Labadii nin markii ay
u yimaadeen wiilkii yaraa way
salaameen, waxayna ku yiraahdeen:
”wiilyahoow, waxaad arrigan nooga
listaa wax aan ku dammino
haraadkayaga, sidoo kalena aan ku
qoyno xididdayada qalalay”. Wiilkii
ayaa wuxuu ku yiri: ”ma sameynayo,
maxaa yeelay arriga ma lihi oo waa
la igu amaanaystay”.
Labadii nin ma aynan dhibsan
hadalkii uu wiilkii yaraa yiri,
waxaana wejiyadoodii ka muuqday
raalli ahaansho ay wiilka u qabaan.
Mid ka mid ah labadii nin ayaa wuxuu
wiilkii ku yiri, waxaad i tustaa
neef ari ah oo aan weli qoodhii
saaran, wiilkii yaraa wuxuu ishaaray
waxar yar. Ninkii ayaa u dhaqaaqay
xaggii waxarta isagoo sibra xiray,
wuxuu salaaxay candhadeedii isagoo
xusaya magaca Alle.
Mid ka
mid ah mucjisooyinkii Rasuulka (scw)
Wiilkii yaraa oo yaaban ayaa eegay
ninkii isagoo ku leh: ” goormay
waxarihii yar yaraa ee aan weligood
saaran orgiyadii inay caano
keenaan?!”. Hase ahaatee, wax yar
kama soo wareegan jeer uu neefkii
candhadiisii soo weynaado,
dabadeedna soo burqadaan caanihii oo
fara badan oo aan kala go’ lahayn.
Ninkii kale ayaa wuxuu soo qaaday
weel isagoo weelkii ka buuxiyay
caanihii, ka dibna wuxuu isagii iyo
saaxiibkiisba ay dhameen caanihii,
wiilkii yaraana waxay waraabiyeen
caanihii, isagoo aanan rumeysanaynin
waxa uu arkay. Wiilkii yaraa wuxuu
yiri, markii aan caanihii ka
dharagnay ayaa wuxuu ninkii
barakaysnaa ku yiri neefkii ariga:
”is duuduub” oo sidaadii hore noqo,
isla markiiba candhadii ayaa
sideedii hore noqotay. Markay
arrintu halkaa mareyso ayaa waxaan
ku iri ninkii barakeysnaa: ”waxaad i
bartaa ereyadii aad tiri”. Wuxuu igu
yiri, waxaad tahay wiil wax la
baray.
|
Tani waa hor u dhacii
sheekadii uu ku soo islaamay
Cabdullaahi Ibnu Mascuud
|
Tani waa hor u
dhacii sheekadii uu ku soo islaamay
Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Ninkii la
barakeeyay ee aan ka soo hadalnay
wuxuu ahaa Rasuulka (scw) oo
sameeyay falkaas mucjiso, ninkii la
socdayna wuxuu ahaa Abiibakar
Assidiiq. Maalintaas ay ka baxayeen
magaallada Makka golaheeda waxaa
sabab u ahaa iyagoo ka cararay
gaaladii Qureysh rafaadkii ay u
gaysatay xumaantiisa iyo
dhibaatooyinkii darnaa ee ay la
maageen iyaga.
Sidii uu wiilkii yaraa uu u
jeclaaday Rasuulka iyo saaxiibkiisa,
ayaa misna Rasuulka (scw) iyo
siixiibkiisaba u jeclaadeen wiilkii
yaraa, iyagoo aad ula dhacay amaano
wanaagiisa iyo go’aankiisii adkaa,
waxayna ku ogaadeen inuu yahay wiil
kheyr qaba. Kama soo wareegan muddo
dheer jeer uu Cabdullaahi Ibnu
Mascuud durbadiiba ka islaamo,
wuxuuna naftiisa u bandhigay inuu u
adeego Rasuulka, isagoo Rasuulkana
(scw) ka ogolaaday arrinkaa.
Cabdullaahi Binu Mascuud oo soo
islaamaya
Maalintaa wixii ka danbeeyay, wuxuu
wiilkii nasiibka badnaa ka gudbay
shaqadii foofinta arriga, isagoo
noqday adeegaha inta uu Eebbe (sw)
abuuray sayidkooda. Cabdullaahi Ibnu
Mascuud wuxuu naftiisa ku laasimiyay
ag joogidda Rasuulka (scw) sida
qofka iyo harkiisaba aynan u kala
harin.
|
Cabdullaahi wuxuu ahaa kii
markasta Rasuulka (scw) la
socdo, |
Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta
Rasuulka (scw) la socdo, marka uu
gurigiisa joogo iyo marka uu
socotada yahayba. Wuu toosin jiray
haddii uu seexdo, marka uu Rasuulka
(scw) qubeysanayana wuu asturi
jiray. Kabaha ayuu u gelin jiray,
kolka uu Rasuulka (scw) doono inuu
baxo, sidoo kalena kabaha ayuu ka
bixin jiray kolka uu doono inuu
aqalka soo galo. Cabdullaahi Ibnu
Mascuud wuxuu Rasuulka (scw) u qaadi
jiray cadeyga iyo usha, qolka uu
doonayo inuu galana isagaa ku
hormari jiray kahor intuusan
Rasuulka (scw) gelin.
Wuxuu
ku barbaaray gurigii Nebiga (scw),
wuxuuna noqday xooghayihii sirta
Nebiga
Rasuulka (scw) aad ayuu u jeclaan
jiray Cabdullaahi Ibnu Mascuud,
wuxuuna u fasaxay inuu u soo galo
xilligii uu Cabdullaahi jeclaysto,
wuxuu kaloo Rasuulka (scw) u fasaxay
inuu is-dul-istaago siraha Nebiga
(scw), isagoo uusan Rasuulka
arrinkaa dhibsan, dhinaca kalena aan
ka cabsan Cabdullahi inay arrintaas
wax denbi ah kaga timaaddo, jeer
maalintii danbe looga bixiyay
xooghayihii sirta Nebiga (scw).
Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu ku
barbaaray gurigii Rasuulka (scw),
wuxuu qaatay hanuunkii Rasuulka
(scw), sidoo kalena wuxuu ka akhlaaq
qaatay sifooyinkii suubanaa ee
Rasuulka (scw), wuxuu Rasuulka kaga
dayday dhammaan astaamihiisii
wanaagsanaa, ilaa laga yiraahdo:
”Cabdullaahi wuxuu aad ugu eg yahay
Rasuulka (scw) xagga hanuunka iyo
xagga muuqaalkaba”.
|
Cabdullaahi Ibnu Mascuud
Ilaah ka raalli noqdee wuxuu
ka soo baxay madrasadii
Rasuulka (scw), |
Cabdullaahi Ibnu
Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu
ka soo baxay madrasadii Rasuulka
(scw), wuxuuna ka mid ahaa saxaabada
kuwooda ugu aqoonta badan xagga
aqriska wacan ee qur’aanka, wuxuu
kaloo ahaa saxaabada kuwooda ugu
fahmada badan xagga macnaha
qur’aanka, dhinaca kalena ugu
aqoonta badan ula jeeddada loo soo
dejiyay shareecada Islaamka. Waxaana
arrimahan noo caddeynaya sheekadii
ninkii qaabilay Cumar Binu Khadaab
(rc) isagoo istaagan Carafa, wuxuuna
ku yiri: ”waxaan ka imid -amiirkii
mu’miniintoow-magaallada Kuufa,
waxaana magaallada uga soo tagay nin
misxafyada dadka kor ahaan uga
yeerinaya (isagoo aanan eegin
misxafka).
Cumar ayaa si
siyaado leh uga carooday hadalkii,
wuxuuna yiri: ”waa kuma ninkaas?!”.
Ninkii ayaa wuxuu yiri ninkaas waa
Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Markii uu
Cumar maqlay hadalkan, waxaa dentay
caradiisii, wuxuuna ku soo laabtay
xaaladdii uu markii hore ku sugnaa,
dabadeedna wuxuu Cumar yiri,
wallaahi ayaan ku dhaartaye, garan
maayo inuu jiro qof Cabdullaahi Binu
Mascuud kaga xaqnimo badan inuu
qur’aanka dusha ka aqriyo,
arrinkaasna sheeko ayaan ka hayaa.
Cumar hadalkii ayuu
sii watay oo wuxuu yiri:”Rasuulka
Alle (scw) ayaa wuxuu habeyn ku
fiidsanayay guriga Abuubakar (rc),
waxayna ka wada xaajoonayeen danaha
muslimiinta, markaas iyada ahaydna
waan la joogay. Rasuulka (scw) ayaa
baxay, dabadeedna waan ka daba
baxnay. Isla markiiba waxaan la
kulanay nin salaad u taagan, kaasoo
aanan garan kuu yahay.
|
Qofkii jecel inuu aqriyo
qur’aanka isagoo qoyan sidii
uu u soo degay oo kale, ha u
aqriyo akhrinta Ina Ummi
Cabdi (waa Cabdullaahi Binu
Mascuude)”, |
Rasuulka (scw) ayaa
istaagay isagoo dhageysanaya ninkii
tukanayay, ka dibna innaga ayuu na
soo jileecay isagoo Rasuulka (scw)
leh: ” Qofkii jecel inuu aqriyo
qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u
soo degay oo kale, ha u aqriyo
akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa
Cabdullaahi Binu Mascuude)”, intaa
ka dib Cabdullaahi Binu Mascuud wuu
fariistay isagoo duceysanaya,
Rasuulkuna (scw) uu ku leeyahay:
”weydiiso waa lagu siine….weydiiso
waa lagu siine”. Cumar ayaa wuxuu
yiri, waxaan naftayda ku iri
wallaahi inaan ku kallihi doono
berito Cabdullaahi Binu Mascuud si
aan ugu bishaareeyo aamiinta
Rasuulka (scw) ee uu ducadiisa u
yiri (ducada Nebigana waa la
ajiibaa).
Subixii markii la
gaaray, waxaan ku kallahay
Cabdullaahi Binu Mascuud, waana u
bishaareeyay, hase ahaatee waxaan
ogaaday inuu Abuubakar iigaga
hormaray bishaareenta. Sidaas ayeey
asxaabta ugu tartami jireen sameynta
falalka wanaagsan,. Cumar Allaha ka
raalli noqdee ayaa isagoo ka
sheekeenaya sidii uu Abuubakar ugu
dadaali jiray u tartamidda camal
falka kheyrka wuxuu yiri: ”wallaahi
ayaan ku dhaartaye weligeey
Abuubakar kheyrka ulama tartamin
illaa wuu iga badin jiray”.
Aqoontii xeesha dheereed ee
Cabdullaahi Binu Mascuud
Cilmiga
Cabdullaahi Binu Mascuud ee la
xiriira aqoonta kitaabka Alle wuxuu
gaaray inuu naftiisa ku oran
jiray:”Ilaaha xaqa ah ayaan ku
dhaaranayaaye, ma soo degin aayad
qur’aan ah illaa haddey jirto waxaan
ogahay halka ay ku soo degtay,
waxaan kaloo ogahay sababta ay ku
soo degtay, haddii aan ogahay inuu
jiro qof qur’aanka iga yaqaana oo ay
suurtagal tahay inaan u tago waan u
tagi lahaa”.
Hadalkan uu
Cabdullaahi Binu Mascuud yiri ma
ahayn mid uu si ka bad-badin ahaan
uu u leeyahay, oo waaba kan Cumar
Binu Khadaab (rc) oo la kulmay dad
socoto ah isagoo safar ku jira,
iyadoo habeenka mugdigiisana uu
qarinayo aragtida dadka. Dadkii
socotada ahaa ee ay Cumar iska hor
yimaadeen ayaa waxaa ku jiray
Cabdullaahi Binu Mascuud (rc).
Cumar ayaa
wuxuu amray nin si uu ugu dhawaaqo
dadkaas socotada ah, ninkii ayaa
isagoo dadkii socotada ahaa u
dhawaaqaya yiri: ”inteed ka
timaadeen?. Cabdullaahi ayaa si is
qarin ahaan ugu jawaabay isagoo leh:
”dooxada fog”. Cumar ayaa weydiiyay
dadkii socotadaa ahaa, isagoo leh:
”inteed u soctaan?”. Cabdullaahi
Binu Mascuud oo jawaabaya ayaa yiri:
”gurigii gaboobay (kacbada)”. Cumar
ayaa wuxuu dadkii la socday ku yiri,
dadkani waxaa ku jira caalim ah...,
wuxuuna amray nin kale in su’aalo
diineed la weydiiyo.
|
Nin ayaa dhawaaqay isagoo
su’aashan weydiinaya:
”qur’aanka aayadee ugu
weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu
jawaabay aayadda magaceeda
la yiraahdo aayatul-kursi-,
uuna Alle ku leeyahay: ”Alle
Ilaah aan isaga ahayn ma
jiro, waana Ilaaha nool,
makhluuqaadkana maamula.
|
Nin ayaa
dhawaaqay isagoo su’aashan
weydiinaya: ”qur’aanka aayadee ugu
weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu
jawaabay aayadda magaceeda la
yiraahdo aayatul-kursi-, uuna Alle
ku leeyahay: ”Alle Ilaah aan isaga
ahayn ma jiro, waana Ilaaha nool,
makhluuqaadkana maamula. Ma qabato
lulmo iyo hurdo toona, waxaa u
sugnaaday waxa ku sugan cirarka iyo
dhulka….. (aayadda 254, suuradda
al-baqara)”. Ninkii ayaa mar labaad
weydiiyay su’aal kale, wuxuuna yiri:
”qur’aanka aayadee ugu xikmad
badan?” Cabdullaahi ayaa yiri waa
aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Eebe
wuxuu farayaa caddaalad, samafal iyo
qaraabada wax siintooda, wuxuuna
Eebbe reebi xumaan, munkar iyo
gardarro, wuu idin waaninayaa si aad
u xasuusataan” (aayadda 90, suurada
Al-naxl). Cumar ayaa misna ninkii ku
yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa
aayadda qur’aanka ugu kulmin badan,
wuxuuna Cabdullaahi yiri aayadda uu
Alle ku leeyahay: ”ruuxii wax yar oo
kheyr fala wuu arki, ruuxiise wax
yar oo shar sameeyana wuu arki”
(aayadaha 7-8, suuradda
Az-zalzalah). Cumar ayaa haddana
ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad
weydiisaa aayadda qur’aanka ugu
cabsida badan.
Cabdullaahi
ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku
leeyahay: ”arrinku ma ahan sida aad
yididdiilanaysaan iyo sida ay
yididdiilanayaan ahlu-kitaabka
midna, ruuxii sameeya xumaan waa
laga abaal marin, mana helayo Eebbe
sokodiis wali iyo gargaare toona”
(aayadda 123, suuradda Annisaa.).
Cumar ayaa
ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad
weydiisaa aayadda qur’aanka ugu
rajada badan. Cabdullaahi Ibnu
Mascuud ayaa ku jawaabay aayadda uu
Alle ku leeyahay: ”Nebiyoow waxaad
ku tiraahdaa addoomadayda ku xad
gudbay naftooda ha ka quusanina
naxariista Eebbe, Eebbe waa kan
dhaafa denbiyada dhammaantood, waana
danbi dhaafbadane weliba naxariis
badan” (aayadda 53, suuradda
Az-zumar). Cumar Binu Khadaab oo aad
u jeclaystay ninkii su’aalaha ka
jawaabayay, ayaa wuxuu dadkii
socotada weydiiyay su’aashan: ”ma
waxaa idinla socda Cabdullaahi Ibnu
Mascuud?!”.
Dadkii
socotada ahaa ayaa yiri haa oo waxaa
nala socda Cabdullaahi, isaga ayuuna
ahaa qofkii su’aalaha ka jawaabayay.
Cilmiga xeesha dheer, cibaado
badnida iyo adduunyo naceybka
Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxaa
weheliyay oo intaas u dheereed
isagoo ahaa geesi halyeey ah, lehna
go’aan adag, wacdarro la yaab leh la
soo baxa markay xaaladdu
qadhaadhaato.
Wuxuu
ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la
jahra aqriska qur’aanka
Waxaa taas ku deeqsiinaya, inuu
Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa
muslimkii ugu horeeyay ee la jahray
aqriska qur’aanka Rasuulka Alle
(scw) gadaashiis, iyadoo ay gaaladii
qureyshna ay arkayaan.
Maalin ayaa waxaa magaallada Makka
ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw)
-wakhtigaasna waxay ahaayeen kuwo
aan awood lahayn oo tiro yar - waxay
is yiraahdeen, wallaahi gaaladii
qureysh weli ma aynan maqlin iyadoo
qur’aanka kor ahaan loo aqrinayo, ee
yaa maanta intuu baxo qureysh
maqashiinaya qur’aanka!?.
|
Cabdullaahi ayaa intuu ag
istaagay maqaamkii Ibraahim
la soo baxay codkiisii
quruxda badnaa isagoo kor
ahaan u aqrinaya biloowga
suuradda Ar-raxmaan.
|
Cabdullaahi Ibnu
Mascuud ayaa yiri annigaa
maqashiinaya qur’aanka. Saxaabadii
ayaa ku yiri, adiga qureysh waan
kaaga baqaynaa, ee waxaan doonaynaa
nin ay tolkiisa ay meesha joogaan,
kuwaasoo ilaaliya oo ka qabta haddey
xummaan la doonaan. Cabdullaahi Ibnu
Mascuud ayaa yiri, anniga ii dhaafa
kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa
shartooda iga reebaya ina
ilaalinaya. Goor barqin subax ah
ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo
kallahay masjidkii Xaramka ilaa uu
ka yimaado goobta maqaamkii Nebi
Ibraahim (cs), markaas iyada ahna ay
gaaladii qureyshna ay fadhiyaan
Kacbada hareeraheeda. Cabdullaahi
ayaa intuu ag istaagay maqaamkii
Ibraahim la soo baxay codkiisii
quruxda badnaa isagoo kor ahaan u
aqrinaya biloowga suuradda
Ar-raxmaan.
Qureysh ayaa dhageysatay qur’aanka,
waxayna yiraahdeen, muxuu leeyahay
kii ina Ummu Cabdi ahaa, habaar ha
ku dhacee?! Qaar ka mid ah gaaladii
qureysh ayaa yiri, wuxuu aqrinayaa
qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi
Muxammad ee qur’aanka ah. Gaaladii
ma aynan sugin inta uu ka dhameenayo
aqriska qur’aanka’e, way ku soo
qamaameen waxayna bilaabeen inay ka
garaacaan wejiga weliba isagoo
aqrinaya qur’aanka ilaa uu ka gaaray
aqriskii qur’aanka intii uu Eebbe ka
doono inuu aqriyo. Dabadeedna wuxuu
u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka
shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yiri,
sidan ayaan kaaga cabsanaynay.
Cabdullaahi ayaa yiri, wallaahi
ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle
iyaga ayaa hadda iga tabardaran
anniga, haddaad doontaana berito
ayaan sidan oo kale ugula
kallahayaa. Asxaabtii ayaa
Cabdullaahi ku yiri, maya, intaas
ayaa kuugu filan, waxaana xaqiiqo ah
inaad maqashiisay waxay dhibsadaan.
Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu
noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu
Cafaan, kolkii uu bukooday bukaankii
dhimashada ayaa waxaa u yimid
Cusmaan Binu Cafaan, wuxuuna ku
yiri: ”maxaad ka sheegaynaysaa?”
Cabdullaahi Ibnu Mascuud:
”denbigayga ayaan ka sheeganayaa”.
Cusmaan Binu Cafaan: ”maxaad u
baahan tahay?”
Cabdullaahi Ibnu Mascuud:
”Naxariista Rabbigay”.
Cusmaan Binu Cafaan: ”mushaarkii aad
sannado kahor diiday inaad qaadato
ma kuu amraa in lagu siiyo?”
Cabdullaahi Ibnu Mascuud: ”uma
baahni mushaarkaas”
Cusmaan Binu Cafaan: ”haddaba,
gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga
gadaashaa”
Cabdullaahi Ibnu Mascuud:
gabdhahayga miyaa waxaad uga
cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray
inay habeen kasta aqriyaan suuradda
Al-waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka
(scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo
leh: ruuxii aqriya habeen kasta
suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco
weligii”
Markii la
gaaray habeenkii, ruuxdii
Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxay
haleeshay saaxiibkii sareeyay
(Ilaah), isagoo carabkiisana ka
qoyan yahay xuska Alle, waa
qur’aanka’e. Ilaah waxaan ka
baryaynaa inuu u naxariisto
Cabdullaahi Ibnu Mascuud, innagana
nagu sugo wadiiqadii suubanaha
Rasuulka Muxammad (scw) iyo
saxaabada intuba aamiin.