Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta,
waa kuma qofka aanan aqoonin saxaabiga
Abuu Ayuub Al-Ansaari?!. Wuxuu Eebbe (sw)
magaciisa ku koryeelay dunida bariga iyo
galbeedkiisa, wuxuu Ilaah dadka ka
sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka
doortay guryaha muslimiinta si uu u dego
Nebigii (scw) sharafta badnaa, kadib
markii uu yimid magaallada Madiina
isagoo muhaajir ah, dhab ahaantiina taas
ayaa Abuu Ayuub Al-Ansaari ugu filan
sharaf iyo wanaag.
Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay
guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa waxaa
ku jirta sheeko aan laga xiiso dhigaynin
soo noq-noqashadeeda. Sababtuna waa
iyadoo markii uu Nebiga (scw) yimid
magaallada Madiina, ayaa waxaa Nebiga
(scw) soo dhoweeyay dadkii degganaa
Madiina dhoweyn iyo maamuusid tii ugu
sharfta badanayd. Waxay Rasuulka (scw)
ku eegeen indho kalgacalo iyo naxariis,
iyadoo ay ku faraxsan yihiin imaanshaha
Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen
laabtooda si kash iyo laab ah, iyagoo
albaabaha guryahoodiina ay ballaqeen oo
ay u fureen Rasuulka (scw) si uu
Xabiibka (scw) ugu dego isagoo la
sharfay.
|
Rasuulka (scw) wuxuu ku hakaday
xaafadda la yiraahdo Qubaa oo ku
tiillay hareeraha magaallada
Madiina, wuxuuna halkaa ku
negaaday 4 maalmood, isagoo
dhisayna Masjidkii ugu horeeyay
ee lagu dhiso Islaamka.
|
Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu ku
hakaday xaafadda la yiraahdo Qubaa oo ku
tiillay hareeraha magaallada Madiina,
wuxuuna halkaa ku negaaday 4 maalmood,
isagoo dhisayna Masjidkii ugu horeeyay
ee lagu dhiso Islaamka. Intaa dabadeed,
wuxuu Rasuulka baxay isagoo saaran
hashiisa, waxaa waddadii magaallada
Madiina istaagay madaxdii iyo odayadii
magaallada Madiina, iyagoo mid kasta uu
doonayo inuu ku guuleysto sharafta
degista Rasuulka (scw) uu ku degayo
gurigiisa. Odayadaa waxay midba midka
kale uu u hormari jiray hasha, waxayna
Rasuulka (scw) ku oranayeen markaas:
”Rasuulka Alloow annaga agtayada soo
dega, waxaana na weheliya tiro dad ah,
hub iyo dagaalyahanno kaa difaaca qofkii
xumaan kula maaga”. Rasuulka (scw) ayaa
wuxuu dadkii ku oranayay: ” hashan
faraha ka qaada, maxaa yeelay waxay ku
socotaa amar xagga Rabbi (sw) kaga
yimid”.
Waxay ahayd hashu tii iska socota,
iyadoo weliba ay raacayso indhaha dadka.
Haddey hashu gudubto guri waxaa
murugoonayay dadkii degganaa gurigaas oo
waxaa ku dhacayay quus, halka farxad iyo
yiddiddiilo weyn ay gelinaysay kuwa
iyaga aynan weli hasha gudbin
guryahooda. Waxay socoto hashii,
dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba
socdaan iyagoo kalgacalo la huraya
ogaanta ninka nasiibka badan ee ay
gurigiisa ag fariisan doonto hasha, ayaa
waxay markii danbe hashii soo gaartay
meel bannaan oo ku aaddan guriga Abuu
Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey hashiina
fariisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw)
weli kama uusan degin hasha. Wax yar
maba aynan sii fadhinin hashii, jeer ay
haddana boodday oo istaagtay oo socotay,
Rasuulkana (scw) uu u raariciyay
hoggaankeeda. Haddana, waxyar kadib
hashii way soo laabatay oo waxay
fariisatay meeshii ay hore u fariisatay.
Markay arrintu halkaas mareyso, ayaa
waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu
Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay
xagga Rasuulka (scw) isagoo soo
dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw) ayuu
qaaday isagoo uu horsocdo Rasuulka,
isagoo la moodo inuu sido waxa keyd
hanti ah ee dunida yaala oo dhan.
|
Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha
ka raalli noqdee wuxuu yimid
gurigiisa, iyadoo uu la socdo
Rasuulka (scw) |
Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli
noqdee wuxuu yimid gurigiisa, iyadoo uu
la socdo Rasuulka (scw).
Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka koobnaa labo
dabaqadood, mid hoose iyo mid sare.
Dabaqii sare ayaa wuxuu ka soo
faaruqiyay alaabihii ku jiray, si uu u
dejiyo Rasuulka (scw) iyo reerkiisa.
Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu
jeclaystay inuu dego dabaqa hoose ee
guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu u
hoggaansamay rabitaankii Rasuulka (scw)
oo wuxuu dejiyay meeshii uu jeclaystay.
Habeenkii markii la gaaray, Rasuulka
(scw) uuna seexday, Abuu Ayuub iyo
afadiisana ay koreen dabaqii sare ee
guriga ayna albaabkooda soo xirteen ayaa
Abuu Ayuub soo jaleecay afadiisa isagoo
ku leh: ”inkaar qabto maxaynu sameynay?!
Ma Rasuulka (scw) ayaa noqonaya kii naga
hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka
sarreeya?! Ma waxaynu dul soconaynaa
Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u
dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?!
Haddeynu sidaas sameyno waynu
halaagsamaynaa”. Abuu Ayuub iyo
xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo aynan
garanaynin waxa ay sameyn doonaan.
|
Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku
xasishay kolkii ay u bateen
koonaha qolka ay ku jireen,
kaasoo aanan ku beegnayn
Rasuulka (scw) dushiisa
|
Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku xasishay
kolkii ay u bateen koonaha qolka ay ku
jireen, kaasoo aanan ku beegnayn
Rasuulka (scw) dushiisa. Meeshii ayeey
isaga jireen iyagoo iska ilaalinaya
markasta inay socdaan meesha dhexda ah.
Subixii markii la gaaray wuxuu Abuu
Ayuub ku yiri Rasuulka (scw): ”labo
indhood isuma aynan geynin xaleey anniga
iyo Ummu Ayuub-ba”. Rasuulka (scw) ayaa
weydiiyay sababta ay arrintaas ku timid,
wuxuuna Abuu Ayuub ugu jawaabay: ”waxaan
soo xasuustay inaan saaranahay qol aad
adiga naga hoosaysid, waxaan kaloo
xasuustay haddii aan dhaqdhaqaaqo in
boorku kugu soo daadanayo, oo aan
markaas ku dhibo, dhinaca kale waxaan
kala dhex galay adiga iyo waxyiga”.
Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”naftaada u
tur Abuu Ayuubow, innaga waxaa noo
sahlan xagga hoose, dadka badan ee na
soo booqanaya awgood”.
Abuu Ayuub wuxuu yiri, waxaan u
hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) jeer
laga soo gaaro habeen qaboow. Waxaa
jabtay ashuun aynu lahayn, dabadeedna
biyihii ku jiray ayaa qolkii sare ku
daatay. Anniga iyo xaaskayga waxaan u
istaagnay sidii aan u qallajin lahayn
biyaha,
|
mana aanan haysan habeenkaas wax
aan ka ahayn katiifad yar oo noo
ahayd buste oo kale.
|
mana aanan haysan habeenkaas wax aan ka
ahayn katiifad yar oo noo ahayd buste oo
kale. Katiifaddii yareyd ayaa waxaan
bilownay inaan biyihii ku qallajino, si
biyihii aynan u gaarin Rasuulka (scw),
sidaasna ayeynaan habeenkaana u seexan.
Abuu Ayuub wuxuu yiri, markii uu waagii
baryay ayaa waxaan ku soo kallahay
Rasuulka (scw), waxaana ku iri, Aabahay
iyo hooyaday lagugu furaye Rasuulkii
Allow waan dhibsaday inaan saarnaado
dabaqa sare, adiguna aad degganaato
xagga hoose, intaa dabadeed waxaan uga
sheekeeyay sheekadii ashuunkii jabay
xaleey, Rasuulka (scw) wuu iga aqbalay
codsigaygii wuxuuna u soo guuray dabaqii
sare, anniga iyo Ummu Ayuub-na waxaan u
soo guurnay dabaqii hoose.
Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii
Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku dhow
toddobo billood, jeer laga dhammeystiro
masjidkii Nebiga, meeshaasoo ay ahayd
meeshii markii hore ay fariisatay hasha.
Qolalkii masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka
(scw) u guuray isaga iyo xaasaskiisaba.
Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la
noqdeen Rasuulka (scw). Labo deris noqdo
ku wanaag badanaa Abuu Ayuub iyo
Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-Ansaari
Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka
(scw) jeclaaday jaceyl hantay qalbigiisa
iyo dhuuxiisaba, dhinaca kale Rasuulka
(scw) ayaa isna jeclaaday Abuu Ayuub,
wuxuuna marka uu guriga Abuu Ayuub
yimaado uu Rasuulka (scw) u dhaqmi jiray
sida gurigiisa oo kale.
Cabdullaahi Binu Cabbaas
ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor
duhur ah masjidka soo aaday Abuu Bakar
Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee,
waxaa arkay Cumar Binu Khadaab, wuxuuna
ku yiri ”Abuubakarow saacaddan maxaa ku
soo bixiyay?!”.
|
gaajo daran oo i haysa waxaan ka
ahayn ima soo saarin. Cumar ayaa
misna yiri, annigana Ilaah ayaan
ku dhaartaye gaajo daran waxaan
ka ahayn ima soo saarin
|
Abuubakar ayaa yiri, gaajo daran oo i
haysa waxaan ka ahayn ima soo saarin.
Cumar ayaa misna yiri, annigana Ilaah
ayaan ku dhaartaye gaajo daran waxaan ka
ahayn ima soo saarin. Goor ay Abuubakar
iyo Cumar ay isla taagan yihiin ayaa
waxaa ku soo baxay Rasuulka (scw)
wuxuuna weydiiyay waxa soo saaray
saacaddan iyada ah, waxayna yiraahdeen:
”wallaahi ayaan ku dhaaranaye, nama soo
bixin aan ka ahayn gaajo daran oo na
haysa awgeed” Nebiga (scw) ayaa wuxuu
yiri ”annigana -waxaan ku dhaaranayaa
Allaha ay naftayda labadiisa gacmood ay
ku jirto– inaynan i soo saarin waxaan
gaajadaas ahayn, ee i soo raaca”.
Marti gelintii iyo maamuuskii Abuu Ayuub
ee Rasuulka (scw), Abuubakar iyo
Cumar-ba
Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan
Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay yimaadeen
albaabkii guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari,
wuxuuna Abuu Ayuub maalin kasta Rasuulka
ugu talo geli jiray cunto, haddii uu soo
daaho Rasuulka oo uusan cuntadii u iman,
wuxuu cuntadii Abuu Ayuub siin jiray
reerkiisa. Markay soo gaareen albaabkii
Abuu Ayuub ayaa waxaa iridka ka furtay
xaaskii Abuu Ayuub, iyadoo leh ”Nebigii
Ilaah iyo inta la socotaba ha soo
dhowaadeen”. Rasuulka (scw) wuxuu Ummu
Ayuub weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub,
durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay
Abuu Ayuub oo waqtigaas ka shaqeynayay
beer timireed uu lahaa, kuna tiillay
meel gurigiisa u dhow. Isla markiiba
intuu soo qaabilay Rasuulka (scw) isagoo
leh: ”Rasuulka Alle iyo inta la socotaba
ha soo dhowaadeen” Wuxuuna intaa
raaciyay ”Nebigii Alloow waqtigan ma
ahan waqtigii aad iman jirtay”. Rasuulka
(scw) wuxuu yiri ”waa runtaa”,
|
Abuu Ayuub wuxuu u kacay
beertiisa isagoo soo gooyay
rucub timir ah oo weliba
bislaatay |
dabadeedna Abuu Ayuub wuxuu u kacay
beertiisa isagoo soo gooyay rucub timir
ah oo weliba bislaatay. Nebiga (scw)
ayaa ku yiri, ma aanan jeclayn inaad
laantoo dhami goyso, maad noo soo gurtid
oo kaliya timirta. Abuu Ayuub wuxuu
yiri, Rasuulkii Allow waxaan jeclaystay
inaad rucubta ka goysatid timirtiisa,
hoobaantiisa iyo yacyacoodkiisaba,
intaasoo kaliya maahee, waxna waan idiin
gowracayaa. Rasuulka (scw) wuxuu yiri:
|
Rasuulka (scw) wuxuu yiri:
”haddaad neef gowracaysid ha
gowracin neef irmaan”.
|
”haddaad neef gowracaysid ha gowracin
neef irmaan”.
Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray neef orgi
ah, wuuna gowracay, wuxuuna xaaskiisa ku
yiri, intaad cajiinta qastid waxaad noo
karisaa kibis muufo ah, adigaana ku
fiican dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu
qaaday jeex ka mid ah neefkii orgiga
agaa, markaasuu kariyay, jeexii soo
harayna wuu soley. Raashinkii markii uu
bislaaday, lana soo hordhigay Rasuulka
(scw) hortiisa isaga iyo labadiisa
saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), ayaa
wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid
ah hilibkii, ka dibna wuxuu cadkii
geliyay kibistii ama muufadii dabadeedna
wuxuu Abuu Ayuub ku yiri, intan waxaad
ula deg degtaa gabadhii yareyd ee aan
dhalay ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma
aynan dhadhamin/cunin cadkan oo kale
muddo hadda dhowr maalmood laga joogo.
|
Rasuulka (scw) wuxuu yiri):
”Allaha naftayda ay gacantiisa
ku jirtaan ku dhaartaye waxaan
(nimcadan) waa nimcada xaggiisa
la idinka weydiinayo maalinta
qiyaamada, ee haddaad heshaan
nimcadan oo kale oo aad gacmaha
la gashaan waxaad tiraahdaan
Bismillaahi
(magaca Alle ayaan ku
billaabay),
markaad dheregtaana waxaad
tiraahdaan Al-xamdulillaah
(mahad oo idil Alle ayeey u
sugnaatay)
Allihii na dhargiyay ee
nimcadiisa nagu galladaystay, |
Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar
markii ay cuneen raashinkii ayna
dhargeen, ayaa wuxuu Nebiga (scw) yiri:
”muufo, hilib, timir, yacyacood iyo
hoobaan!!” ilmo ayaa ka soo daadatay,
kadibna wuxuu yiri: ”Allaha naftayda ay
gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye
waxaan (nimcadan) waa nimcada xaggiisa
la idinka weydiinayo maalinta qiyaamada,
ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo
aad gacmaha la gashaan waxaad tiraahdaan
Bismillaahi (magaca Alle ayaan ku
billaabay), markaad dheregtaana waxaad
tiraahdaan Al-xamdulillaah (mahad oo
idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na
dhargiyay ee nimcadiisa nagu
galladaystay, intaa kadib Rasuulka (scw)
wuu kacay, wuxuuna Abuu Ayuub Al-Ansaari
ku yiri noo kaalay berito. Waxaa
Rasuulka (scw) dabeecad u ahayd oo uu
jeclaa in qofkii ixsaan u fala inuu
wanaag ugu abaalgudo. Abuu Ayuub ma
uusan maqlin hadalkii Rasuulka (csw),
hase ahaatee Cumar Binu Khadaab ayaa ku
yiri: ”Abuu Ayuubow wuxuu Rasuulka (scw)
ku farayaa inaad u timaadid berito”.
Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa Rasuulka
(scw) ku yiri: ”maqlay oo aqbalay
Rasuulkii Allow”.
Rasuulka (scw) oo Abuu Ayuub
guddoonsiiyay abaal gud
Maalintii danbe markii
la gaaray, wuxuu Abuu Ayuub Al-Ansaari
aaday gurigii Rasuulka (scw), wuxuuna
Rasuulka (scw) abaalgud ahaan Abuu Ayuub
u siiyay gabar yar oo Rasuulka shaqaale
u ahayd, wuxuuna kula dardaarmay inuu u
wanaag falo, wuxuuna ku yiri: ”Abuu
Ayuubow gabadhan wanaag kula dhaqan,
maxaa yeelay intii ay nala joogtay kuma
aanan arag wax aan kheyr ahayn”. Abuu
Ayuub wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo
ay la socotana gabadhii shaqaalaha
ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu
Ayuub Al-Ansaari waxay Abuu Ayuub
weydiisay: ”gabadhan yey shaqaale u
tahay?!”. Abuu Ayuub wuxuu yiri annaga
ayeey noo khidmaynaysaa.., waxaana na
siiyay Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo
ahayd afadii Abuu Ayuub ayaa iyadoo
faraxsan waxay tiri: ”ku sharaf badanaa
mid wax bixiya (waa Nebiga (scw), ku
sharaf badanaa wax la isa siiyo (waa
gabadha)”. Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii
ku yiri, laakiin wuxuu Rasuulka (scw)
inoo dardaarmay inaan wanaag kula
dhaqano. Ummu Ayuub ayaa tiri, sideen
gabadha ugu ixsaan fali karnaa si aan ka
fulino dardaarankii Rasuulka (scw)?.
|
Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi
ayaan ku dhaartaye ma arko wax
uga kheyr badan fulinta
dardaarankii Rasuulka (scw) aan
ka ahayn inaan gabadha xoreyno.
|
Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi ayaan
ku dhaartaye ma arko wax uga kheyr badan
fulinta dardaarankii Rasuulka (scw) aan
ka ahayn inaan gabadha xoreyno. Ummu
Ayuub ayaa tiri: ”waxaa lagu waafajiyay
sidii toosnayd, waxaadna tahay mid xaqa
la waafajiyay”, sidiina ayuu Ayuub
gabadha ku xoreeyay.
Weligii kama uusan harin duulimaadyada
jihaadka
Waxaan soo qaadanay
qaybtii nabadeed ee nolosha Abuu Ayuub
Al-Ansaari, haddii aad xoogaa yar
milicsatid inaad is-dul-istaagtid qaar
ka mid ah noloshii Abuu Ayuub ee dhinaca
dagaalka waxaa hubaal ah inaad arkaysid
wax lala yaabo. Abuu Ayuub Al-Ansaari
noloshiisa oo dhan wuxuu ku jiray
duulimaad dagaal, jeer lagaba yiraahdo:
”weligii kama uusan harin duulimaad ay
muslimiinta qaadeen laga soo billaabo
xilligii Rasuulka (scw) uu noolaa ilaa
laga gaaro xilligii Mucaawiya, illaa
inuu duulimaad kale kaga mashquulo
mooyaane”. Duulimaadyadiisii ugu
danbeeye waxay ahayd kolkii uu Mucaawiye
diyaariyay ciidankii uu hoggaaminayay
wiilkiisii la oran jiray Yaziid, si loo
furto magaallada Qisdandiiniya (waa
magaallada hadda la yiraahdo Istanbuul),
waqtigaas iyada ahna Abuu Ayuub wuxuu
ahaa oday waayeel ah oo da’diisu ay wax
yar u jirto siddeetan jir (80), sidaas
oo ay tahay waayeelnimadkiisa kama uusan
reebin inuu ku biiro ciidanka uu
hoggaaminayay Yaziid, iyo inuu dhex
jeexo hirarka badda isagoo Alle dartii u
duulaya.
Hase ahaatee wax yar
kadib maba uusan u sii dhaqaaqin
dhinacii cadoowga jeer uu ka xanuunsado
Abuu Ayuub Al-Ansaari bukaankii uu la
dhiman lahaa, waxaana isagoo booqanaya u
yimid Yaziid oo ahaa hoggaamiyihii
dagaalka, wuxuuna ku yiri: ”ma jiraan
wax aad u baahan tahay oo aynu kuu
fulino?”. Abuu Ayuub ayaa yiri, marka
hore waxaad igu salaantaa ciidamada
muslimiinta, waxaadna ku tiraahdaa:
”Abuu Ayuub wuxuu idiin dardaarmayaa
inaad gudaha u sii gashaan cadoowga
dhulkiisa jeer aad ka gaartaan yoolka
aad tiigsanaysaan meesha ugu fog, sidoo
kale wuxuu Abuu Ayuub idiin dardaarmayaa
inaad xanbaartaan oo uu idin raaco iyo
inaad ku aastaan gommodyadiina hoostooda
oo ah deyrka ama derbiga meesha la
yiraahdo Qusdandiiniya, neeftii ugu
danbeysayna ayaa ka soo baxday.
Ciidamadii muslimiinta
waxay yeeleen wixii uu jeclaa saaxiibkii
Rasuulka (scw), waxay dagaalamaan oo ay
ciidankii hadba rogaal celiyaan ilaa ay
markii danbe ka gaareen magaalladii
Qusdhandhiiniya deyrkeedii, weliba
iyagoo sida oo wada Allaha ka raalli
noqdee Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas
ayeeyna u qodeen qabri, dabadeedna ku
aaseen qabriga.
|
In la furanayo magaallooyinka
Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii
sheegay Nebiga (scw), furashada
magaallada Qusdandiiniya waa la
arkay oo waxaaba furay
halyeeygii geesiga ahaa ee
Muxammad Al-Faatix Allaha u
naxariistee |
In la furanayo magaallooyinka
Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii sheegay
Nebiga (scw), furashada magaallada
Qusdandiiniya waa la arkay oo waxaaba
furay halyeeygii geesiga ahaa ee
Muxammad Al-Faatix Allaha u naxariistee,
waxa haray waa furashada Roma, iyadana
waa tii la furto idinka Alle.
Ilaah ha u naxariisto
Abuu Ayuub Al-Ansaari, maxaa yeelay
wuxuu diiday illaa inuu ku dhinto
fardaha dheereeya ee qiimaha badan
dushooda isagoo u duulaya jidka Alle,
waxayna