|
CABDULLAAHI BINU JAXSHI
"QOF LOOGU YEERO
AMIIRAL-MU'MINIIN KII UGU HOREEYAY"
(19)
Saxaabiga aynu hadda qaadanayno
sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir
qaraabo wadaagaan Rasuulka (scw), wuxuu
ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee
soo gala diinta Islaamka. Cabdullaahi
Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta
Cabdil-mudhalib oo ahayd Rasuulka (scw)
eeddadiis. Dhinaca kale wuxuu
Cabdullaahi ahaa Rasuulka (scw)
seedigiis, maxaa yeelay wuxuu Rasuulka (scw)
qabay Zeynaba Bintu Jaxsh oo ay walaalo
ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd
hooyadii mu'miniinta. Cabdullaahi Binu
Jaxsh wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee
loo dhiibo calanka Islaamka, sidoo kale
wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee loogu
yeero Amiiral-mu'miniin.
Inkastoo aan la soo koobi karin guud
ahaan taariikhda la xiriira
habnololeedkii Cabdullaahi Binu Jaxsh,
haddana waxaynu ka soo qaadanaynaa laga
soo billaabo markuu soo islaamay. Wuxuu
Cabdullaahi Binu Jaxsh soo islaamay,
kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin
daartii ama gurigii Arqam Binu Arqam, oo
ku beegnayd xilligii ay dacwada islaamka
ku jirtay qarsoodi, sidaa darteed ayaa
wuxuu Cabdullaahi ka mid noqday
saxaabadii ugu horeeyay ee qaata
hanuunka Rasuulka (scw), sidaasna ku soo
islaama.
Hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh
Markii uu Rasuulka (scw) u fasaxay
asxaabtiisa inay u hijroodaan ama u
guuraan magaallada Madiina, iyagoo la
cararaya diintooda iyo hagardaamada iyo
dhibaatooyinka kaga imaanaysa gaaladii
Qureysh, wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh
galay lambarkii labaad saxaabadii
hijrootay, oo waxaa fadliga hijrada kaga
hormaray oo keliya saxaabiga la yiraahdo
Abuu Salama. In si Alle dartii loogu
hijroodo, loogana tago qoyska iyo dalka
ayaanan ahayn wax ku cusub Cabdullaahi
Binu Jaxsh, maxaa yeelay isaga iyo qaar
ka mid ah qaraabadiis ayaa waxay hadda
kahor u guureen meesha hadda loo yaqaano
geeska Afrika ama Xabasha. Hase ahaatee,
hijrada markan waxay ahayd mid ka
xeel-dheer kana ballaaran tii hore.
Waxaa Madiina u hijrooday dhammaan
waalidka Cabdullaahi wuxuu dhalay oo ka
koobnaa rag iyo dumar, waayeel iyo
dhalinyaro, wiilal iyo gabdho yaryar.,
maxaa yeelay guriga Cabdullaahi wuxuu
ahaa guri Islaam. Maba aynan ka sii
bixin magaallada Makka jeer ay
guryahoodii ka muuqdaan murugo iyo
tiiraanyo, guryihii camirnaa waxay
noqdeen oo guryo cidlo ah oo la moodo
inaan la deggin ama lagu caweyn
weligeed.
Guryihii iyo hantidii Cabdullaahi oo
la bililiqaystay
Kama soo wareegin waqtigaas wax yar
hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
intii la socotayba ilaa maalintii danbe
ay soo baxaan madaxdii Qureysh oo ku
gaaf-wareeganaya xaafadaha magaallada
Makka, bal si ay u aqoonsadaan ciddii ka
qaxday magaallada ee ka mid ah
muslimiinta, iyo intii ku hartayba.
Waxaana madaxdaas ku jiray Abuu Jahal
iyo Cutbata Binu Rabiica. Cutbata ayaa
eegay guryihii ay lahaayeen qoyskii reer
Jaxsh oo dabeeshii boorka badneyd ay
garaacayso albaabadii guryaha,
dabadeedna wuxuu yiri: “guryihii reer
Binii Jaxsh waxay noqdeen guryo cidlo ah
oo u oonaysa dadkeedii”. Abuu Jahal ayaa
ku yiri “yey ahaayeen kuwaas jeer ay
guryahoodii u ooyaan?!”. Intaa kadib
wuxuu Abuu Jahal taabsaday gurigii
Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxayna
guryahaas ahaayeen guryaha magaallada
Makka ku yiilay kuwooda ugu quruxda
badan, uguna hodontinimo badan, oo waxaa
yaalay alaabo fara badan. Abuu Jahal
wuxuu gurigii Cabdullaahi ugu
isticmaalay sida qofka hantida leh ugu
isticmaalo hantidiisa.
Raalli ma ka tahay in gurigaaga
laguugu beddelo guri Jannada ku yaala
Cabdullaahi Binu Jaxsh markii loo
sheegay wuxuu Abuu Jahal ku sameeyay
gurigiisa, wuxuu u sheegay Rasuulka
(scw), wuxuuna Rasuulkka (scw) ku yiri
isagoo bishaaro ugu beddelaya bililiqada
gurigiisa: “miyaadan raalli ku
noqonaynin Cabdullaahiyow inuu Eebbe
kuugu beddelo gurigaaga guri ku yaala
Jannada”. Cabdullaahi ayaa yiri “haa”
Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa
haddaba ku yiri “gurigaas ayaad
leedahay”. Hadalkii Rasuulka (scw) waxay
dejisay naftii Cabdullaahi, wuuna
il-qabowsaday.
Imtixaankii ugu darnaa ee la mariyay
Cabdullahi Binu Jaxsh
Cabdullaahi Binu Jaxsh ma uusan sigin
inuu ku nasto magaallada Madiina, kadib
wixii ka soo gaaray labadiisii hijradood
oo dhibaato iyo hagardaamooyin ah. Ma
uusan Cabdullaahi sigin inuu dha-dhamiyo
raaxada dha-dhankeeda markii uu dhex
joogay ansaartii Madiina, kadib wixii
qureysh ka soo gaaray oo dhibaatooyin ah
ilaa uu Eebbe (sw) doono inuu
Cabdullaahi la kulmo imtixaan kii ugu
darnaa ee uu noloshiisa arko laga soo
billaabo markuu soo islaamay.
Haddaba, akhristow kaalay aynu si
wadajir leh u ogaano waxay tahay
imtixaankaas qallafsan ama daran ee la
mariyay saxaabiga jaliilka ah ee
Cabdullaahi Binu Jaxsh.
Howl-gal milateri
Wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay ama
xushay siddeed (8) ka mid ah asxaabta,
si ay u fuliyaan howlgal milateri kii
ugu horeeyay ee la fuliyo islaamka.
Siddeedaas qof waxaa ku jiray
Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu
Abii Waqaas, wuxuuna Rasuulka (scw)
yiri: “ waxaan amiir idinkaga dhigayaa
kan idinkugu adkeysiga badan gaajada iyo
oonka”, intaa dabadeedna wuxuu
calankoodii u guntay ama u dhiibay
Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxaana la
yiraahdaa wuxuu Cabdullaahi ahaa kii ugu
horeeyay ee madax looga dhigo ilaalo ka
mid ah muslimiinta. Waxaa kaloo la
sheegaa inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee
loo dhiibo calanka islaamka Xamsata Binu
Cabdul-Mudhalib, waxaa kaloo la sheegaa
kuwo kale.
Dhambaal sireed
Rasuulka (scw) wuxuu Cabdullaahi u
xaddiday ama u tilmaamay meeshii uu aadi
lahaa, wuxuuna u dhiibay dhambaal ama
qoraal, isagoo faray inuusan eegin waxa
ku qoran ilaa uu ka socdo labo maalmood
socdaalkood. Ilaaladii uu hoggaaminayay
Cabdullaahi Binu Jaxsh markay socdeen
labo maalmood, ayaa wuxuu Cabdullaahi
furay waraaqdii, waxaaba ku qoran
sidatan: “haddaad eegtid qoraalkaygan
soco ilaa aad kaga furatid Nakhla oo u
dhaxeysa Dhaa’if iyo Makka, waxaadna is
dul-taagtaa wararka qureysh, noolana
imow wararkooda..”. Maba dhammeystirin
Cabdullaahi aqriska dhambaalka jeer uu
durbadiiba ka yiraahdo “maqlid iyo
aqbalid waxaa iska leh Nebigii Alle”,
dabadeedna wuxuu asxaabtiisa ku yiri: “
wuxuu Rasuulka (scw) i faray inaan socdo
jeer aan ka gaaro Nakhla, si aan u daba
galo oo aan ugu keeno Rasuulka (scw)
wararka Qureysh, wuxuuna iga reebay
inaan qasbo mid ka mid ah idinka si uu
ii raaco, qofkii doonaya oo jecel
shahaado iyo inuu jidka Alle ku dhinto
ha i soo raaco, qofkaan doonaynin ha
iska noqdo isagoo aan la canaanan”.
Asxaabtii ayaa waxay hal mar yiraahdeen
“maqalnay oo aqbalnay Rasuulkii Alle,
waan kuu raacaynaa meeshii uu ku faray
Nebigii Alle”.
Intaa dabadeed waxay asxaabtii
socdaan, waxay maalintii danbe gaareen
Nakhla, waxayna guda galeen inay
wareegaan waddooyinka dhexdooda, si ay u
soo ogaadaan wararka qureysh. Iyagoo ku
sugan xaaladdaas, ayaa waxay meel fog ka
arkeen afar nin oo kala ah Camr Binu
Al-Xadrami, Al-Xakam Binu Kaysaan,
Cuthmaan Binu Cabdillahi iyo walaalkiis
oo la oran jiray Al-Muqiira. Nimankan
waxay wadeen ganacsi ay lahaayeen
qureysh oo isugu jiray hargo iyo sabiib
iyo waxyaabaha ay qureysh ka
ganacsadaan.
Wadatashi ku saabsan xaalad degdeg ah
Markay arrinku halkaas mareyso, ayaa
asxaabtii waxay bilaabeen inay
tashadaan, maalintaasna waxay ku
beegnayd maalinta ugu danbeysa billaha
xurmada leh, waxayna billahaas xurmada
leh kala yihiin Dul-qicdah, Dulxijjah
iyo Muxarram oo wada xiriira, iyo bisha
Rajab. Waa billooyin ay carabta weligood
xurmeyn jireen, oo waa xaaraan in dhiig
la daadiyo ama in dagaal la qaado
billahaas dhexdooda. Waxay yiraahdeen,
haddii aan la dagaalano waxaan la
dagaalanay billihii xurmada lahaa,
waxaana ka dhalanaya taas in lagu tagri
falo bishan iyo in lagu talo galo guud
ahaan carada carabta. Haddii aan u
kaadino ilaa ay ka tagto maalinta waxay
galayaan dhulkii Xaramka, oo markaas way
naga badbaadayaan.
Go’aanku waa in la laayo
Natiijadii ka soo baxday wada
tashigooda waxay noqotay in lala
dagaallamo nimankaas, waxay haystaan oo
hanti ahna la qaniimaysto, sidiina ayeey
ku dhaqaaqeen. Durbadiiba waxay laayeen
mid ka mid ahaa afartii nin, labo kalena
way qafaasheen, halka kii afaraadna uu
carar ku badbaaday. Cabdullaahi Binu
Jaxsh iyo asxaabtiisiiba waxay soo
kaxeysteen labadii nin ee la qafaashay,
iyo hantidoodii, waxayna yimaadeen
magaalladii Madiina. ‘
Si daran ayeey u qoomameeyeen
Markay u soo galeen Rasuulka (scw),
uuna ogaaday falkii ay sameeyeen aad iyo
aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna si ba’an
u dhaliilay falkii ay sameeyeen, isagoo
la hadlayana wuxuu ku yiri: “wallaahi
ayaan ku dhaartaye idinma farin dagaal,
waxaan idin faray oo keliya inaad
is-dul-taagtaan wararka qureysh, iyo
inaad la socotaan dhaqdhaqaaqooda..”.
Labadii nin ee la soo qafaashay
arrinkooda dib ayuu u dhigay Rasuulka
(scw), sidoo kalena ma eegin hantidii la
soo qafaashay oo waxna kama uusan
qaadan. Dhinaca kale, Cabdullaahi Binu
Jaxsh iyo asxaabtii kale ayaa si daran
uga qoomameeyay falkoodii ay geysteen,
waxayna si dhab ahaan u yaqiinsadeen
inay halaagsameen, khilaafka ay
khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)
awgeed.
Waxaa dhibaatadoodii dhibaato kale
ugu siyaadiyay inay walaalahoodii
muslimiinta ay ku badiyaan canaan fara
badan, iyo iyagoo markasta ay xaggooda
ka weji dadbaan., iyagoo ku oronaya:
“waxay khilaafeen amarkii Rasuulka
(scw)”. Waxaa sidoo kale dhibaatadoodii
dhibaato kale ugu siyaadisay markay
ogaadeen inay qureysh ka heshay
dhacdadan mar-marsiiyo ay ku ceebeeyaan
Rasuulka (scw) iyagoo qabiilooyinka kale
ku oronaya “Muxammad wuxuu banneystay
bishii Xurmada badnayd, wuxuu bishii
xurmada badneyd daadiyay dhiig,
hantidiina wuu qaatay, raggiina wuu
qafaashay”.
Cidna ha weydiinin halka uu gaaray
tiiraanyada iyo walbahaarka Cabdullaahi
iyo asxaabtiisa ka soo gaaray wixii ka
dhacay. Markii ay ku badatay
walbahaarka, imtixaankiina uu ku
cuslaaday, ayaa waxaa u yimid kii
bishaareenayay, isagoo ku bishaareenaya
inuu Eebbe (sw) ka raalli noqday falkii
ay geysteen, arrintaasna wuxuu Alle ku
soo dejiyay aayad qur’aan ah.
Bishaaro ka farxisay dhammaantood
Cidna ha weydiinin siday maalintaas u
farxeen, iyagoo dadkiina ay billaabeen
inay u tahniyadaynayaan oo ay u
bishaaraynayaan, waxayna markaas
aqrinayaan aayaddii qur’aanka ahayd ee
ku soo degtay falkii ay sameeyeen
awgeed.
Waxaa Nebiga (scw) lagu soo dejiyay
oraahdii Eebbe (sw) ku lahaa:
“Waxay ku weydiinayaan dagaalka bisha
xurmaysan, waxaad tiraahdaa dagaalka
dhexdiisa waa weyn yahay, xannibid iyo
is hortaag jidka Alle ah iyo in Alle
lagu kufriyo iyo masjidka xurmeysan iyo
ka bixinta ehelkiisa yaase kaga weyn
Eebbe agtiis, gaaleynta dadka ayaa ka
weyn dilka..”. Markay soo degeen
aayadahan sharafta badan waxaa faraxday
oo il-qabowsatay naftii Rasuulka (scw),
wuxuu qaatay safarkii oo u qaybiyay
muslimiinta, wuxuuna furasho ka qaatay
labadii maxbuus, wuxuuna ka raalli
noqday falkii ay sameeyeen Cabdullaahi
Binu Jaxsh iyo asxaabtiis, maxaa yeelay
waxay ahayd duulimaadkooda mid dhacdo
weyn ku ah nolosha muslimiinta,
qaniimada laga qabsaday dhacdadaas waxay
ahayd qaniimadii ugu horeysay ee la
qabsado islaamka, leyntii
duulimaadkaasna wuxuu ahaa gaalkii ugu
horeeyay ee lagu daadiyo dhiigiisa
islaamka, maxaabiistii la qabsadayna
waxay ahaayeen maxaabiistii ugu horeeyay
ee muslimiinta u soo gacan gala,
calankii duulimaadkaas lagu guntayna
wuxuu ahaa calankii ugu horeeyay ee uu
Rasuulka (scw) u dhiibo koox ka mid ah
muslimiinta, amiirkeedana wuxuu ahaa
amiirkii ugu horeeyay ee loogu yeero
amiiril-mu’miniin, wuxuuna ahaa
Cabdullaahi Binu Jaxsh.
Wixii intaa kadib, waxaa la soo
gaaray duulimaadkii Badar, wuxuuna
Cabdullaahi Binu Jaxsh ka muujiyay
goobtii dagaalka wacdarro daran.
Dabadeedna waxaa timid duulimaadkii
Uxud, waxaana Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
Sacad Binu Abii Waqaas kala soo
gudboonaatay dagaalkaas sheeko aanan la
hilmaami karin, ee aynu sheekada u
dhaafno Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna
Sacad yiri:-
Tusaale ku saabsan geesinimadii
Cabdullaahi
Maalintii dagaalka Uxud waxaan la
kulmay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuu
yiri: “maad Alle baridid?”. Waxaan ku
iri haa, waxaana labadeenii isula baxnay
dhinac, waxaana baryay Eebbe (sw)
annigoo leh: “Rabbiyow haddaan la kulmo
cadowga waxaad igu soo aaddisaa nin
dagaalyahan ah, caradiisa ay aad u daran
tahay, aan la dagaalamo, isna ila
dagaalamo, dabadeedna waxaad igu
arsuqdaa inaan ka guuleysto jeer aan ka
dilo, hubkiisana aan ka qaato.
Cabdullaahi Binu Jaxsh ducadeyda ayuu
aamiin u yiri, dabadeedna waxaa
duceystay Cabdullaahi Binu Jaxsh,
wuxuuna yiri “Ilaahayow waxaad igu soo
aaddisaa nin caradiisu ay daran tahay,
ahna dagaalyahan, adiga dartaa aan ula
dagaalamo, isna ila dagaalama,
dabadeedna i qabta oo iga adkaada, sanka
iyo labada dhegoodna iga gooya, oo
markaan berito (maalinta qiyaamo) kula
kulmo aad tiraahdo maxaa loo gooyay
sankaaga iyo labadaada dhegood, oo aan
iraahdo adiga iyo Rasuulkaaga dartii
ayaa la iiga jaray, oo aad tiraahdo run
baad sheegtay.
Cabdullaahi oo ku shahiiday dagaalkii
Uxud
Sacad Binu Abi Waqaas wuxuu yiri:
“ducada Cabdullaahi Binu Jaxsh waxay
ahayd mid ka kheyr badan ducadeyda,
waxaan arkay maalinta gelinkeeda danbe,
isagoo Cabdullaahi la dilay, jirkiisana
la googooyay. Waxaan arkay sankiisa iyo
labadii dhegood oo laga soo laa-laadiyay
geed. Eebbe (sw) wuxuu aqbalay ducadii
Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna ku
maamuusay shahaado, sidii uu ugu
maamuusayba shuhaddada sayidkooda oo ah
Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib. Rasuulka
(scw) wuxuu hal qabri ku wada aasay
Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Xamsata Binu
Cabdil-Mudhalib, Ilaahay dhammaantood ha
u naxariisto, innagana ha ina qaadsiiyo
wadiiqadoodii toosneyd, aamiin. |