(2)
Rasuulka (scw) markii uu u hijrooday magaalada Maddiina,
arrinkiisana uu darraaday, ayaa qureysh soo baxday iyadoo
dooneysa la dagalaallanka Rasuulka (scw) iyo Asxaabtiisa.
Abul-Caas wuxuu si aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii
Badar, isagoo la safan dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma jirin
jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo Muslimiinta, laakiin
darajada uu tolkiisa ka joogay ayaa ku kelliftay in uu ka qayb
galo dagaalkaas.
Dagaalkii Badar natiijadii ka soo baxday waxay noqotay in
qureysh (gaalada) lagu jabiyo, madaxdii kufrigana laga
takhalluso, qaar iyaga ka mid ah waa la laayay, qaarna waa la
qafaashay, qaarkii kalena waxay ku badbaadeyn carar. Kuwii la
soo qabqabtay oo la soo qafaashay waxaa ku jiray Abul-Caas oo
qabay gabadhii Nebiga (scw) uu dhalay ee ahayd Zeynaba. Rasuulka
(scw) wuxuu ku waajibiyay dadkii gaalada ahaa ee la soo qab
qabtay in ay bixiyaan oo ay isku furtaan lacag, lacagtaasoo u
dhaxeysa Kun ilaa Afar kun oo Dirham, iyadoo loo eegayo
xaaladahooda hanti iyo reereed. Ergadii ka kala socotay dadkaas
waxay bilaabeen in ay u dhaxeeyaan Magaalada Makka iyo Madiina,
iyagoo sida maalkii ay ku soo furan lahaayeen dadkooda. Haddaba
Zeynaba ayaa soo dirtay maalkii ay ku furaneysay ninkeeda
Abul-Caas, iyadoo furasho ahaan u soo dirtay Kuul ay u
hadiyeesay hooyadeed Khadiija maalintii ay aroosaneysay.
Markii uu Rasuulka (scw) arkay kuushii waxaa dabooshay Murugo,
wuuna u jilcay gabadhiisa isagoo eegay xaggaa iyo asxaabta
wuxuuna yiri "Maalkan waxaa soo dirtay Zeynaba iyadoo rabta inay
ku furato Abul-Caas, ee ka warama haddii aad u aragtaan in aan u
sii deyno Abul-Caas, una celinno maalkeeda waad sameyn kartaan".
Saxaabadii ayaa waxay yiraahdeen "Haa, waana ra’yi wanaagsan
Rasuulkii alloow". Hase yeeshee Rasuulka (scw) wuxuu Abul-Caas
ku xiray sii deyntiisa in uu u soo diro gabadhiisa Zeynaba
isagoo aan dib dhicin. Abul-Caas markii uu tagay Magaaladii
Makka, wuxuu si dhaqso ah u billaabay in uu fuliyo ballankii.
Wuxuu amray xaaskiisa Zeynaba in ay u diyaar garowdo Safar,
wuxuuna u sheegay in Ergadii aabaheed ay ku sugayaan meel aan ka
fogeyn Magaalada Makka, isagoo u diyaariyay sahaydaydii safarka
iyo ninkii raaci lahaa oo ahaa walaalkiis Camar Binu Rabiic.
Camar Binu Rabiic ayaa soo baxay maalin cad, isagoo wada
gabadhii Zeynaba, qureyshna ay arkeyso markaas ayeey waxay soo
daba galeen Camar iyagoo cabsi gelinaya Zeynaba ilaa ay kaga soo
dhowaadeen. Camar ayaa soo baxsaday fallaartiisa, isagoo leh "Wallaahi
ruuxii xaggeyga u soo dhowaada waxaan qoorta kaga ganayaa
fallaarta", wuxuuna aad u yiqiinay fallaar ganidda. Abuu-Sufyaan
Binu Xarbi ayaa soo aaday xagga Camar, wuxuuna ku yiri "Adeer
naga leexi fallaartaada ilaa aan kaala hadalno". Camar wuu ka
yeelay. Abul-Caas ayaa Camar ku yiri "Camaroow kuma saxsanid
falka aad sameynayso, waxaad waddaa iyadoo dadkoo dhan ku
arkayaan Zeynaba, waadna ogtahay Carab khasaarihii kaga soo
gaaray Muxammad, haddii aad kaxeyso gabadha qabaa’ilka carab oo
dhan waxay nagu sheegayaan inaan fuley nahay, waxayna nagu
tilmaamayaan dulli iyo wax ma garato, ee ka waran haddii aad u
celiso gabadhaan gurigeeda, ilaa ay ka iloobaan dadka oo markaas
si sir ah aad u kaxeysatid, markaasna aad u geysid aabaheed,
waayoo wax dan ah aan ka leenahay heynteeda ayaan jirin".
Camar sidaas ayuu raalli ku noqday, wuxuuna Zeynaba u celiyay
Makka. Muddo yar ka dibna wuxuu sameeyay sidii uu Abuu Sufyaan u
sheegay, oo wuxuu soo kaxeeyay Zeynaba, wuxuuna gacanta u
geliyay ergadii sugeysay. Abul-Caas wuxuu intaa ka dib iska
joogay magaalada Makka ilaa ay ka soo dhowaatay furashadii
Makka. Abul-Caas sidii ay caadadiisu ahayd wuxuu si ganacsi
ahaan u soo qabatimay Shaam, markii uu soo dhammeystay dantii
ganacsi, ayaa wuxuu u soo anbabaxay inuu u soo laabto magaaladii
Makka.
Abul-Caas isagoo wata safar gaaraya ilaa 100 halaad, ayna
waheliyaan shaqaalihiisii dhamaa ilaa 170 nin ayaa waxaa u soo
anbabaxay ilaalo ka mid ahaa ilaaladii Rasuulka (scw) oo aan
markaa ka fogeyn magaalada Maddiina. Safarkii way qabsadeen,
ragiina way qafaasheen. Hase yeeshee Abul-Caas wuu ka badbaaday
oo lama qaban isaga. Markii la gaaray habeenkii ayaa Abul-Caas
soo galay magaalada Maddiina isagoo cabsanaya. Wuxuu u tagay
xaaskiisii Zeynaba, isagoo weydiistay magangalyo. deedna way
magangelisayKolkii Rasuulka (scw) u soo baxay Salaaddii Fajar,
xirtayna salaaddii isagoo takbiirsaday, saxaabadiina ay la
takbiirsadeen, ayaa waxaa safka dumarka ka dhex qaylisay Zeynaba
iyadoo Dumarka ka dhex dhawaaqday Zetnaba iyadoo leh "Dadyahoow
waxaan ahay Zeynaba Bintu Muxammad, waxaan magangaliyay
Abul-Caas ee idinkana magangaliya".
Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay
Salaadda ayaa wuxuu u jileecay xaggaa iyo saxaabada isagoo leh
"Ma maqasheen wixii aan anigu maqlay?". Saxaabadii ayaa yiri "Haa,
Rasuulkii Alloow". Intaa dabadeedna wuxuu yiri Rasuulka "Allaha
nafteyda ay gacantiisu ku jirtaan ku dhaartayee waxna kama ogi
arrinkan, ilaa aan ka maqlay wixii hadda aad maqlaysayn,
Muslimiintana waxaa wax magangaliya kuwooda ugu sokeeya",
kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa "Wanaaji
hoyga Abul-Caas, waxaadna ogaataa in uusan xalaal kuu ahayn. Wax
ka yar ka dib Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray ilaaladii soo
qabqabtay raggii la socday Abul-Caas iyaga iyo maalkooda,
wuxuuna ka dalbay Saxaabada in ay wanaajiyaan, isla markasna u
celiyaan maalkiisa iyo saafarkiisa, iyagoo xaq u leh inay diidi
karaan, waayoo waa wax ay xaq u leeyihiin.
Saxaabadii arrinkaas way ka ogalaadeen Rasuulka (scw),
waxayna uyiraahdeen "Waan u celinaynaa maalkiisa" Abul-Caas
markii uu yimi isagoo doonaya inuu qaato maalkiisa ayaa qaar
Saxaabada ka mid ahi ku yiraahdeen "Abul-Caas wuxuu ku noqday
magaalada Makka, wuxuuna siiyay dadkii amaanadii iyo maalkii ay
u dhiibteen, isagoo leh "Qureeshey ma jiraan qof aan helin
maalkiisa.".. Waxay yiraahdeen maya, Ilaahna ha kaa abaalmariyo.
Abul-Caas ayaa yiri intaa ka dib "Haddaba haddii aan idiin guday
xuquuqdii aad igu laheedeen, waxaan qirayaa inuu Ilaah xaq yahay,
Nebi Muxammadna yahay Rasuulkii Alle soo diray, mana iga reebin
inaan Muxammad agtiisa ku islaamo aan ahayn cabsida aan ka
cabsanayay inaad u qaadataan inaan maalkiina la caray ama boobay..
Lakiin markii aan idiin soo celiyay maalkiina, aana madax
banaanaadey ayaan Islaamay". Intaa ka dib Abul-Caas wuxuu ku soo
laabtay Rasuulka (scw), Rasuulkana wuxuu wanaajiyay marti
gelintiisa, wuxuuna u celiyay xaaskiisa, isagoo oran jiray "Abul-Caas
wuu ii waramay runna wuu ii sheegay, wuu ila ballamay wuuna
oofiyay.