(20)
Wuxuu ahaa nin booreysan
oo basaasan, una dhashay
baryari ay adagtahay
inay isha si fiican u
qabato jirkiisa. Hase
ahaatee iyadoo ay taasi
jirto, wuxuu haddana
laayay boqol ka mid ah
mushrikiinta/gaallada
isu-soo-bax-dagaaleed,
iyadoo aynan ku jirin
kuwa kale ee uu ku
laayay bartamaha
dagaallada. Waa geesigii
uu arrintiisa awgeed u
qoray Cumar Binu
Al-khadaab,
dhambaalkiisii uu u
qorayay shaqaalihiisa
iyo
guddoomiye-goboleedyadiisa
markuu lahaa "yaan Baraa
madax looga dhigin
ciidan ka mid ah
ciidamada muslimiinta,
cabsi laga qabo in
geesinimadiisa awgeed
ciidankaas la jebiyo".
Anas
ayeey walaalo ahaayeen
Qofkaas aynu ka hadlayno
waa Al-Baraa Binu
Al-Maalik Al-Ansaari
Ilaah ha ka raalli
noqdee, waa Anas Binu
Maalik walaalkiis ee
ahaa adeegihii Rasuulka
(scw). Haddeynu xoogaa
milicsano si aan halkan
uga soo gudbino
sheekadii la xiriiray
geesinimadii Al-Baraa
Binu Maalik Al-Ansaari
waxaa hubaal ah inay
sheekadu nagu
dheeraanayso, hase
ahaatee waxaan soo
gudbinaynaa mid ka mid
ah sheekooyinkiisii ku
saabsanayd geesinimadii
Al-Baraa Binu Maalik
Allaha ka raalli noqdee,
sheekadaas oo kaa
deeqsiinaysa kuwa kale.
Fidnadii ugu horeysay ee
soo waajaha islaamka
Sheekadan waxay
billaabanaysaa
saacadihii ugu horeeyay
kadib markii uu
geeriyooday Rasuulka
(scw), markii ay qaar ka
mid ah qabiilooyinka
carbeed ay ka laabteen
diintii islaamka iyagoo
koox-koox ah, siday
markii horeba ay u soo
galeen diinta islaamka
iyagoo koox-koox ah,
jeer ay diintii islaamka
isugu soo hareen oo
keliya muslimiintii
degganayd Makka,
Madiina, Daa'if iyo kuwo
kale oo uu Eebbe (sw) ku
sugay laabtooda iimaanka
iyo diinta islaamka.
Maalintii Abuubakar
Intaas kadib waxaa
sugnaaday geesigii runta
badnaa ee Abuubakar
Assiddiiq Ilaah ha ka
raalli noqdee, isagoo is
hortaagay fidnadan wax
baabi'inaysay ee indhaha
la'ayd, wuxuu sugnaaday
sugnaanshaha buurihii
sugsugnaa ee qotomay oo
kale, wuxuuna
muhaajiriinta iyo
ansaarta ka diyaariyay
11 ciidan, isagoo ciidan
kasta oo ka mid ah
ciidamadaas u guntay oo
u dhiibay calankoodii,
wuxuuna u kala diray
dacallada dhulka
Jasiiradda Carabta, si
ay kuwii diinta islaamka
ka laabtay ay ugu soo
dabaalaan diintii
hanuunka iyo xaqa ahayd,
iyo inay ku soo qasbaan
kuwii ka weecday
wadiiqadii toosneyd
seefta afkeeda. Waxaa
Abuubakar Ilaahay ha ka
raallo noqdee uu yiri
maalintaas hadal
taariikhda meel fiican
ka galay, hadalkaasoo
ahaa “ma waxaa
nuqsaamaysa diinta
annigoo nool”,
dabadeedna wuxuu
ogeysiiyay muslimiinta
in dagaal lagu qaado
kuwii diinta ka
riddoobay, iyadoo
saxaabadiina ay aqbaleen
ijtihaadkiisii toosnaa.
Kuwii ugu xoogga badnaa
ee ka mid ahaa
qabiilooyinkii ka
laabtay diinta islaamka,
uguna tirada badnaa ayaa
waxay ahaayeen qoyska
reer Banuu Xaniifa,
qabiilkaasoo uu ka
dhashay ninka la
yiraahdo Musaylamata
Al-kadaab. Waxaa
Musaylamata u soo saftay
oo u hiiliyay tolkiisa
iyo xulafadiisuba oo
gaarayay afartan kun oo
dagaalyahaniin ah,
waxayna intooda badan u
raaceen ficillo
qabyaaladeed, ee ma
aynan u raacin rumeyn ay
rumeynayaan. Maxaa
yeelay qaar ka mid ah
kuwaas ayaa waxay oran
jireen "waxaan qiraynaa
in Musaylamata uu
beenaale yahay,
Muxammad-na uu runloow
yahay.., hase ahaatee
beenlowga Musaylamata
ayaan ka jecelnahay
runlowga Muxammad".
Cabsida laga qabo haddii
la jebiyo ciidamada
muslimiinta
Wuxuu Musaylamata
jebiyay ciidankii ugu
horeeyay ee u soo baxay
ee ka mid ahaa ciidamada
muslimiinta, waxaana
ciidankaas hoggaaminayay
Cikramata Binu Abii
Jahal. Hase ahaatee,
Abuubakar Ilaah ha ka
raalli noqdee ayaa wuxuu
markale diray ciidan,
wuxuuna ciidankaas madax
uga dhigay Khalid Binu
Al-Walid. Waxaa
ciidamada la isugu soo
aruuriyay madaxdii
asxaabta oo isugu jiray
muhaajiriinta iyo
ansaarta, waxaana
asxaabtaas safka hore
kaga jiray Al-Baraa Binu
Maalik Al-Ansaari iyo
qaar ka mid ah
halyeeyada muslimiinta.
Waxaa dhulkii Yamaama
foodda isku-jaray
labadii ciidan,
ciidankii muslmiinta ee
uu hoggaaminayay Khalid
Binu Al-Walid, iyo
ciidankii gaallada ee uu
hoggaaminayay
Musaylamata Al-Kadaab.
Waqti yar kamaba soo
wareegan, jeer
durbadiiba ay
xooggaysato dhinacii
Musaylamata iyo
ciidankiisa, halka
ciidamadii
muslimiinta-na ay ka
billaabaan
dib-u-gurasho, dhinaca
kale waxay ciidankii
Musaylamata cagta
mariyeen teendhadii
weyneyd ee uu lahaa
Khalid Binu Al-Walid,
wayna siibeen, waxayna
sigeen inay dilaan
xaaskii Khalid Binu
Al-Walid hadduusan
badbaadin nin iyaga ka
mid ahaa. Runtii waxay
ahayd waqti aad u adag,
waxayna muslimiintii
dareemeen xaalad aad u
qadhaadh oo aad u weyn,
oo waxay muslimiinta
yaqiinsadeen in haddii
ciidamada Musylamata ay
jebiyaan oo uu ka
adkaado ciidanka
muslimiinta inaynan
jiraynin qof u istaaga
gargaarka diinta
Islaamka wixii maanta ka
danbeeya, iyo sidoo kale
inaan la arki doonin qof
ku caabudaya Eebbe (sw)
kelligiis dhulka
Jasiiradda Carabta.
Xeelad milateri oo
sareysa
Intaa dabadeed waxaa
booday Khalid Binu
Al-Walid, isagoo isu
keenay dhammaan
ciidamadiisa, wuxuuna
muhaajiriintii ka soocay
ansaartii, sidoo kalena
kuwii reer miyiga ahaa
ayuu iyagana ka soocay
kuwii kale. Wuxuu qabiil
kasta u dhiibay hal
calan, bal si loo garto
wacdaraha koox kasta ay
muujiyaan, sidoo kale si
loo ogaado halka iyo
goobta lagaga imaanayo
muslimiinta, dabadeedna
waxaa billaabatay
dagaalkii. Labadii
ciidan waxaa dhex maray
dagaal ba'an oo ayna
muslimiinta weligood
arkin mid la mid ah.
Kooxdii Musaylamata
waxay goobtii dagaalka
ku muujiyeen adkeysi
weyn, iyagoo aanan u
aaba-yeelin tirada
faraha badan ee kaga
dhimanaya dagaalka,
dhinaca kale waxay sidoo
kale muslimiintana
dhinacooda ka muujiyeen
geesinimo aad u weyn,
waxaana tusaale uga soo
qaadanaynaa qaar ka mid
ah halyeeyadii
muslimiinta ee
dagaalkaas.
Tusaalihii geesinimo ee
saxaabada
Waxaynu arkaynaa Thabit
Binu Qays oo sida
calankii Ansaarta oo isu
diyaarinaya geeri iyo
dhimmasho, isagoo
xirtayna kafantii
meydka. Wuxuu qotay
godkii lagu aasi lahaa,
dabadeedna wuxuu
labadiisii dhudhun ku
aasay godkii, isagoo ku
sugnaaday goobtaas.
Sidaas ayuu ahaa oo ugu
dagaalamayay ilaa markii
danbe laga dilay isagoo
shahiid ah. Sidoo kale
waxaynu kaloo arkaynaa
Zeyd Binu Cumar Binu
Al-Khadaab oo ahaa Cumar
Binu Al-Khadaab
walaalkiis oo u
dhawaaqaya muslimiinta
isagoo leh "dadyahoow
goowsihiina qaniina,
laayana cadoowgiina,
horeyna u sii socda..,
dadyahoow, wallaahi
ayaan ku dhaartaye hadli
maayo wixii oraahdaydan
ka dambeeya jeer laga
jebiyo ciidmada
Musaylamata ama aan
Eebbe kala kulmo,
annigoo wata xujadayda
iyo markhaatigayga".
Intaa dabadeed wuxuu
rogaal celin ku sameeyay
gaalladii isagoo
dagaalamaya, jeer markii
danbe isna laga dilo
isagoo shahiid ah.
Waxaan kaloo isla
goobtii dagaalka ka
arkaynaa misna Salim oo
ahaa mowlihii (kii la
lahaa) Xudeyfa Ilaah ha
ka raalli noqdee, isagoo
sida calankii
muhaajiriinta. Waxaa u
cabsaday tolkiisii
muhaajiriinta, waxayna
ku yiraahdeen "waxaan ka
cabsanaynaa in nalooga
yimaado dhinacaaga",
wuxuuna ugu jawaabay
hadalkan qiimaha leh
"haddii la idinkaga
yimaado dhinacayga
waxaan ahaanayaa qof
xambaarsan (xifsadan)
qur'aanka kan ugu xun",
dabadeedna si geesinimo
ku jirta ayaa wuxuu
rogaal celin geesinimo
oo ba'an ku celiyay
gaalladii, jeer isna
laga dilo isagoo shahiid
ah. Hase ahaatee,
halyeeyadaas aynu soo
aragnay dhammaantood
waxay ahaanayaan wax yar
marka loo barbardhigo
halyeeynimada iyo
geesinimada Al-Baraa
Binu Al-Ansaari Ilaah ha
ka raalli noqdee.
Al-Baraa oo looga fursan
waayay hoggaaminta
ciidamada
Markii uu Khalid Binu
Al-Walid arkay dagaalkii
oo sii kululaanaya, oo
maraya meel daran ayaa
wuxuu jaleecay oo eegay
xaggii Al-Baraa Binu
Malik Al-Ansaari,
wuxuuna ku yiri
"xaggooda u kac wiilkii
Ansaaroow", dabadeedna
wuxuu Al-Baraa Binu
Malik isna eegay
dhinacii tolkiisa,
isagoo leh "ansaareey
yuusan qof idinka ka mid
ihi ku fekerin inuu ku
laabto magaalladii
Madiina, wixii maanta ka
danbeeya ma lihidin
magaallada Madiina..,
waxaad leedihiin Eebbe
(sw) kelligii iyo
Jannada".
Gaallada oo magangalay
beertii geerida
Wuxuu Al-Baraa iyo
asxaabtiisa durbadiiba
ay ku qaadqaadeen
mushrikiinta, wuxuuna
Al-Baraa billaabay inuu
kala beero safafklii
gaallada, seeftiisana
wuxuu kaga shaqeeyay oo
uu ku laayay cadoowga
Ilaahay qoortooda, jeer
ay markii danbe ka
ligligato gummadihii
ciidamada Musaylamata,
waxayna iyagoo cararaya
ku magangaleen beer,
taasoo taariikhda u
aqoonsatay wixii
maalintaas ka danbeeyay
magacan “beertii
geerida”, dadka faraha
badan ee lagu laayay
awgeed.
Beertan waxay ahayd mid
dacalladeedu ay waasic
tahay, lehna derbiyo
dhaadheer. Musaylamata
iyo ciidankiisa gaarayay
kumanaanka kun waxay
isku soo xireen
albaabadeedii, iyagoo
derbiyadaas isku
ilaalinaya. Ciidamadii
Musaylamata waxay
billaabeen inay
leebabkoodii kaga soo
tuuraan muslimiinta,
iyagoo ku jira
dhufeysyadooda.
Taladii Al-Baraa
Muslimiintii waxay
galeen khatar kale oo
hor leh, waxayna
billaabeen inay
tashadaan. Muslimiinta
geesigooda iyo
halyeygooda ayaa haddana
soo baxay ee ahaa
Al-Baraa Binu Malik,
isagoo ku leh
muslimiinta "waxaad i
saartaan gaashaan
korkiisa (wuxuu ahaa nin
baryar), dabadeedna
waxaad gaashaanka kor
ugu qaaddaan warmaha,
sidaasna waxaad igu
tuurtaan meel u dhow
iridka beerta, labo
midkood ayaa dhacaya,
waa in la i dilo oo aan
shahiido, iyo in aan
iridka idinka furo".
Ilbiriqsi kamaba soo
wareegan jeer ay
muslimiintii qaataan
taladii Al-Baraa,
waxayna saareen
gaashaankii, maxaa
yeelay markii horeba
wuxuu ahaa nin baryar,
waxay kor ugu qaadeen
tobaneeyo warmood,
dabadeedna waxayna ku
dhex tuureen dhinacii
beerta isagoo dhexda uga
galay ciidamadii
kumanaanka kun ahaa ee
uu hoggaaminayay
Musaylamata.
Wuxuu Al-Baraa sidii
baarashuudka oo kale ku
soo kor-degay ciidamada
Musaylamata dhexdooda,
wuxuuna billaabay inuu
la dagaalamo gaallada,
isagoo seeftiisa ku
laayay toban ka mid ah
gaalladii jeer uu markii
danbe ka furo iridkii,
iyadoo jirkiisa ku
yaaliin dhowr iyo
toddobaatan dhaawac oo
isugu jiray leebab iyo
warmo. Muslimiintii ayaa
hal meer ku soo butaacay
beertii geerida, iyagoo
ka soo galaya beerta
derbiyadeeda iyo
albaabadeeda, waxayna
seefahoodii kaga
shaqeeyeen gaalladii ka
riddowday/laabatay
islaamka, kuwaasoo ku
dhuuntay beerta
derbiyadeeda jeer laga
laayo wax ku dhow
labaatan kun, waxayna
muslimiintii gaareen
ninkii Musaylamata ahaa,
isna markii danbe way
dileen, wuxuuna ahaa
ninkii ugu horeeyay ee
iska sheegta nebinnimo
kadib Nebinnimada Nebi
Muxammad (scw).
Al-Baraa oo jeclaa
markasta shahaado
Waxaa la soo qaaday
Al-Baraa Binu Malik si
loo daaweeyo, Khalid
Binu Walid ayaa
daaweenayay muddo bil ah
ilaa uu Eebbe (sw) ka
siiyo caafimaad, isaga
sababtiisa ayeey
muslimiinta guul ugu
heleen. Al-Baraa Binu
Malik Ilaah ha ka raalli
noqdee wuxuu markasta u
hiloobi jiray in Alle
dartii loo dilo
(shahiido), taasoo ka
tagtay maalintii loogu
magac daray "beerta
geerida".
Furashada Tustur
Wixii intaa ka danbeeyay
wuxuu Al-Baraa Binu
Maalik ku taami jiray
hilowgiisii weynaa ee
ahayd inuu haleelo oo uu
ka daba tago Nebigii
(scw) qiimaha badnaa,
jeer markii danbe laga
soo gaaro maalintii
loogu magac daray
"maalintii furashada
Tustur" ee ku taalay
gobolka reer Faris.
Gaalladii reer Furus
waxay ku dhuunteen mid
ka mid ah dhufeysyada
sibsibka ah.
Muslimiintii waxay
go'doomiyeen gaalladii,
iyagoo isku soo
wareejiyay hareeraha
dhufeysyadaas. Markii ay
ku dheeraatay gaalladii
reer Furus go’doonkaas
waxay billaabeen inay ka
soo raariciyaan
dhufeyskii ay ku jireen
derbiyadeeda silsilado
bir ah, laguna sii xiray
kalbado birlab ah oo
lagu shiday dab, taasoo
ka kulul dhuxusha dabka
ah. Kalbaddaas birlabta
ahayd waxay galaysay
muslimiinta jirkooda,
kadibna way ku
dhageysay, dabadeedna
waxay u sii qaadaysay
xaggii gaallada Furuska
iyagoo markaas amaba
dhintay, amaba qarka u
saaran inay dhintaan.
Haddaba, kalbadihii mid
ka mid ah ayaa ku
dhegtay Anas Binu Malik
oo ay walaalo ahaayeen
Al-Baraa Binu Malik.
Maba uusan arag Al-Baraa
walaalkiis anas jeer uu
durbadiiba ku booday
derbigii sibsibka ahaa,
wuxuuna qabtay
silsiladdii sidatay
walaalkiis Anas, wuxuuna
billaabay inuu
kalbadihii kululaa ka
furfuro si uu uga saaro
jirka walaalkiis,
gacantiisii ayaa
gubatay, waxaana ka
baxay qiiq. Al-Baraa dan
kama gelin xanuunka
gubashada jeer uu markii
danbe ka badbaadiyay
walaalkiis, wuxuu dhulka
u soo daadegay iyadoo
gacantiisa noqotay lafo
aan saarnayn wax hilib
ah.
Haddaba, dagaalkan wuxuu
Al-Baraa Binu Malik
baryay Eebbe (sw),
isagoo Alla weydiisanaya
inuu ku shahiido
dagaalka, Ilaahayna wuu
aqbalay ducadiisii,
kadib markii uu goobtii
dagaalka dhulka ku
dhacay isagoo la dilay,
una hilowsan la kulanka
Eebbe (sw).
Ilaahay ha iftiimiyo
wejigii Al-Baraa Jannada
dhexdeeda, ishiisana
Allaha ku qaboojiyo la
jirka iyo u dhowaanshaha
Nebi Muxammad (scw),
Ilaahayna ha ka raalli
noqdo, aamiin.