Waxay ahayd goor ay
magaalladii Rasuulka (scw) ee
Madiina aynan weli hilmaamin
murugadii uga timid geeridii
khaliifkii muslimiinta ee
Abuubakar Assiddiiq Allaha ka
raalli noqdee. Waxay ahayd xilli
ay wufuuddii ka kala imaanayay
jihooyinkii kala duwanaa, si ay
u doortaan Cumar Binu Khadaab,
iyagoo ballan kula galaya inay
siiyaan maqal iyo aqbalitaan
waqti kasta oo lagu jiro.
Haddaba, goor subax ay tahay
ayaa waxaa Amiiral-mu’iniinkii
cusbaa u soo galay wafdi ka
yimid Baxrayn, waxaa wafdigaas
la socday kooxo kale oo iyagana
la socday wafdiga. Allaha ka
raalli noqdee, Cumar Binu
Khadaab wuxuu si xiiso ay ku
jirto u dhageysanayay hadalladii
iyo dardaaramadii ay u soo
jeedinayeen wufuuddaas, bal si
uu uga helo talooyin iyo tusaale
wax ku ool ah oo isaga anfacda.
Cumar oo ay saamaysay waanadii
Al-Rabiic
Wuxuu Cumar Binu Khadaab
hadalka u fasaxay wufuuddii,
hase ahaatee hadalladoodii ma
uusan ka helin hadal naftiisa
sidaas u sii saamaysay, wuxuuna
markii danbe milicsaday nin uu
kheyr ka fishay, ninkii ayuu u
baaqay inuu hadlo, wuxuuna ku
yiri “bal adigana soo daa waxaad
hayso”. Ninkii wuxuu ku
mahadiyay Eebbe (scw), wuuna
amaanay, dabadeedna wuxuu yiri:-
“adiga amiiral-mu’miniinoow
waxaad ogaataa inaanan ummadda
madax lagaaga dhigin aan ka
ahayn inay tahay imtixaan uu
Alle kugu imtixaanayo, ee Alle
uga cabso wixii madax lagaaga
dhigay, waxaadna ogaataa in
haddii hareeraha webiga Furaat
ay ku lunto neef ari ah in
xaggeeda lagaa weydiin doono
maalinta qiyaamaha”.
Cumar Binu Khadaab waxaa si
weyn u saamaysay hadalkii uu
yiri ninkaas, markaasuu ooyay,
wuxuuna yiri “ma jiro qof laga
soo billaabo markii aan
khaliifka noqday iigu run
sheegay sidaad adiga runta iigu
sheegtay, ee kumaad tahay
adiga?”. Wuxuu yiri “Al-Rabiic
Binu Ziyaad Al-Xaarithi”. Cumar
ayaa haddana weydiiyay “oo ma
waxaad la dhalatay Haajir Binu
Ziyaad?”. Wuxuu yiri “haa”.
Markii ay dadkii ka kala
dareereen fadhigii uu fadhiyay
Amiiral mu'miniinka Cumar Binu
Khadaab, ayaa Cumar ku yiri Abuu
Musa Al-Ashcari “waxaad noo soo
ogaataa arrinka ku saabsan
ninkaan, hadday daacad ka tahay
hadalkiisaas waxaa hubaal ah
inuu kheyr fara badan wato, isla
markaasna uu noo noqon karo
kaalmo weyn”. Kama soo wareegan
waqtigaas wax yar, jeer
maalintii danbe uu Abuu Muusaa
Al-Ashcariy ka diyaariyay
ciidankii furanayay magaallada
“MANAADIR” kana tirsan gobolka
Al-Ahwaz, isagoo markaas
fulinayay amarkii uu siiyay
khaliifka muslimiinta ee Cumar
Binu Khadaab. Wuxuu Abuu Muusa
ku daray ciidankii muslimiinta
Al-Rabiic Binu Ziyaad iyo
walaalkiis Haajir Binu Ziyaad.
Furashadii Manaadir
Ciidankii uu hoggaaminayay
Abuu Muusa waxay go’doomiyeen
magaalladii Manaadir, waxayna
gaalladii degganayd halkaas la
galeen dagaal aad u weynaa oo si
daran labada dhinac loogu
hoobtay. Ciidankii gaallada
waxay soo bandhigeen xeelad
dagaaleed oo sarreysa, taasoo
sababtay in ciidamadii
muslimiinta laga laayo tiro aad
u fara badan.
Iyagoo sooman ayeey
dagaalamayeen
Maalintaas ay muslimiinta
dagaalka galayaan waxay ahayd
bil Ramadaan, sidaa darteed
waxay muslimiinta dagaalamayeen
iyagoo sooman. Markii uu
Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen
Al-Rabiic Binu Ziyaad arkay in
dhimmashadii muslimiinta ay sii
badanayso ayaa wuxuu goostay
inuu naftiisa ku iibsado raalli
ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu
markaas naftiisa jidka Alle
dartii u qaddimo. Sidaa darteed
wuxuu is mariyay barafuunka ama
cadarka la mariyo meydka, wuuna
is kafnay, isagoo u dardaarmayna
walaalkiis.
Maadaama uu Al-Rabiic Binu
Ziyaad Allaha ka raalli noqdee
wuxuu jeclaystay in walaalkiis
iyo ciidamada muslimiintaba ay
afuraan, wuxuuna u tagay Abuu
Muusa Al-Ashcariyi oo
hoggaaminayay ciidanka, wuxuuna
ku yiri “ninkii Muhaajir ahaa
wuxuu goostay inuu naftiisa ku
iibsado raalli ahaanshaha Eebbe
(sw) weliba isagoo sooman,
muslimiintiina waxaa isugu
darsamay dagaalkii qaraaraa iyo
iyagoo sooman, taasoo
tabar-yareysay niyaddooda, wayna
diideen inay afuraan ee wixii
kula quman bal sameey”.
Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa
istaagay isagoo u dhawaaqaya
ciidanka, wuxuuna ku yiri:
“muslimiinoow waxaan goostay oo
go’aansaday in qof kasta oo
sooman uu afuro, ama uu isaga
haro dagaalka”, wuxuuna soo
qaatay ibriiq/kirli biyo ku
jiray, sidiina ayuu biyihii ku
cabbay, si dadkana ay u raacaan
oo ay iyagana afuraan, maadaama
uu yahay amiirkooda ay waajib
tahay inay hadalkiisa aqbalaan.
Markii uu Muhaajir maqlay
hadalkii uu yiri Abuu Muusa ayaa
wuxuu biyihii kabaday hal jeer,
wuxuuna yiri “ wallaahi uma
cabbin oon i hayay dartii, hase
ahaatee waxaan meel marinayay
dhaartii uu dhaartay
amiirkayga”. Waana tarbiyad ay
ka barteen macalinkoodii weynaa
ee Rasuulka (scw), oo wuxuu
xaddiis macnihiisa ahaa ku yiri
isagoo arrintan ka hadlayaya
"qofkii aqbala amiirkayga waa
qof i adeecay".
Madaxii Muhaajir oo la gooyay,
lagana soo laalaadiyay meel sare
Intaa kadib, wuxuu Muhaajir
seeftiisa kala soo baxay
galkeedii, sidiina ayuu ku galay
dagaalkii. Wuxuu seeftiisii ku
kala beeray safafkii dagaalka,
wuxuuna billaabay inuu si
geesinimo leh oo aan cabsi ku
jirin uu dhulka u dhigo
gaalladii uu la dagaalamayay.
Inkastoo uu Muhaajir muujiyay
wacdarradaas weyn, haddana waxaa
markii danbe korkiisa dhinac
weliba ka haleeshay seefihii iyo
warmihii ay soo tuurayeen
gaallada, ilaa markii danbe uu
dhulka ku dhaco isagoo dangiigan
oo meyd ah. Dhinaca kale, waxay
gaalladii si aan naxariis lahayn
u soo goosteen madaxii Muhaajir,
waxayna ka soo laa-laadiyeen
meel sare oo goobta dagaalka ka
mid ahayd.
Al-Rabiic: waan ku aargudi
doonaa
|
Al-Rabiic Binu Ziyaad
ayaa yiri
"alla ayaan badnidaa,
waxaana kuu sugnaatay
meel loo dheelmado
meeshii ugu
wanaagsanayd", wuxuuna
ula jeeday Jannada. |
Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa
eegay walaalkiis Muhaajir oo
madaxiisa ka soo laalaada meel
sare, markaasuu si ay sugnaansho
iimaaneed ku jirto u yiri "alla
ayaan badnidaa, waxaana kuu
sugnaatay meel loo dheelmado
meeshii ugu wanaagsanayd",
wuxuuna ula jeeday Jannada.
Dhinaca kale, wuxuu Al-Rabiic
ballan ku galay inuu u aargudi
doono walaalkiis, wuxuuna yiri
"wallaahi ayaan ku dhaaranayaa
inaan kuu aargudi doono adiga
iyo muslimiinta la laayay-ba
inshaalah".
Wuxuu la wareegay hoggaaminta
ciidanka
Markii uu arkay Abuu Muusaa
Al-Ashcariyi sida uu Al-Rabiic
uga walbahaaray geerida sida
saxariirta leh ugu timid
walaalkiis, ayaa waxaa la
qumanaatay inuu hoggaaminta
ciidanka uu uga tanaasulo
Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic
ula wareegay hoggaaminta
ciidanka, waxayna aadeen
magaallada Suus si ay u furtaan.
Ciidamadii muslimiinta ee uu
hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa
sidii hufadii oo kale hal mar u
galeen goobihii ay degganaayeen
gaallada. Dagaal ba'an oo dhex
maray ciidamadii muslimiinta iyo
gaallada kadib, wuxuu Eebbe (sw)
sabab uga dhigay Al-Rabiic Binu
Ziyaad inuu furto magaalladii la
oran jiray Manaadir. Waxay
muslimiintii laayeen
dagaalyahaniintii gaallada ahaa,
waxayna soo qafaasheen
ubadkoodii, iyagoo hantidoodiina
intuu Alle doonay qaniimaystay
(qaniimada waa hantida laga soo
helo jihaadka).
Xiddigii Al-Rabiic oo soo birqay
Dagaalkii Manaadir kadib
waxaa birqay xiddiggii Al-Rabiic
Binu Ziyaad, wuxuuna magaciisa
ku faafay carab kasta iyo guud
ahaan muslimiintii waqtigaas.
Wuxuu ka mid noqday Al-Rabiic
Binu Ziyaad madaxda sare loo
eego, kuwaasoo iyaga looga
fursan waayo markay xaaladdu
qadhaadhaato. Muslimiintii
markay goosteen inay furtaan
gobolka Sijistaan waxay ballan
adag ku galeen inuu Rabiic la
wareego hoggaaminta dagaalkaas,
iyagoo ka rajo qabay inuu u soo
hoyan doono guulo waaweyn.
Ciidamadii uu hoggaaminayay
Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa waxay
u kicitimeen dhulka Sijistaan
iyagoo jidka Alle ku duulaya.
Wuxuu Al-Rabiic mariyay
ciidankiisa dhul lama galaan ah
oo aad u dheer aadna khatar u
ah. Socod dheer kadib,
magaalladii ugu horeysay ee uu
la kulmay waxay ahayd magaallada
loo yaqaano Rustaaqu Zaaliq,
magaalladaan oo xad la leh
magaallada Sijistaan, waxayna
ahayd magaallada Rustaaqu Zaaliq
magaallo aad u cammiran, lehna
daaro aad u dhaaheer, sidoo kale
wax soo saar badan. Waxaa
magaallada ku hareereesnaa
dhufeysyo aad u waaweyn.
Halyeeygii geesiga ahaa ee
Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu
intuusan magaallada gelin diray
ilaalo ciidamadiisa ka mid ah,
si ay u soo indha-indheeyaan
xaaladda magaallada.., waxayna
ilaaladii soo ogaadeen inay
dadka deggan magaalladaas ay u
dabaaldagi doonaan xaflad ay
leeyihiin. Wuxuu Al-Rabiic la
beegsaday qabashada magaallada
habeenkii ay dhiganayeen
xafladda, sidiina ayuu si kedo
ah dagaal ugu qaaday iyagoo ku
mashquulsan xafladdooda.
Guddoomiyihii oo isna la
qafaashay
Gaallada raggoodii ciidamada
ahaa wuu laayay Rabiic, halka uu
soo qafaashayna kuwo kale oo
gaarayay ilaa 20 000 qof,
waxaana ku jiray kuwaas la soo
qafaashay guddoomiyihii
magaalladaas.
Sidoo kale, waxaa kaloo
dadkii la qafaashay ku jiray
addoon u shaqayn jiray
guddoomiyaha degmada, wuxuuna
haystay markaas lacag gaaraysa
300 000 oo dirham, (lacag aad
iyo aad u fara badan) si uu u
siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic ayaa
ku yiri ninkii "inteed ka
keentay lacagtan faraha
badan?!". Wuxuu yiri "waxay ka
timid mid ka mid ah tuulooyinka
uu xukumo sayidkayga". Al-Rabiic
ayaa ku yiri "ma tuullo kasta
waxay bixisaa lacagtaan oo kale
sannad kasta". Wuxuu yiri "haa".
Al-Rabiic ayaa yiri "siday ku
dhacday?!". Wuxuu yiri
"lacagtaan waxaan ka soo saarnaa
faasasyadeena iyo dhididkeena"
oo uu ula jeeday lacagtaas waa
waxaan soo shaqaysanay oo aan ku
soo tacabnay.
Muslimiintii oo helay hanti fara
badan
Markii uu qaboobay dagaalkii,
ayaa waxaa Al-Rabiic Binu Ziyaad
oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka u
yimid guddoomiyihii degmada,
isagoo doonaya inuu bixiyo lacag
furasho ah. Al-Rabiic ayaa ku
yiri "waan ku sii deenayaa
haddaad muslimiinta u badiso
lacagta furashada".
Guddoomiyihii degmada "imisaad
doonaysaa?". Al-Rabiic Binu
Ziyaad "waxaan dhulka ku
qotominayaa warankan, dabadeedna
waxaad korkiisa ku shubaysaa
dahabka kiisa huruudka ah iyo
fiddada ama qalinka ilaa aad ka
qariso qarin". Guddoomiyhii
degmada wuxuu yiri "waan
oggolahay", wuxuuna
kaasafoortadiisa ka soo saaray
dahabkii kala duwanaa, isagoo
warankii dhulka lagu qotomiyay
korkiisa ku shubay jeer dahabkii
ay qariyaan waranka.
Furashadii Sijistaan
Saxaabigii jaliilka ahaa ee
Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka
raalli noqdee waxay ciidankiisii
guuleystay guda galeen markale
sidii ay u furan lahaayeen
gobolka Sijistaan. Dagaallo
daran kadib, waxaa is fur-furay
dhufeysyadii ku hareersanaa
Sijistaan. Dadkii degganaa
magaalooyinka iyo tuulooyinka
waxay billaabeen inay soo
dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic
Binu Ziyaad, iyagoo A-l-Rabiic
ka dalbanaya nabadgelyo kahor
intuusan ula bixin seefaha ilaa
uu markii danbe ka gaaro
magaallada Zaranj oo ahayd
xarunta gobolka Sijistaan.
Waxyar kadib maba la joogin,
jeer ciidamadii gaallada ay u
diyaar garoobaan inay dagaal ku
qaadaan ciidamada muslimiinta,
waxayna isaga yeerteen meel
kasta, si ay u difaacdaan
magaalladoodii istiraatiijiga
ahayd, arrintaasina wax kasta ha
ku qaadatee. Labadii ciidan
waxaa dhex martay dagaal si
ba'an labada dhinac loogu
hoobtay, iyadoo labada ciidanba
ay ka dhinteen dad aad u badan.
Markii ay ciidamadii
muslimiinta ay u soo muuqatay
guushii dagaalka ayaa
guddoomiyihii gaallada ee la
oran jiray Barweez guda galay
siduu ula heshiin lahaa
Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu
isaga iyo tolkiisa ay u helaan
wax u dhaama dhimmashada kaga
imaanaysa dagaalka.
Barweez wuxuu ergo u diray
Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo
weydiisanaya inuu u sameeyo
madal ama ballan uu kula kulmo,
si uu ugala xaajoodo nabad,
wuuna ka aqbalay Al-Rabiic
dalabkaas. Al-Rabiic Binu Ziyaad
ayaa amray ciidamadiisa inay
diyaariyaan goobtii uu kula
kulmi lahaa Barweez, wuxuuna
ciidankiisa ka dalbay in
hareeraha goobta kulanka lagu
soo daadiyo meydadkii gaalladii
reer Furus ee dagaalka lagu
laayay, iyo sidoo kale in meydad
kale lagu daadiyo waddada
labadeeda dhinac ee uu soo mari
doono Barweez.
Wuu cabsanayay qofkii arkaa
Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu
ahaa nin aad u dheer, lehna
midab maariin, aadna u xoog
badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay
qofkii arka Al-Rabiic. Barweez
markii uu u soo galay Al-Rabiic
waxaa durbadiiba gashay cabsi
aad u weyn, cabsi awgeed ayuu ku
sigtay inay nafta uga baxdo,
kadib markii uu arkay meydadkii
dadkiisii laga laayay ee lagu
daadiyay waddada. Ma uusan ku
dhiiran Barweez inuu u soo
dhowaado Al-Rabiic si uu u
salaamo. Wuxuu ka cabsaday in la
dilo, hadal gango leh oo laga
dareemayo cabsi daran ayuu kula
hadlay Al-Rabiic, isagoo ballan
kula galay inuu u soo saaro 1000
wiil oo dhalinyaro ah, uuna mid
kastaana madaxiisa saaro koob
dahab ah, sidiina ayuu Al-Rabiic
Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii
ka yimid Barweez.
Maalin aad u weyn ayeey ahayd
Maalintii xigtay wuxuu
Al-Rabiic Binu Ziyaad soo galay
magaalladii, iyagoo dadkii
degganaa magaallada-na ay garab
socdaan tahliishii (Laa ilaaha
Illallaah) iyo takbiirtii
(Allahu akbartii) ay qaadayeen
muslimiinta. Waxay ahayd maalin
aad u weyn oo ka mid ahayd
maalmaha Eebbe (sw), sidiina
ayuu A-Rabiic Binu Ziyaad sabab
ugu noqday inuu furto
magaalooyin fara badan oo ka mid
ahaa dhulkii ay degganaayeen
reer Furus.
Wixii intaa ka danbeeyay,
wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad ahaa
geesigaas ay muslimiinta u
kaalmaystaan ka hortagga
cadoowga Alle ilaa markii danbe
dowladdii islaamka ay gacanta u
gasho qoys la yiraahdo reer
Banii Ummaya. Run ahaantii waxay
ahayd nasiib darradii ugu
weynayd ee islaamka soo waajaha,
kadib markii dowladdii islaamka
ee loo wada dhammaa ay la
wareegeen qoyskaas reer Banii
Ummaya.
Al-Rabiic oo madax looga dhigay
Khuraasaan
Magaalladii Khuraasaan ee la
xoreeyay waxaa madax looga
dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad
kadib markii uu u magacaabay
Mucaawiya Binu Abii Sufyaan.
Hase ahaatee, Al-Rabiic Binu
Ziyaad kuma qalbi fiyoobeen
madaxnimadaas, oo wuxuu jeclaa
inuusan madax noqon, weliba
wuxuu sii dhibsaday markii uu
warqad ka helay ninka la
yiraahdo Ziyaad Binu Abiih oo ka
mid ahaa madaxdii waaweynaa ee
reer Banii Ummaya, dhinaca
kalena ka mid ahaa raggii dilay
Xuseen Binu Cali wiilkii uu
awoowga u ahaa Rasuulka (scw).
Warqaddii loo soo diray
Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa
hadalladan “amiiral mu’miniinka
Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad
dahabka kiisa huruudka ah iyo
kiisa cad (qalinka) kana mid ah
qaniimooyinka jihaadka aad u
dhigtid bankiga dhexe ee
muslimiinta, wixii intaas ka soo
harana aad u qaybisid
mujaahidiinta”, taasina waa mid
si toos uga hor imaanaysa
qodobbada ku cad nusuusta
qur’aanka. Waxaan ognahay inuu
Eebbe (sw) qaybiyay sida loo
kala qaadanayo hantida laga soo
helo jihaadka, iyadoo shan
qaybood qayb la dhigayo
baytul-maalka, halka inta soo
hartayna loo qaybinayo
mujaahidiinta, iyadoo uu
qaybinayana amiirka jihaadka.
Noloshii waan ka noogay
Al-Rabiic Binu Ziyaad
Al-Xaarithi dalabkaas si daran
ayuu ugu gacan sayray, wuxuuna
warqad uu ugu jawaabayo Ziyaad
Binu Abiih ku yiri "waxaan
kitaabka Alle ka helay amar ka
duwan kii aad igu soo amartay
magaca amiiral-mu'miniinka",
dabadeedna dadkii ayuu isugu
yeeray isagoo u dhawaaqayana
wuxuu ku yiri "ku soo kallaha
qaniimooyinkiinii oo kaalaya
qaata", wuxuuna maalkii
qaniimada shan meelood meel u
diray bankiga dhexe ee
muslimiinta ee Dimishiq.
Maalintii jumcada ee xigtay
markay timid, wuxuu Al-Rabiic
Binu Ziyaad u soo baxay
salaaddii jumcada isagoo xiran
dhar cadcad. Dadkii ayuu u
jeediyay khudbaddii jumcada,
dabadeedna wuxuu yiri "dadoow
waan ka noogay noloshan ee waan
duceenayaaye ee aamiin ii dhaha
ducadayda" kadibna wuxuu ku
duceystay "Ilaahayow
haddaad kheyr ila doonaysid
xaggaaga ii qibloow oo i oofso
si degdeg ah oo aan dib dhigid
lahayn", dadkiina ducadiisa
ayeey aamiin u yiraahdeen.
Maalintaas qoraxdeeda ma dhicin
jeer uu ka dhinto saxaabigii
geesigii ahaa ee dunidan dhow ka
doortay la kulankii Eebbe (sw).
Ilaahay ha ka raalli noqdo, hana
u naxariisto saxaabigii jaliilka
ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad
Al-Xaarithi.