|
ZEYD BINU
XAARITHA
“WAA SAXAABIGA
KELIYA EE
MAGACIISA LAGU
XUSAY QUR’AANKA”
(26)
Sucdaa Bintu
Thaclaba waxay
doonaysay inay
tolkeeda reer
Banii Macan soo
booqato, waxaana
waqtigaas
socdaalka ku
wehelinayay
wiilkeeda Zeyd
Binu Xaaritha
Al-Kacbiyi.
Xaaritha wuxuu
sagootiyay
xaaskiisii
Sucdaa iyo
wiilkiisii yaraa
ee Zeyd. Wuxuu
si fiican ugu
hubsaday awrkii
ay saarnaayeen,
gacmaha ayuu kor
ugu qaadayay,
isagoo
sagootinaya.
Mararka qaarkood,
galgacaylka iyo
jacaylka weyn ee
uu qabay
xaaskiisa iyo
wiilkiisa Zeyd
ayaa qaadayay,
oo wuxuu is
arkayay isagoo
daba socda
awrkii ay
saarnaayeen.
Laakiin gadaal
danbe ayuu dib u
soo xasuustay
inuusan safarka
ku wehelinaynin.
Sidaas darteed
ayuu dib ugu soo
noqday guriga.
Sucdaa iyo
wiilkeedii waxay
socdaan, markay
soo gaareen
daarihii ay
degganaayeen
tolkeedii ayaa
waxaa iyada iyo
dadkii la
socotayba hal
mar soo weeraray
fardoollaydii
reer Banii Qayn,
dabadeedna waxay
billillaqaysteen
dhammaan
hantidii ay
wateen, ratigii
ay wateena way
kaxaysteen,
sidoo kale
wiilashiina way
qafaasheen.
Zeyd oo la
qafaashay
Haddaba,
wiilashii la
qafaashay ayaa
waxaa ku jiray
Saxaabiga aan ka
sheekeenayno ee
Zeyd Binu
Xaaritha.
Waqtigaas iyada
ah waxay Zeyd
Binu Xaaritha
da’diisu ahayd
qiyaastii 8 jir.
Zeyd Binu
Xaairtha iyo
wiilashii kale
ee la qafaashay
waxaa la keenay
suuqii weynaa ee
la oran jiray
Cukaada, iyagoo
la doonayo in
dadka loo
bandhigo inay
iibsadaan
caruurtaas la
soo qafaashay.
Waxaa Zeyd
Binu Xaaritha
gatay nin
hantiile ah kana
mid ahaa madaxda
Qureysh. Ninkaas
magaciisa waxaa
la yiraahdaa
Xakiim Binu
Xazaam Binu
Khuweylid,
wuxuuna ku gatay
Zeyd lacag
gaaraysa 400
dirham, ma ahayn
Zeyd oo keliya,
ee wuxuu kaloo
goobtii suuqa ka
soo gatay wiilal
kale oo fara
badan.
Markii uu
Xakiim Binu
Xazaam yimid
magaallada
Makka, waxaa
warkiisii
maqashay
Khadiija Bintu
Khuweylid oo
eeddo ugu
toosnayd Xakiim.
Way soo
booqatay, iyadoo
salaamaysa soona
dhoweynaysa,
wuxuuna Xakiim
ku yiri
eeddadiis
“eeddo, waxaan
suuqa Cukaada ka
soo gatay
wiilal, ee kaad
doontid
wiilashaas ka
dooro waan kuu
hadiyeenayaaye”.
Khadiija
Bintu Khuweylid
ayaa si fiican u
eegtay
wiilashii,
dabadeedna waxay
ka dooratay Zeyd
Binu Xaaritha,
kadib markay ku
aragtay inuu
leeyahay
astaamaha
wanaagsan sida
xilkasnimo iyo
caqli qoto dheer
oo ay ku
tuhmaysay. Zeyd
Binu Xaaritha
wuxuu soo raacay
Khadiija Bintu
Khuweylid. Maba
ka soo wareegan
waqtigaas waxyar
jeer uu Rasuulka
(scw) guursaday
Khadiija
Bintu Khuweylid,
waxayna haddiyad
ahaan Rasuulka
(scw) u siisay
Zeyd Binu
Xaaritha.
Zeyd oo ku
soo wareegay
guriga Rasuulka
(scw)
Wiilkii
nasiibka badnaa
wuxuu u soo
wareegay
xanaanaynta iyo
la deriska
suubbanaha
Rasuulka (scw),
isagoo nasiib u
yeeshay inuu ka
ag dhowaado inta
uu Alle uummay
kii ugu sharafta
iyo fadliga
badnaa, si uu
markaas uu uga
shidaal qaato
hanuunka iyo
akhlaaqda
suubban ee uu ku
sifaysnaa
Rasuulka (scw).
Hooyada Zeyd
Binu Xaaritha
labo indhood
isuma aynan
keenin laga soo
billaabo markii
la qafaashay
wiilkeeda. Taas
waxaa uga sii
darnayd iyadoo
aan nolol iyo
geeri toona
midna ku ogeyn
Zeyd. Maadaama
ay tahay hooyo
wax dhashay
waxay isaga
jirtay
welwelkaas iyo
walbahaarkaas.
Dhinaca kale,
Zeyd aabihiis
isna dhinaciisa
ayuu dadaal kaga
jiray sidii ugu
guuleysan lahaa
wararka ku
saabsan
wiilkiisii la
qafaashay.
Xilli ay
dadka u soo
cibaado tagaan
Kacbada ayaa
qaar ka mid ah
Zeyd tolkiisa
yimaadeen guriga
barakaysan ee
Kacbada, iyagoo
ku dawaafaya
kacbada ayaa
waxay si
fool-ka-fool u
arkeen Zeyd,
durbadiiba way
garteen, isna
wuu gartay. Way
waraysteen, isna
wuu waraystay.
Markii ay guteen
cibaadadoodii,
waxay ku
laabteen
magaalooyinkoodii,
waxayna Xaaritha
oo ahaa Zeyd
aabihiis u
sheegeen inay
indhaha soo
saareen oo ay la
kulmeen Zeyd
markii ay
joogeen Makka.
Xaaritha
wuxuu durbadiiba
diyaarsaday
awrkiisii, wixii
hanti ahayd ee
uu qaadan
karayna horey
ayuu u sii
qaatay sii uu
wiilkiisa ugu
soo furto, sidoo
kale, waxaa
safarka u sii
raacay
walaalkiis
Kacab.
Way
anbabaxeen,
waxayna u
kicitimeen
jihada
magaallada
Makka. Markay
yimaadeen
magaalladii,
waxay u soo
galeen Muxammad
Binu Cabdullaahi
(Rasuulka s.c.w)
oo waqtigaas
lagu soo dejin
waxyiga, waxayna
ku yiraahdeen
“Ina
CabdilMudhalib,
waxaad tihiin
kuwo deris la ah
kacbada, waxaad
sii daysaan kan
idin weydiista
magangalyada,
kan gaajaysanna
waad quudisaan,
kan
dhibaataysanna
waad u
gargaartaan.
Waxaan kuugu
nimid inaad sii
dayso wiilkeena
kula jooga,
waxaana soo
qaadanay wixii
hanti ah ee aan
ku furanaynay
wiilkeena, ee
nagu galladayso
oo wiilka aan ku
furanno waxaad
doontid oo hanti
ah”.
Rasuulka
(scw) ayaa ugu
jawaabay “waa
kuma wiilka aad
weydiisanaysaan?”.
Waxay yiraahdeen
“wiilka addoon
ahaanta aad u
haysatid ee Zeyd
Binu Xaaritha”.
Wuxuu misna yiri
Rasuulka (scw)
hadal macnihiisu
yahay “ ka
warama hadduu
jiro wax ka
kheyr badan
furashada
wiilkiina”.
Waxay yiraahdeen
“oo waa maxay
waxaasi?”. Wuxuu
yiri hadallo u
macno dhowaa
“waan idinkugu
yeerayaa,
waxaana
dooransiinayaa
inuu ila joogo
anniga iyo inuu
idinka idinla
joogo, hadduu
idin doorto,
idinkaa wadanaya
mana bixinaysaan
wax hanti ah,
haddiise uu i
doorto waxaan
tixgelinayaa
doorashadiisa”.
Waxay yiraahdeen
“caddaalad baad
samaysay waadna
ku
xeel-dheeraatay
caddaaladda”.
Mowqifkii
qiimaha badnaa
ee Zeyd
Rasuulka
(scw) wuxuu u
yeeray Zeyd Binu
Xaaritha,
wuxuuna ku yiri
“ma garanaysaa
labadan nin?”.
Zeyd wuxuu yiri
“haa, kani waa
aabahay Xaaritha
Binu Shuraaxiil,
ninka kalena waa
adeerkay Kacab”.
Wuxuu Rasuulka
(scw) ku yiri
Zeyd “waan ku
dooransiiyay
inaad iyaga
raacdid iyo
inaad anniga ila
degganaatid”.
Zeyd ayaa
isagoon jawaabta
la dib dhicin
markiiba yiri
“maya, ee waxaan
doonayaa inaan
adiga kula
degganaado”.
Aabihii ayaa
wiilkiisa Zeyd
ku yiri
“wiilkaygiyoow
ma aabahaa iyo
hooyadaa ayaad
ka dooranaysaa
addoonsiga lagu
addoonsanayo?”.
Zeyd ayaa misna
markale ku yiri
aabihiis “ninkan
anniga unbaa og
waxaan ku arkay,
dooni maayo
inaan weligeey
ka tago”.
Markii uu
Rasuulka (scw)
maqlay arkayna
mowqifka uu
qaatay Zeyd ayaa
intuu labadiisii
gacmood qabtay u
soo waday
kacbada, wuxuuna
isagoo gacanta
haya Zeyd koray
dhagaxa
(xajarul-aswadka)
wuxuuna isagoo
koox qureysh ka
mid ah hadal u
jeedinaya yiri
“qureeshay
waxaad ka marag
noqotaan inuu
Zeyd yahay
wiilkayga, uuna
i dhaxlayo aan
isagana
dhaxlayo”.
Hadalladaas
waxay farxad
geliyeen
Xaaritha iyo
walaalkiis
Kacab, waxayna
wiilkoodii uga
tageen Muxammad
Binu
Cabdillaahi,
iyagoo ku soo
laabtay
tolkooda, isla
mar ahaantaana
aan ka cabsi
qabin aayatiinka
Zeyd Binu
Xaaritha.
Wixii
maalintaas ka
danbeey, waxaa
Zeyd loogu yeeri
jiray Zeyd Binu
Muxammad,
magacaas ayuu
lahaa jeer laga
soo saaro
Rasuulka (scw),
waxaana waxyar
kadib soo degtay
aayad lagu
mamnuucayo in
qofka uu qaato
magac ka duwan
magaca
waalidkiis, oo
wuxuu Allaah
suuradda
Al-axzaab ku
yiri aayadda
5-aad “ugu yeera
aabayaashood”.
Wixii aayaddaas
ka danbeeyay
waxaa Zeyd loogu
yeeri jiray
magaciisii hore
ee Zeyd Binu
Xaaritha.
Zeyd
maalintii uu
sayidkiisa ka
dooranayay
wiilidkiis dhab
ahaantii ma
uusan ogeyn inuu
sayidka uu
doortay uu yahay
sayidka ugu
fadliga badan
inta dunida soo
martay oo dhan.
Dhab ahaantii ma
uusan ogeyn Zeyd
markii uu
Rasuulka (scw)
ka dooranayay
waalidkii dhalay
inuu noqonayo
Rasuulka
Nabadgalyo iyo
naxariis
dushiisa ha
ahaatee loo soo
saarayo ummaddan
islaamka. Zeyd,
ma uusan ogeyn
shaqsiga uu
doortay inuu
noqon doono kan
cadligiisu iyo
samafalkiisu
hareen doonaan
barriga iyo
galbeedka
dunidan aynu
saarannahay.
Waxaasoo dhan ma
ogeyn, hase
ahaatee waxay
tani ka mid
tahay fadliga
Allaah ee uu
siiyo qofkii uu
doono oo
addoomadiisa ka
mid ah.
Dhacdadaas
soo martay Zeyd
kama soo
wareegan waqti
gaaban markii uu
Allaah (sw) soo
saaray Nabigiisa
isagoo wata
diintii hanuunka
iyo xaqa ahayd.
Haddaba, Zeyd
Binu Xaaritha
Ilaah ha ka
raalli noqdee
wuxuu ka mid
ahaa raggii ugu
horreeyay ee
qaata hanuunkii
iyo xaqii lagu
soo saaray
Rasuulka (scw).
Inkastoo uu
Zeyd Binu
Xaaritha Allaha
ka raalli noqdee
ku soo barbaaray
gurigii Xabiibka
suubbanaha
Rasuulka (scw),
haddana wuxuu
ahaa ninka uu
Rasuulku (scw)
ku qarsado
sirihiisa.
Dhinaca kale,
wuxuu Zeyd Binu
Xaaritha ka mid
ahaa
hoggaamiyayaasha
ciidamada
ilaalada
muslimiinta, iyo
isagoo uu
Rasuulka (scw)
mararka qaarkood
magaallada uga
tagi jiray,
waana xilliyada
uusan Rasuulka
(scw) ku sugnayn
magaallada.
Sidii uu Zeyd
Binu Xaaritha u
jeclaaday
Rasuulka (scw)
oo uu isaga ka
doortay
waalidkiisii
dhalay, ayuu
misna Rasuulka
(scw) dhinaciisa
u jeclaa Zeyd
Binu Xaaritha.
Rasuulka (scw)
wuxuu markasta
jeclaan jiray
inuu arko Zeyd.
Hadduusan arag
maalmo wuu u
hiloobi jiray
aragtidiisa,
markuu arkana
wuu ku farxi
jiray. Rasuulka
(scw) si uusan
dadka kale ugu
farxin ayuu ugu
farxi jiray
aragtida Zeyd
Binu Xaaritha.
Innagoo
tusaale ka mid
ah sidii uu
Rasuulka (scw) u
jeclaa Zeyd,
ayaan waxaan bal
isku dayaynaa
inaan
dhagaysanno
sheeko ay
arrintan nooga
hayso hooyadeen
Caa’isha Allaha
ka raalli
noqdee. Waxay
tiri Caa’isha
Allaha ka raalli
noqdee “waxaa
yimid Zeyd Binu
Xaaritha, iyadoo
Rasuulku-na
(scw) joogo
gurigayga,
albaabka ayuu
soo garaacay,
waxaa xaggiisa u
istaagay
Rasuulka (scw)
oo aan dhar
fiican qabin
(wuxuu qabay
dhar asturayay
inta u dhaxaysa
lowga/jilbaha
iyo xuddunta),
wuxuu yimid
albaabka isagoo
jiidaya dharkuu
qabay, wuu ku
soo booday oo
wuu dhunkaday.
Wallaahi ma
aanan arag
Rasuulka Alle
(scw) oo qaawan
maalintaas kahor
iyo kadibba..”.
Sidoo kale waxay
oran jirtay
Caa’isha Allaha
ka raalli noqdee
“Ma uusan dirin
Rasuulka (scw)
ciidan illaa
hadduu diro
wuxuu madax uga
dhigi jiray Zeyd
Binu Xaaritha,
hadduu Zeyd
noolaan lahaa
Rasuulka (scw)
gadaashiis isaga
ayaa muslimiinta
khaliifkeeda
noqon lahaa”.
Heerkaas ayuu
gaaray tusaalaha
wanaagsan ee uu
kulansaday Zeyd
Binu Xaaritha.
Wararka ku
saabsan jaceylka
Rasuulka (scw) u
qabay Zeyd wuxuu
ku dhex faafay
muslimiinta,
waxayna asxaabta
ugu magac dareen
Zeyd “kii uu
jeclaa Rasuulka
s.c.w”,
wiilkiisii
Usaama-na waxay
isna ugu magac
dareen “kii uu
jeclaa Rasuulka
s.c.w uu misna
dhalay kii isna
uu jeclaa
Rasuulka s.c.w”.
Guurkii Zeyd
ee Zeynaba
Sida uu noo
sheegay
qur’aankaba
wuxuu Zeyd Binu
Xaaritha
guursaday
Zeynaba Bintu
Jaxshah oo ay
qaraabo ahaayeen
Rasuulka (scw).
Inkastoo uu
Rasuulka (scw)
ku daray Zeyd
gabadhii ay
qaraabada dhow
ahaayeen
Rasuulka (scw),
haddana ma sii
cumrinin
guurkoodii, oo
markii danbe wuu
furay, waxaana
Zeynaba
guursaday
Rasuulka (scw),
iyadoo si toos
ah uu Alle u
tawalliyay
guurkooda, oo
aayad cad ayuu
Allaah ugu
guuriyay
Nebigiisa (scw)
gabadha la
yiraahdo Zeynaba
Bintu Jaxsha.
Hase ahaatee,
wuxuu Zeyd Binu
Xaaritha markii
danbe guursaday
gabar kale oo la
yiraahdo Ummu
Kalthuum Bintu
Cuqbah.
Sannadkii
8-aad ee hijriga
waxaa Rasuulka
(scw) la soo
gudboonaatay
murugo kaga
timid geeridii
Zeyd Binu
Xaaritha Allaha
ka raalli
noqdee.
Waxay ahayd,
kadib markii uu
Rasuulka (scw)
diray Xaarith
Binu Cumeyr
Al-azdiyyi
isagoo sida
dhambaal ku
socota boqorkii
Busraa oo loogu
yeerayo inuu soo
galo diinta
islaamka. Markii
uu Xaairth Binu
Cumeyr soo
gaaray “Mu’ta”,
ayaa waxaa ku
soo baxay mid ka
mid ah
ciidamadii
Qasaasinah,
ninkaan oo la
oran jiray
Shuraxbiil Binu
Camr. Wuxuu
qabtay
saxaabigii
Xaarith,
dabadeedna wuxuu
si adag ugu
dabray xarigii
uu ku xiray,
kadibna wuxuu
soo taagay
tiirkii, isagoo
sidaas qoorta
uga gooyay.
Sidii ayuu ku
shahiiday
saxaabigii siday
ama waday
dhambaalkii ka
socotay Rasuulka
(scw), kuna
socotay boqorka
Busraa.
Geeridii
Xaarith waxaa si
daran uga naxay
Rasuulka (scw),
maxaa yeelay
lama arag
waqtigaas kahor
ergay sidaasoo
kale loo dilay.
Intaa kadib,
wuxuu Rasuulka
(scw) diyaariyay
ciidan ka kooban
ilaa 3000 ciidan
si ay ugu
duullaan Mu’ta,
wuxuuna
ciidankaas madax
uga dhigay
saxaabigiisii uu
sida daran u
jeclaa ee ahaa
Zeyd Binu
Xaaritha Ilaahay
ha ka raalli
noqdee.
Wuxuu
Rasuulka (scw)
yiri “haddii la
asiibo (la dilo)
Zeyd hoggaan
waxaa qabanaya
Jacfar Binu Abii
Dhaalib, haddii
Jacfar-na la
asiibo waxaa
hoggaanka
qabanaya
Cabdullaahi Binu
Rawaaxa, haddii
la asiibo
Cabdullaahi-na
muslimiinta
naftooda ha u
dooraan nin ka
mid ah iyaga”.
Ciidamadii
3000-ka kun ka
koobnaa ee uu
hoggaaminayay
Zeyd Binu
Xaaritha ayaa
sidii ku
dhaqaaqay. Way
socdeen ilaa ay
gaareen meesha
la yiraahdo
Macaan ee ku
taalla barriga
Urdun.
Boqorka reer
Ruum ee Hiraqle
oo wata ciidan
gaaraya 100.000
ayaa soo baxay,
isagoo doonaya
inuu difaaco
ciidamadii dilay
saxaabigii
Xaaritha.
Ciidamo kale oo
iyagana gaaraya
ilaa 100 000
ayaa ku darsamay
ciidamadii
Hiraqle, iyagoo
difaac ka galay
meel aan ka
fogeyn goobtii
ay degganaayeen
ciidamada
muslimiinta.
Waa labo tiro
oo aan marnaba
la isla meel
dhigi karin.
Tirada ciidamada
muslimiinta iyo
kuwa gaallada.
Ciidamadii
muslimiintii
waxay seexdeen
degmada Macaan
labo habeen,
iyagoo labadaas
habeenood oo
dhan wada-tashi
ku jiray.
Muslimiinta
oo la soo
gudboonaatay
arrin culus
Mid ka mid ah
ciidamada
muslimiintii
ayaa wuxuu ku
yiri isagoo
arrintan kala
tashanaya
muslimiinta “ka
warama haddaan
dhambaal u dirno
Rasuulka (scw)
oo aan u sheegno
tirada
cadoowgeena oo
markaas isaga
aan jawaab ka
sugno”. Mid kale
ayaa yiri
“wallaahi ayaan
ku dhaartaye
–tolkaygiyoow-
innagu waxaad
ogaataan inaan u
dagaalamaynin
tiro iyo awood
toona, ee waxaan
u dagaalamaynaa
diintan islaamka
, ee ina wadiya
aan u dhaqaaqno
dantii aan u soo
baxnay. Wuxuu
Allaah idiin
yaboohay labadii
wanaagsanaa
middood, inaan
guuleysanno iyo
inaan
shahiidno”.
Iyadoo
farqiga xagga
tirada iyo
awooddaba aan
marnaba isu
dheellitirnayn,
haddana
muslimiinta
meesha ay
dhammaantood u
degdegayeen ayaa
ahayd Jannada
iyo wanaagga
xagga Alle
agtiisa yaalla.
Sidii ayeey
ciidamadii
muslimiinta u
qaateen
taladaas.
Labadii ciidan
ayaa madaxa isla
galay, waxayna
ku dagaallameen
goobtii Mu’ta.
Inkastoo tirada
ciidamada
muslimiinta ay
yaraayeen,
haddana waxay
soo bandhigeen
dagaal cabsi
weyn ku beeray
ciidamadii
gaallada ee
roomaanka.
Ciidamadan
gaaraya 3000
ayaa waxay is
hortaageen
ciidan ka tiro
iyo awood badan.
Waxay la
dagaalamayaan
ciidan tiradooda
gaaraya ilaa 200
000 qof.
Zeyd Binu
Xaaritha ayaa
seeftii uu watay
ku laayay gaallo
badan, isagoo
markaas iyada
ahna xanbaarsan
calankii
Rasuulka (scw).
Wacdarihii uu
soo bandhigay
maalintaas aad
ayeey u
jeclaysteen
asxaabta,
inkastoo ugu
danbeyntii ay
jirkiisii ka
dhex duseen
warmo iyo seefaf
badan sidiina
ayuu isagoo
dhiig baxaya ku
dhacay dhulka,
weliba isagoo
sidaas ku helay
sharafka
shahaadadii uu
in badan ku
taamayay inuu
helo.
Siday
ballantuba
ahayd, waxaa
durbadiiba
calankii la
wareegay Jacfar
Binu Abii
Dhaalib sidiina
ayuu
dhinaciisana u
muujiyay
geesinimo weyn.
Hase ahaatee,
isna waxyar
kadib wuxuu
maray waddadii
uu maray
saaxiibkiisii ka
horeeyay, kadib
markii uu ku
shahiiday
dagaalka.
Waxaa sidoo
kale calanka
qaaday
Cabdullaahi Binu
Rawaaxa.
Wacdarro iyo
geesinimo la
yaab leh ayuu
isna muujiyay,
jeer markii
danbe isagana
laga asiibo oo
uu sidaas ku
shahiiday.
Saddexdii nin ee
uu magacaabay
Rasuulka (scw)
sidaas ayeey ku
shahiideen.
Sidii la
filyayba, waxay
muslimiinta
isugula noqdeen
wada tashi iyo
inay iska soo
dhex saaraan
ninkii ay u
dhiibi lahaayeen
hoggaaminta
ciidamada.
Wadatashi gaaban
kadib, waxay
muslimiintii
hoggaanka
ciidanka u
calaamo-saareen
geesigii
halyeeyga ahaa
ee Khaalid Binu
Waliid.
Waqtigaas iyada
ah, wuu ku
cusbaa diinta,
oo waqti gaaban
ayaa laga joogay
markuu ku soo
biiray bahweynta
muslimiinta.
Ciidamadii ayuu
dhinac u riixay,
wuxuuna
muslimiintii ka
badbaadiyay
jabkii weynaa ee
looga
cabsanayay,
sidaas ayeeyna
uga guuleysteen
ciidamadii
gaallada ahaa.
Rasuulka
(scw) ayaa waxaa
soo gaaray wixii
ka dhacay Mu’ta,
iyo
hoggaamiyayaashii
uu magacaabay oo
dhammaantood ku
shahiiday
dagaalka. Si aan
la tilmaami
karin ayuu
Rasuulka (scw)
uga naxay
geeridooda,
wuxuuna aaday
qoysaskooda
isagoo u
tacsiyaynaya.
Markii uu
Rasuulka (scw)
soo gaaray
gurigii Zeyd
Binu Xaaritha
Ilaah ha ka
raalli noqdee,
waxaa xaggiisa
ku soo carartay
gabadhii yareyd
ee uu dhalay
Zeyd, iyadoo
markaas-na si
xad-dhaaf ah u
oonaysa.
Xabiibka
Rasuulka (scw)
ayeey arrintaas
saamaysay,
dabadeedna wuxuu
billaabay inuu
isna ooyo. Sacad
Binu Mucaad oo
la socday
Rasuulka (scw)
ayaa ku yiri
“maxay tahay
tanina Rasuulkii
Alloow”, wuxuuna
Rasuulka (scw)
ugu jawaabay
“waa oohinta
xabiibka uu u
ooyo xabiibka uu
jecel yahay”.
Ilaahay ha ka
raalli noqdo
Zeyd Binu
Xaaritha iyo
dhammaan intii u
soo hurtay
fidinta diinta
islaamka,
aamiin. |