Ma jirin Qof
ka mid ah
Qureysh oo
aaminsanaa ama
rumeysanaa inuu
khilaafi karay
ama diidi karay
amarka iyo
talada uu soo
jeediyo Abuu
Sufyaan oo ka
mid ahaa madaxda
iyo ugaasyada
Quraysh. Hase
ahaatee, waxaa
si dhiiranaan
iyo kalsooni
weyn ku jirta
gaashaanka ugu
dhufatay amarkii
Sufyaan
gabadhiisii uu
dhalay ee lagu
magacaabayay
Ramla Bintu Abii
Sufyaan, kadib
markay iyada iyo
ninkeedii
Cubeydillaahi
Binu Jaxshi ay
ku soo biireen
diinta xaqa ah
ee islaamka,
ayna ku
kufriyeen
Illaahyadii ay
caabudayeen
aabayaashoodii
iyo guud ahaan
qureysh. Abuu
Sufyaan wuxuu in
badan isku dayay
inuu gabadhiisii
Ramla iyo
ninkeedaba uu ka
soo leexiyo
diinta islaamka
ee qaateen, hase
ahaatee wuu
awoodi waayay
inuu ku
guuleysto
arrintaas.
Sababtuna waxay
ahayd, iimaanka
iyo rumeynta
Allaah (sw) oo
si qoto dheer
ugu sugnaaday
laabta iyo
qalbiga Ramla
Bintu Abii
Sufyaan.
Murugo iyo
tiiraanyo daran
ayaa Abuu
Sufyaan
hareereeyay,
kadib islaamidda
ay gabadhiisa
islaamtay, iyo
weliba markii uu
ku guuldaraystay
inuu ku qanciyo
inay dib uga
laabato diinta
islaamka.
Ramla Bintu
Abii Sufyaan oo
kunyadeeda loogu
yeero Ummu
Xabiiba (Xabiiba
hooyadeed) waxay
ka mid ahayd
dadkii ku soo
islaamay
magaallada
Makka, waxayna
islaamkeeda
kahor ay
guursatay
Cubeydillaahi
Binu Jaxsh oo ay
u dhashay
Xabiiba. Ramla
waxaa la dhashay
Mucaawiya iyo
Cutba. Sida la
ogsoon yahay,
markay aad u
badatay
dhibaatooyinkii
muslimiinta kaga
imaanayay
gaalladii
Qureysh wuxuu
Rasuulka (scw) u
idmay oo u
fasaxay inay u
qaxaan dhulka
Xabasha kuna
yaala Geeska
Afrika, iyadoo
danta hijradaas
ay ahayd sidii
ay u badbaadsan
lahaayeen
naftooda iyo
diintooda.
Haddaba,
gabadhii sida
weyn ugu
qanacday diinta
ay soo gashay ee
islaamka iyo
ninkeeda
Cubeydillaahi
Binu Jaxsh iyo
gabadhoodii
yarayd ee
Xabiiba waxay ka
mid ahaayeen
muslimiintii ka
qaybgalay
hijradii 2-aad
ee Xabasha.
Xiriirkii
qureysh iyo
boqorka Najaashi
|
Muslimiintii
waxay si
weyn u
caddeeyeen
dhambaalka
uu
islaamka
xanbaarsan
yahay,
waxayna
boqorka
maqashiiyeen
qaar ka
mid ah
aayadaha
quraanka.
|
Inkastoo ay
muslimiintaas
magangalyo
weydiisteen
boqorkii
caddaaladda
badnaa ee
Najaashi-ga,
haddana
gaalladii
qureysh ee uu
hormuudka kaga
jiray Abuu
Sufyaan waxay ka
qoomameeyeen
inay
muslimiintaas
gacantooda ka
baxeen oo carar
ku badbaadeen,
waxayna
(qureysh) isku
dayeen iyagoo
muslimiinta ku
sugan dhulka
Xabasha inay
mariyaan ciqaab
daran. Qureysh
waxay dirsatay
niman u safra
Xabasha, si ay
boqorka uga
dhaadhaciyaan in
muslimiinta dib
gacanta loogu
soo geliyo
qureysh, iyo
sidoo kale inay
boqorka u
sheegaan in
muslimiinta
magangalyada
weydiisatay ay
wax xun ka
sheegaan Nebi
Ciise iyo
hooyadiis
Maryama.
Boqorkii
Najaashii oo
doonaya inuu ka
gungaaro
xaqiiqda
hadalladaas ayaa
muslimiintii soo
hijrootay
madaxdooda ka
codsaday inay ka
jawaabaan
eedaymahaas loo
soo jeediyay,
iyo inay
caddeeyaan
mowqifkooda ku
aaddan Nebi
Ciise iyo
hooyadiis
Maryama iyo
weliba inay bal
ku dul-aqriyaan
(boqorka) qaar
ka mid ah
aayadaha
quraanka ee lagu
soo dejiyay
Nebigooda
Muxammad (scw).
Muslimiintii
waxay si weyn u
caddeeyeen
dhambaalka uu
islaamka
xanbaarsan
yahay, waxayna
boqorka
maqashiiyeen
qaar ka mid ah
aayadaha
quraanka.
Islaamiddii
boqorka Najaashi
|
"diinta
lagu soo
dejiyay
Nebigiina
Muxammad
(scw)
iyo
diinta
lagu soo
diray
Nebi
Ciise
(cs)
waxay ka
yimaadeen
hal
meel"
Boqor
Najaashii
ka hor
intii
uusan
islaamin |
Boqorka
Najaashii oo
markaas iyada ah
aanan islaamin
ayaa markii uu
maqlay aayadihii
quraanka si
daran u ilmeeyay
oo u ooyay,
wuxuuna yiri
"diinta lagu soo
dejiyay
Nebigiina
Muxammad (scw)
iyo diinta lagu
soo diray Nebi
Ciise (cs) waxay
ka yimaadeen hal
meel",
dabadeedna wuxuu
durbadiiba
isagoo aad ugu
qanacsan
risalaada
islaamka uu ku
dhawaaqay inuu
si dhab ah u
rumeysan yahay
Allaha weyn ee
wax weliba
abuuray iyo inuu
Muxammad (scw)
yahay Nebiga
xaqa ah
Nabadgelyo iyo
naxariisi
dushiisa ha
ahaatee.
Boqorkii
Najaashiga wuxuu
ciidamadiisa iyo
dowladdiisaba
amar ku siiyay
in la
magangaliyo
muslimiintii
xaggiisa u soo
haajiray,
inkastoo ay
jirtay qaar ka
mid ah
hoggaamiyayaashiisii
isaga hoos
imaanayay ay ka
biyo diideen
inay soo
islaameen.
Diintoodii
kirishtaanka
ayay ku sii
sugnaadeen.
Ramla Bintu
Abuu Sufyaan
waxay sii
joogtay dhulka
Xabasha, iyadoo
aad iyo aad ugu
faraxday
nabadgelyada iyo
magangalyada ay
ka heshay iyada
iyo muslimiinta
kaleba boqorka
Najaashi. Hase
ahaatee, iyadoo
taasi ay jirtay,
haddana wuxuu
Allaah (sw)
doonay inuu Ummu
Xabiiba ama
Ramla uu mariyo
imtixaan aad u
daran,
imtixaankaasoo
kale oo ay ragga
intooda badan ku
dhacaan.
Imtixaan la
mariyay Ummu
Xabiiba
Habeen
habeennada ka
mid ah ayaa
waxay riyo ku
aragtay ninkeeda
Cubeydillaahi
Binu Jaxshi oo
ku dhex sugan
hirar waaweyn oo
ay hirarkaasi
hareereeyeen
mugdiyo iyo
gudcur aad u
weyn, wuxuuna
markaasi ku
sugnaa xaalad
aad u qadhaadh
aadna u xun. Hal
mar ayay
hurdadii ka soo
boodday iyadoo
walbahaarsan
aadna u
cabsanaysa, mana
jeclaysan inay
riyadaas ay u
sheegto dadka.
Hase ahaatee,
waxyar kama soo
wareegan jeer
tafsiirka
riyadii ay
aragtay ay si
dhab indhaha u
saarto. Maalmo
kadib waxaa
diintii islaamka
ka laabtay oo ka
riddoobay
Cubeydillaahi
Binu Jaxsh,
wuxuuna
billaabay inuu
har iyo habeen
iska xaadiro
goobaha
khamaarka isagoo
khamraysan.
Cubeydillaahi
wuxuu afadiisa
dooransiiyay
inay ka laabato
oo ka riddowdo
islaamka iyo
inuu furo. Ralma
Bintu Abuu
Sufyaan waxaa
durbadiiba la
soo gudboonaatay
mowqif aad u
adag, waxayna
aragtay inay
doorato 3
midkood.
Waa midda
koowaade, inay
ninkeeda
hadalkiisa u
hoggaansato,
taasoo ah inay
qaadato diinta
kirishtaanka oo
ay ka riddowdo
islaamka oo
markaas ay
khasaarto adduun
iyo aakhiro,
taasina waa mid
ayan marnaba
samayn karin
kadib markii
laabteeda uu si
wacan ugu
sugnaaday
qanaacada ay ku
qanacday diintan
xaqa ah ee
islaamka.
Tallaabada
labaad ee
horyaala waa
inay u laabato
magaallada
Makka, guriga
aabaheed Abuu
Sufyaan oo weli
aanan islaamin,
oo markaasi ay
dhibaatooyin
badan ay dhici
karto inay kala
kulanto,
islaamka ay
qaadatay awgeed.
Iyo inay isaga
sugnaato dhulka
Xabasha ama
Geeska Afrika,
iyada oo keli ku
ah oo aan
wehelinin wax
qaraabo iyo dad
kale ah.
Mowqifkii
geesinimo ee
Ummu Xabiiba
Allaahu
akbar, Ummu
Xabiiba waxay
ugu danbeyntii
qaadatay
go'aankeedii
geesinimada
badnaa, waxayna
doorbidday inuu
Cubeydillaahi
Binu Jaxsh uu
furo, maadaama
uu riddoobay oo
uu ka laabtay
islaamka. Ummu
Xabiiba Ramla
Bintu Abii
Sufyaan markii
ay ka ciddo
baxday
Cubeydillaahi
waxaa soo gaaray
warkii
nolosheedii ugu
farxad badnaa ee
ay maqashay
intay dunida
saarnayd.
Waxaa soo
doonay Rasuulka
(scw)
|
"Boqorka
ayaan
salaan
kaaga
wadaa,
wuxuuna
ku
leeyahay
Nebi
Muxammad
(scw)
ayaa ku
soo
doonay
oo
doonaya
inuu ku
guursado,..."
Abraha
oo ka
mid
ahayd
shaqaalihii
boqorka
Najaashi. |
Goor subax
barqin ah ayaa
Ummu Xabiiba oo
ku sugan gurigii
ku noolayd
albaabkiisa la
soo garaacay.
Markay furtay
albaabkii waaba
Abraha oo ka mid
ahayd
shaqaalihii
boqorka
Najaashi. Abraha
waxay si
naxariis iyo
ixtiraam ku
dheehan tahay u
salaantay Ummu
Xabiiba,
dabadeedna waxay
ku tiri "Boqorka
ayaan salaan
kaaga wadaa,
wuxuuna ku
leeyahay Nebi
Muxammad (scw)
ayaa ku soo
doonay oo
doonaya inuu ku
guursado,
wuxuuna soo
diray waraaq uu
boqorka
wakiilanayo si
uu kuu
mehersado, ee
qofkaad doontid
u wakiilo
walaayadaada...".
Maalin aynan
weligeed
hilmaamin
Ummu Xabiiba
waxay farxad
awgeed garan
weysay meeshay
joogtay, waxayna
iyadoo aanan is
ogeyn ku tiri
gabadhii ula
timid khabarkaan
farxadda leh
"Allaha kugu
bishaarkeeyo
kheyr.., Allaha
kugu bishaareeyo
kheyr", waxayna
markiiba
billowday inay u
siibto qaar ka
mid ah dharkii
quruxsanaa ee ay
qabtay iyo
jijimadii ay
xirnayd iyadoo
siisay gabadhii
Abraha, iyadoo
sidaas
abaalmarin uga
dhigaysa. Ummu
Xabiiba,
maalintaas waxay
u ahayd maalin
aynan weligeed
hilmaamin,
hantideedii ugu
jeclayd ayay
gabadhii Abraha
si farxad leh
damacday inay
siiso, waxaana
hubaal ah hadday
heesan lahayd
hanti ka badan
intaas inay siin
lahayd. Ummu
Xabiiba waxay
nasiib u
yeelatay inuu
soo doono inta
uu Allaah
abuuray kii ugu
sharafta iyo
fadliga badnaa,
waa Nebigeena
Muxammad (scw).
Waa hubaal inay
dumarka intooda
kale ay dheer
tahay fadligaas
iyo wanaagaas.
Waxay wakiilatay
saxaabiga lagu
magacaabo
Khaalid Binu
Saciid Bin
Al-Caas oo
muhaajiriintii
markaas Xabasha
ku sugnaa ugu
dhowaaanshaha
badnaa xagga
qaraabada.
Arooskii
Rasuulka (scw)
oo ka dhacay
Geeska Afrika
|
Arooskii
ama
nikaaxii
Rasuulka
(scw) ee
Ummu
Xabiiba
wuxuu ka
dhacay
guriga
boqortooyada
Najaashi |
Arooskii ama
nikaaxii
Rasuulka (scw)
ee Ummu Xabiiba
wuxuu ka dhacay
guriga
boqortooyada
Najaashi, weliba
meel aad u
qurxoonayd
ahaydna mid ka
mid ah beeraha
uu boqorka ku
raaxaysto.
Goobtii ama
hoolkii arooska
uu ka dhacayay
oo dhan ayaa la
qurxiyay,
waxaana
hareeraha is
qabsaday
iftiinkii iyo
faynuusyadii ka
shidnaa meel
kasta, halka
dhulkoo dhanna
lagu goglay
kaarbeedyo aad u
qurux badan.
Saxaabadii ku
sugnaa waqtigaas
dhulka Xabasha
oo idil ayaa
goobtii arooska
ka soo
qaybgalay,
waxaana
asxaabtaas
hoggaaminayay
asxaabta kala ah
Jacfar Binu Abii
Dhaalib, Khaalid
Bin Saciid Bin
Al-Caas,
Cabdullaahi Binu
Xudaafa
Assahmiyyi iyo
kuwo kale si ay
uga qaybgalaan
arooska Ummu
Xabiiba Binti
Abii Sufyaan ee
loo guurinayo
Rasuulka (scw).
Dadkii oo
idil markay
yimaadeen, waxaa
goobtii xafladda
albaabada u
furay Boqorkii
Najaashi Allaha
u naxariisto
kana raalli
noqdee, wuxuuna
isagoo dadka u
khudbaynaya yiri
hadalladan
“waxaa mahad oo
idil leh Allaha
qudduuska ah ee
la rumeeyo ahna
kan awoodda oo
idil ay u
sugnaatay.
Meherkii Ummu
Xabiiba 400
dirham oo dahab
ah
Waxaan
qirayaa inuu
Allaah yahay
Allaha xaqa
dhabta lagu
caabudo, waxaan
kaloo qirayaa
inuu Muxammad
(scw) yahay
rasuulkiisa iyo
addoonkiisa uuna
soo
saaritiinkiisa
noogu
bishaareeyay
Nebi Ciise (cs),
intaa kadib:
Rasuulka Allaah
(scw) wuxuu iga
codsaday inaan
ku meheriyo Ummu
Xabiiba Binta
Abii Sufyaan,
wayna iga
aqbashay inaan
ku nikaaxo
Rasuulka (scw),
waxaana
meherkeeda ka
dhigayaa annigoo
wakiil ka ah
Rasuulka (scw)
400 oo dirham oo
dahab ah,
annigoo sidaas
ugu meherinaya
jidka Allaah iyo
jidka
Rasuulkiisa
Muxammad
(scw)..”,
kadibna lacagtii
meherka ayuu
hordhigay
Khaalid Binu
Saciid Binu
Al-Caas oo ay
wakiilatay Ummu
Xabiiba.
Ummul-mu’miniin
ayay noqotay
Intaa kadib
waxaa hadalka
qaatay Khaalid,
wuxuuna yiri
“waxaa mahad
weyn ay u
sugnaatay Allaah
(sw), waan ku
mahadnaqayaa
waana
kaalmaysanayaa,
waan denbi dhaaf
weydiisanayaa
waana u
laabanayaa,
waxaan qirayaa
inuu Muxammad
(scw) yahay
addoonkii Allaah
iyo rasuulkiisa,
wuxuu ku soo
diray diintii
hanuunka iyo
xaqa wadatay..,
intaa kadib,
waxaan aqbalay
codsigii
Rasuulka (scw),
waana ku
meheriyay
Rasuulka (scw)
gabadhii la ii
wakiishay ee
Ummu Xabiiba
Binta Abii
Sufyaan, Allaha
u barakeeyo
Rasuulka (scw)
xaaskiisa”.
Fadligaas iyo
qiimahaas weyn
waxay u soo
hoyatay
maalintaas Ummu
Xabiiba, Ramla
Binti Abii
Sufyaan, kadib
markii ay nasiib
u yeelatay inuu
guursado
xabiibka
Rasuulkeena
Muxammad (scw),
waxayna sidaas
hooyo ugu
noqotay dhammaan
mu’miniinta oo
idil, halka ay
markii hore ay
hooyo u ahayd oo
keliya Xabiiba,
dabadeedna wuxuu
Khaalid qaaday
lacagtii
meherka, kadibna
isagii iyo
asxaabta kaleba
waxay damceen
inay goobtii ka
dareeraan oo ay
baxaan.
Xaflad aad u
sarraysa
Hase ahaatee,
boqorka
Najaashii ayaa
ku yiri
“fariista, maxaa
yeelay waddada
nebiyada lagu
yaqaano hadday
guursadaan ayaa
ah inay waliimo
ama alla-bari
(cuntada la
sameeyo xafladda
guurka)
sameeyaan.
Boqorkii wuxuu
amar ku bixiyay
in la keeno
raashinkii
xafladda, waxyar
kadibna waxaa la
keenay cunto aad
u heersarraysay
oo dadkii oo
dhan ay wada
cuneen. Waxay
tiri Ummu
Xabiiba, markii
lacagtii meherka
la ii keenay,
waxaan
durbadiiba qaar
lacagtii ka mid
ah u diray
gabadhii markii
hore iigu
bishaaraysay
guurka Rasuulka
(scw), waxaana
ku iri “ haddaan
hanti aan haysan
lahaa waan ku
siin lahaa
markaad ii
bishaaranaysay,
hase yeeshee
waxna ma aanan
haysan
maalintaas”.
Inkastoo ay
lacagtii dahabka
ay wax ka
siisay, laakiin
waxyar markay
maqnayd way ku
soo noqotay
iyadoo wadda
lacagta, waxayna
ku tiri “boqorka
wuxuu ballan ku
qaaday inaanan
waxna kaa
qaadan”, sidoo
kale wuxuu
haweenkiisa amar
ku siiyay inay
mid waliba
haddiyad kuu
keenaan. Subixii
markii la
gaaray, haween
kasta waxay
awoodday oo
haddiyad ah ayay
la timid. Abraha
oo ahayd
gabadhii Ummu
Xabiiba u
keentay
khabarkii la
xiriiray inuu
Rasuulka (scw)
doonayo inuu
guursado Ummu
Xabiiba ayaa
waxay u timid
Ummu Xabiiba,
waxayna ku tiri
“waxaan doonayaa
inaan arrin kuu
sheego”.. Ummu
Xabiiba ayaa u
celisay “oo
maxay arrintaasi
tahay??” Abraha:
“waan islaamay,
oo waxaan raacay
diinta Muxammad
(scw) ee fadlan
iga gaarsii
Nebiga salaan,
una sheeg inaan
rumeeyay Allaah
(sw) iyo
Rasuulkiisa”,
waxayna misna
intaas raacisay
“marnaba ha iga
hilmaamin
salaantaas”.
|
Ummu
Xabiiba
waxay
tiri,
Abraha
waxay ii
diyaarisay
gaadiidkii
aan ku
safri
lahaa,
sidiina
ayaan
ugu
safray
magaalladii
Madiina
ee uu
degganaa
Rasuulka
(scw). |
Ummu Xabiiba
waxay tiri,
Abraha waxay ii
diyaarisay
gaadiidkii aan
ku safri lahaa,
sidiina ayaan
ugu safray
magaalladii
Madiina ee uu
degganaa
Rasuulka (scw).
Markii ugu
horeysay ee aan
la kulmay
Rasuulka (scw)
waxaan uga
waramay sidii ay
u dhacday
doonistii iyo
arooskiiba, iyo
wixii aan ku
wada hadalnay
ama na dhexmaray
anniga iyo
Abraha, waana u
sheegay inay soo
salaamaysay.
Rasuulka (scw)
aad iyo aad ayuu
ugu farxay
warkii aan uga
sheegay Abraha,
wuxuuna yiri
“iyadana
dusheeda Allaha
gaarsiiyo
nabadgelyadiisa,
naxariistiisa
iyo
barakaatkiisa.
Allaha ka
raalli noqdee
gabadhii sabarka
badnayd, Alla ka
cabsiga badnayd,
yaqiinteeda iyo
iimaankeeda
aadka u
xeeldheeraa
Ummul-miniin
Ramla Bintu Abii
Sufyaan, waxay
da’deedu ahayd
36 jir maalintii
uu la aqal galay
Rasuulka (scw),
waxayna
geeriyootay
sannadkii 44-aad
hijriga iyadoo
72 jir ah.
Waxaan Allaah
(sw) ka
baryaynaa inuu u
naxariisto kana
raalli noqdo,
Jannada
Firdowsana kula
kulmayo
Xabiibkeeda
Rasuulka (scw),
aamiin aamiin.