UMMU SALAMA
(3)
Ummu Salama
magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd
magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada
reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi
badan.
Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu
Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay
diinta Islaamka, oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya
Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu
Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-Asadi,
waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana
islaamtay.
Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda
Cabdullahi ayaa gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka horeba
laga filayay Qureysh waxay bilaabeen inay jir dil daran ku
sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar
daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse, waxay ka
sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw).
Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay
badatay, ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u
haajiraan oo u cararaan dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo
ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee u haajira
dhulka Xabashida.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha.
Ummu Salama, waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii
dabaqa ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo dhan,
iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu
Illaah abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta aakhiro.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha,
iyagoo magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli
noqdee. In kastoo Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay
cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn ugu
qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga
ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw) saldhiga u
ahayd.
Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa,
ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta
Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii
Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka
haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go’aan ku gaaray
inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso
weyn ugu qabay magaalada Makka.
Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen
dadkii ku soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay
yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan
ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka
weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu
fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u
geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu
arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta
amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada
Maddiina.
Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto
dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo
inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma
ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka
Xabashida, waayoo waxay ahayd mid aad u dhib badan oo aan saUmmu
Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama go’aan ku gaaray
in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu
iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkeenii
Salama oo nala socdayna wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka
dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay awrtii, isagoo aan
istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka hor inta aanan ka
bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah
qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey
soo aadeen, iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad
adiga naga baxsatay, sideey nooga baxsanaysaa gabadha kula
socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu ogolaanaynaa inaad la
tagto oo la baxsato".
Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama,
dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama. Ummu
Salama waxay tiri, markii nimankii ay iga soo wateen ninkayga
anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu
Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkeeyga. Aad ayeey uga
caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen
raggii kale ee reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan
wiilka, waayoo waa wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan
qaadanno" Sidaa dabadeed waxay labadii kooxood bilaabeen inay
jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama ilaa ay
qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tiri Ummu Salama, wakhti
gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga
Salama. Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina,
isagoo diintiisa la cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga
qaatay reer Banii Cabdul-Asadi isagoo jajaban sidii ay u kala
jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i kaxeestay
reerkayga reer Banuu Makhzuum.
Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer
Banuu Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi.
Ninkeeda wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday
waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab.
Waxay tiri Ummu Salama iyadoo ka waramaysa arrinkaa murugta lehi
waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi meeshii la
iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala
geeyay anniga iyo ninkeeyga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku
dhow hal sanno markeey ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa
maalintii danbe ii yimi nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga
waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis
gashay ka dib markuu maqlay qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay
kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri "War maad iska sii
daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo
wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib wanaag, nimankii way sii daayeen
Ummu Salama.
Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee
su’aasha ay is weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku
haleeli lahayd ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada
Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka
tagi karin wiilkeeda Salama oo ay heestaan Reer Banii
Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka
war hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka
naxay xaaladdeeda, ka dibna waxay la hadlayn reer Banuu
Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda Salama oo ay
markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu Salama,
maa aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii
wiilkayga Salama la ii soo celiyay.
Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada
Madiina, iyadoo mareysa meel la yiraahdo "Tanciim" ayaa waxaa la
kulmay nin la yiraahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu
Salama weydiiyay halka ay u socoto, waxayna tiri magaalada
Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto. Ummu Salama
waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga
Salama oo keliya. Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi
maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu
sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen
magaalada Madiina, halkaas oo ay la kulmeen Abuu Salama oo ayan
is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday la
kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka
billowdaan dagaaladii Badar iyo Uxud.
Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas
duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee
Uxud, ka dib markii uu wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay.
Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa sariirta
halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka
(scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu
geeriyooday. Ummu Salama waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u
sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama, laakiin waxay gadaal danbe
is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka kheyr badan
Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo
waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana
Rasuulka (scw). Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay
guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka
mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayoo xaasaka Rasuulka waa
hooyooyinka muslimiinta