CABDULLAAHI
BINU CABBAAS
(4)
Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer
ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii
ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la
eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee
qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu
duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga,
wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka
isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta
weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli
ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa
saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno
ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw)
dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.
Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu
Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis
oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen
kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka
raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa
wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka
uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada
iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda
wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa.
Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la
joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed
wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar.
Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku
mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer.
Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu
Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna
wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.
Xikmaddii
Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:
Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka
mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas.
Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii
Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen
amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo
Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu
Cabbaas ku yiri Cali: "Amiirkii mu’miniintoow
maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa
aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku
yiri: "waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa
u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo
aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii
uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta
uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu
wareysto.
Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala
hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la hadla. Wuxuu
yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula
dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii,
marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah
qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay
yiraahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa
tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka
siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la
dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka
qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina.
Tan saddexaad wuxuu ogolaaday inaanan la oran
Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo
dhammi u doorteen magacaas.
Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa
Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri: "Ka warama
haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur’aan ah
iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan
waxaad hadda ku sugan tihiin?". Waxay
yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu
Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee
ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd
in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah,
wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay
oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore
ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.."
Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi
weydiiyay kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa
idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka
ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka
ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana
la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo
waxaa fadli badan xukunka ummadda.
Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la
dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse
uusan addoonsan dumarkooda isla markaana
qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu
weydiiyay su’aashan ah: " Ma waxaad banaysan
lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad
dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan
"haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad
tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad
gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu
Alle ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid
badan) Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa
hooyooyinkoo".
Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay
kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay
khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad
u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo
laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka
madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo
tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo
qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka
Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya.
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u
qaddariya oo u weyneeya doonista barashada
waddada cilmiga.
Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu
Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka
(scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw)
haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u
jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka
baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka.
Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii
uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri:
"haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta
Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka
gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan
jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray
albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan
weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo
markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin
jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran
jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu
waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado,
dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan
doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa
cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u
huri jiray helista barashada cilmiga.
Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray
barashada cilmiga ayaa misna u weynayn jiray
culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal
tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa
la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa
qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan
ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga
hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada
(akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga
dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah
ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo
doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor
istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya
markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu
saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: "faraha isaga
qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada
ahaayeene". Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo
kale ayaa nala faray inaan u wanaajino
culumadeena". Zeyd ayaa isna yiri: "ii soo laac
gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay
gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday
gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa
nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka
Nebigeena (scw).
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka
dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa
uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka
mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii
saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad
aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay
ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa
ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu
sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka
ugu cilmi badan".
Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay
waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay
inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu
isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan
Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac
kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha
maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala
duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase
ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay
Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka
cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah
ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan
arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii
aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u
noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay
dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka
ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga
Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii
soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso
qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka
jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka
weydiinayeen.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli
noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham,
dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu
dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay
ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku
tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay
Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin
fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta
Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin