CUMEYR
BINU WAHAB
(5)
Cumeyr
wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar,
isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan
dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo
gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan
jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii
uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa,
waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u
cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay goor subax
barqin ah ayaa wuxuu Cumeyr aaday Kacbada si uu u soo
dhawaafo Kacbada, isla mar ahaantaana u barakeysto
sanamyadeeda. Markii uu yimi kacbadii, wuxuu arkay
Safwaan Binu Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-aswad).
Cumeyr ayaa salaamay Safwaan isagoo ku yiri "Subax
wanaagsan". Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo leh "Subax
wanaagsan Cumeyroow". Waxaa fur-furantay sheeko, waxay
isla soo qaadeen jabkii iyo dhibaatadii ka qabsaday
dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen dadkii la qafaashay oo
ay qafaasheen Muslimiinta. Waxay si murugo leh ay uga
sheekeesteen dadkii gaalada ahaa ee ku dhintay dagaalka,
dabadeedna lagu guray ceelkii weynaa dhexdiisa. Safwaan
ayaa hadalkii qaatay oo yiri "Wallaahi kheyr kuwaa
gadaashood ma ahaanin". Cumeyr ayaa u celiyay "Haa oo
waa runtaa". Wax yar ayeey aamusnaayeen ka dibna Cumeyr
ayaa yiri "Haddayan jirin deyn laygu leeyahay oo aan cid
iga gudda aan jirin iyo caruur aan uga cabsanayo caydh
iyo dayac-darro, waxaan aadi lahaa Muxammed si aan u soo
dilo". Wuxuu haddana si hoos ahaan u yiri "heesashada ay
heestaan wiilkayga ayaa sabab iiga dhigayso inaan saa
yeelo". Safwaan ayaa hadalkii ka faa’iidaystay oo wuxuu
Cumeyr ku yiri "Cumeyroow waa tan koowaad’e deynta
lagugu leeyahay annigaa dusha saartay oo anaa kaa gudaya,
tan labaad ee ah ciyaalka, aniga ayaa kuu kafaalo
qaadaya noloshooda oo waxay wax la wadaagayaan
caruurtayda, waayoo maalka iyo hantida aan haysto ayaa
ku filan dhammaantood raashinka ay cuni lahaayeen".
Haddaba, Cumeyr ayaa hadalkii u riyaaqay oo wuxuu
Safwaan ka codsaday in hadalkani uu ahaado qarsoodi,
Safwaana wuu ogolaaday. Cumeyr wuxuu ka dhaqaaqay
meeshii uu fadhiyay ee Kacbada, isagoo cadaawad iyo
xiqdi aad u weyn u haya Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa..
Cumeyr wuxuu u diyaar garoobay sidii uu u fulin lahaa
ballantii uu qaaday, isagoo diyaarsaday qalabkii iyo
gaadiidkii uu ku safri lahaa. Dhinaca kale wuxuu xirtay
seeftiisii sunta marsanayd.
Cumeyr wuxuu u safray magaalada Madiina isagoo
doonaya inuu soo dilo Rasuulka (scw), markii uu yimi
magaaladii, wuxuu aaday dhinaca Masjidka, halkaasoo uu
joogay Rasuulka (scw). Markii uu u soo dhowaaday meel u
dhow iridka Masjidka, ayaa waxaa arkay Cumar Binu
Khadaab oo markaa la fadhiyay qaar ka mid ah Asxaabta,
iyagoo ka sheekaysanayay dagaalkii Badar iyo wacdarihii
ay ku dhigeen gaalada sida qafaalka ay qafaasheen qaar
ka mid ah gaalada, laynta ay laayeen iyo weliba sida uu
Ilaah ugu manaystay gargaar aad u weyn. Cumar Binu
khadaab ayaa wuxuu deymooday dhinaca Masjidka, isla
markiina wuxuu arkay Cumeyr Binu Wahab oo ka soo degaya
ratigii uu fuulnaa, isagoo sita qalabkii dagaalka. Cumar
ayaa intuu soo booday yiri isagoo argagaxsan " Eygan waa
cadawgii Alle ee Cumeyr binu Wahab, wallaahi waxaan shar
ahayn lama iman". Cumar wuxuu ku yiri raggii uu la
fadhiyay "La socda marka uu u galayo Rasuulka (scw)
idinkoo ku hareeraysan, kana digtoonaada inuu dhakro ama
dilo Rasuulka (scw)".
Hase yeeshee Cumar wuxuu markiiba u galay Rasuulka (scw)
isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayow waxaa yimi Cadawgii
Alle ee Cumeyr Binu Wahab isagoo xidhan seeftiisii
sumeysnayd, u maleyn maayana inuu u yimi waxaan ahayn
Shar". Rasuulka (scw) wuxuu yiri "ii soo geliya".
Haddaba, Cumar wuxuu soo aaday Cumeyr isagoo qabtay
khamiiska uu qabay kuleetigiisa, seeftana wuxuu kula
xiray qoortiisa ka dibna wuxuu ula yimi Rasuulka (scw).
Kolkii uu arkay Rasuulka (scw) waxa uu sameeyay Cumar
wuxuu ku yiri "Siidaa Cumaroow". Rasuulka wuxuu Cumeyr
ku yiri "ii soo dhawoow". Cumeyr wuxuu u soo dhowaaday
Rasuulka (scw), isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".
Cumeyr Binu Wahab wuxuu u soo galay Rasuulka (scw),
wuxuuna ku yiri isagoo salaamaya Rasuulka "Subax
wanaagsan". Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay "Ilaah
wuxuu nagu maamuusay salaan ka kheyr badan salaantaada,
waana salaanta ay isku salaamaan Ahlu-jannaha. Cumeyr
wuxuu yiri " Wallaahi adigama kama fogid salaanteena.
Intaa ka dib Rasuulku (scw) wuxuu Cumeyr weydiiyay
sababta uu u yimi, Cumeyrna wuxuu yiri " waxaan u imi
inaad ii soo deysaan wiilkayga oo aad igaga qafaalateen
dagaalkii Badar. Rasuulka (scw) wuxuu weydiiyay waxa ku
xanbaaray inuu seefta wato, haddiiba uuba saa u yimi..
Cumeyr wuxuu yiri "inkaar Allaha ku rido seefo oo dhan,
waayo maxay noo qabatay oo tartay dagaalkii Badar.
Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu u sheegay sababta uu u
yimi inay ahayd inuu dilo Rasuulka (scw), arrinkaasna
waxaa loogu sheegay si waxyi ahaan. Wuxuu Rasuulka (scw)
Cumeyr ku yiri "Adiga iyo Safwaan ayaa waxaad
fariisateen meel u dhow dhagaxii ku ag yiillay Kacbada,
dabadeedna waxaad isku soo qaaddeen oo aad ka wada
hadasheen dadkii gaalada ahaa ee lagu laayey dagaalkii
Badar. Adigaa waxaad tidhi haddii ayan jiri lahayn deyn
laygu leeyahay oo aan jirin cid iga gudda, iyo ilmo aan
uga cabsanayo ceydh iyo gaajo inay u dhintaan, waxaan u
kicitimi lahaa sidii aan u soo dili lahaa Muxammed (Rasuulka
scw). Hase ahaatee Safwaan ayaa kaa xanbaaray deyntaada
iyo ciyaalkaaga si aad anniga ii disho, laakiin Ilaah
ayaa iga kaa ilaaliyay". Cumeyr afkuu kala qaaday oo
waxaa ka soo haray fajac iyo yaab, dabadeedna isagoo aan
hadal kale odhan ayuu yiri "Waxaan qirayaa inaad tahay
Rasuulkii Ilaahay.
Cumeyr Waa Muslim:
Cumeyr wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri: "Rasuulkii
Ilaahayow waxaan ahayn kuwii kugu beeniya waxyiga xagga
samada lagaaga soo dejiyay (waa qur’aanka), hase ahaatee
arrinkan aad hadda ka warantay ee ahaa wixii aan ku wada
hadalnay anniga iyo Safwaan cid aan labadeyda ahayn ma
ogeyn. Wallaahi ayaan ku dhaartay waxaan yaqiinshay
inuusan warkan kuu keyn axad aan ka ahayn Ilaahay. Waxaa
mahad iska leh Allihii i waafajiyay inaan kuu imaado, si
markaas aan u qaato Diinta Islaamka. Cumeyr wuxuu ku
dhawaaqay shahaadada, sidaasna ayuu ku islaamaay.
Muslimiintii oo ku farxay islaamiddii Cumeyr. Nebiga
(scw) wuxuu asxaabta amray inay Cumeyr baraan Diinta iyo
barashada qur’aanka, isla mar ahaantaana ay u sii
daayaan wiilkiisa Wahab. Muslimiintii si aad ah ayeey
ugu farxeen islaamidda uu soo islaamay Cumeyr, ilaa uu
Cumar Binu Khaddaab (rc) ka yiraahdo "Doofaar ayaan ka
jeclaa kolkuu Cumeyr u galayay Rasuulka!, laakiin
maantase waxaan ka jeclahay qaar ka mid ah caruurtayda.
Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu baran jiray Diinta
Islaamka, isagoo markaasna laabtiisa ku buuxinaya
iftiinka qur’aanka. Cumeyr waxay la ahayd maalmahaas uu
baranayay qur’aanka maalmihiisii ugu qaalisanaa intuu
noolaa, taasoo hilmaansiisay magaaladii Makka ee uu
markii hore ka yimi iyo dadka ku noolba.
Dhinaca kale Safwaan wuxuu ahaa kii naftiisa ugu
sheekeeya yiddidiilooyin, aan waxna ka jirin, isagoo
dadka ku oran jiray "ku bishaareysta khabar weyn oo idin
hilmaasiisa dhacdadii dagaalkii Badar. Hase ahaatee
markii ay ku dheeraatay Safwaan maqnaashaha Cumeyr, ayaa
wuxuu bilaabay welwel iyo walaac; isagoo weydiin jiray
socotada ka soo gasha magaalada Madiina. In kastoo oo uu
saas ahaa, haddana ma uusan heli jirin wax jawaab ah oo
shaafisa. Maalintii danbe ayaa waxaa magaaladii yimi
nin, kaasoo sheegay inuu Cumeyr islaamay. Safwaan,
khabarkaas waxay ku noqotay mid lama filan waa’. Waayo,
Safwaan marnaba ma filanaynin in Cumeyr uu islaami
doono, haba islaamaan’e waxa dunida jooga oo dhan.
Cumeyr wuxuu isaga jiray barashada diintiisa iyo
xifdinta quraanka, ilaa uu uga yimi maalintii danbe
Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayoow
waxaa tagtay muddo fara badan oo aan ahaa kii demiya
Nuurkii Alle, isla mar ahaantaan aad u dhiba oo u
cadaadiya wixii sheegta Islaamka (muslimiinta). Sidaa
darteed waxaan jeclaan lahaa inaad ii idinto inaan aado
magaaladii Makka, si aan Qureysh ugu yeedho Diinta
Islaamka. Haddii ay iga yeelaan waa sidii wanaagga
badnayd, laakiinse haddii ay iga diidaan waan dhibi oo
cadaadin sidii aan markii horeba u cadaadin jiray
Muslimiinta. Nebiga (scw) wuu u fasaxay Cumeyr inuu
qabto magaalladii Makka.
Cumeyr wuxuu u safray magaaladii Makka, wuxuu u tegay
ninkii saaxiibada ay ahaayeen ee ahaa Safwaan gurigiisa,
wuxuuna ku yiri "Safwaanow waxaad ka mid tahay madaxda
qureysh, sidoo kale waxaad caaqillada qureysh ee caqliga
leh. Haddaba, ma waxay kula tahay waxa aad ku sugan
tihiin ee ah cibaadada aad caabudaysaan dhagaxyada iyo
gowraca aad u gowracaysaan sanamyada in ay caqliga uu
yeelayo in uu waxani diin yahay. Haddaba anniga waxaan
qirayaa In uu Illaah Alle yahay, Muxammadna yahay
Rasuulkii Alle. Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu
dadka ugu yeeri jiray Diinta Islaamka ilaa ay gacantiisa
ku soo islaameen khalqi aad u fara badan. Illaah ha
weyneeyo abaalmarinta Cumeyr, qabrigiisna Allaha nuuriyo
Aamiin.