XUDEYFA BINU AL-YAMAAN
"XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA".
(XADDIIS)
(8)
"Haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa muhaajiriinta, sidoo
kalena haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa Ansaarta, labadaas
kooxood midkaad doontid naftaada u dooro”, hadaladaa Waxaa
Xudeyfa ku yiri Rasuulka (scw) markii ugu horeysay ee uu
magaalada Makka kula kulmay. Sababta keentay kala doorashadaas
ee uu Rasuulka (scw) kala dooransiiyay labadaas kooxood ee
sharafta badan ayaa waxaa ku dhex jirta sheeko xiiso leh oo aan
ku arki doono gudaha sheekada.
Xudeyfa aabihiis waxaa la oran jiray Yamaan, wuxuu ka dhashay
reer Banuu CABS, sidoo kale wuxuu ahaa reer Makka, hase ahaatee
wuxuu galay dhagar oo wuxuu dilay qof, taasoo markii danbe ku
qasabtay inuu ka qaxo magaalada Makka, isagoo u qaxay magaalada
Madiina, halkaana wuxuu bahwadaag la sameeyay reer Banii Cabdil
Al-ash-hal oo uu iyagu la xididay kana guursaday, jeer uu u
dhashay wiil loo baxshay Xudeyfa. Meeshaana waxaa ka baxday
waxyaabihii Yamaan ka hortaagnaa inuu ku soo noqdo magaalada
Makka, wuxuuna u dhaxeen jiray labada magaalo, inkastoo uu u
badnaa deganaanshaha magaalada Madiina.
Haddaba, markii uu nuurka Islaamka ka bishay jasiiradda
Carabta, ayaa Yamaan oo ahaa Xudeyfa aabihiis iyo 10-kale oo ka
mid ah reer Banii Cabs ayaa waxay u soo wafdiyeen Rasuulka
(scw), iyagoo doonaya inay Rasuulka (scw) ogeysiiyaan doonista
ay doonayaan inay soo galaan diinta Islaamka. Xilligaa iyada
ahna waxay ahayd ka hor intuusan Rasuulka (scw) u haajirin
magaalada Madiina.
Haddaba, halkan waxaa ka bilaabanaysa barbaarintii Xudeyfa ee
isir ahaan ka soo jeeday reer Makka.
Xudeyfa wuxuu ku barbaaray guri muslim ah, waxaana ku dhex
barbaaray aabe iyo hooyo goor hore islaamay dhexdooda. Xudeyfa
wuxuu islaamay isagoo aanan arag Rasuulka (scw). Hase ahaatee
galgacaylka iyo hiloowga Xudeyfa uu u qabay la kulanka Rasuulka
(scw) wuxuu ahaa kii dhaamiya oo buuxiya labadiisa dhinac.
Xudeyfa marna kama faaruqin laga soo bilaabo maalintii uu
islaamay kii weydiiya aabihiis sifooyinka Rasuulka (scw), mar
alla markii loo sheegana waxay u kordhinaysay galgacalo iyo
hiloow uu u qabo aragtida Rasuulka.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Xudeyfa u socdaalay magaalada
Makka si uu u soo arko Rasuulka (scw), markii uu la kulmayna
isla markiiba wuxuu weydiiyay su’aashan: ”maadaama aan ka imid
magaalada Madiina, ma muhaajir baan ahay, mise Ansaari Rasuulkii
Alloow?”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: ”haddaan doonto waxaad
noqotaa muhaajir, haddaad doontana waxaad noqotaa ansaari,
naftaada u door wixii aad la jeceshahay”. Xudeyfa ayaa yiri: ”
haddaba waxaan ahay Ansaari Rasuulkii Alloow ”.
Markii uu Rasuulka (scw) u haajiray magaalada Madiina,
Xudeyfa wuxuu laasimay ka ag-dhowaanshaha Rasuulka (scw), jeer
uu Rasuulka kala qayb galo dhammaan duulimaadyadii uu qaaday
Rasuulka, markii laga reebo dagaalkii ugu fadli badnaa ee Badr.
Ka maqnaashaha Xudeyfa uu ka maqnaaday dagaalka Badr, waxaa ku
jirta sheeko uu isagu laf-ahaantiisa ka waramay, wuxuuna yiri:
”igama reebin inaan ka qayb galo dagaalkii Badr, aan ka ahayn
inaan anniga iyo aabahay aan ku maqnayn dibadda magaalada
Madiina, innagoo dhexda socona ayaa waxaa na qabsaday oo na
qafaashay gaaladii Qureysh, waxay nagu yiraahdeen inteed u
socotaan, waxaan ku niri: magaalada Madiina. Waxay yiraahdeen,
ma waxaad u socotaan Muxammad, waxaan niri: maya, ee waxaan u
soconaa magaalada Madiina.
Way diideen inay na sii daayaan, jeer ay naga qaadeen ballan
ah inaanan u gaargaaraynin Muxammad oo aanan safkiisa safan
dagaalka, sidiina ayeey nagu sii daayeen”. Xudeyfa wuxuu yiri:
”kolkii aan u nimid Rasuulka (scw) ayaa waxaan u sheegnay
ballantii aan galnay, iyo wixii aan ka sameyn lahayn”. Rasuulka
(scw) wuxuu ku yiri: ”ballantoodu waynu oofinaynaa, Ilaahna
waynu kaalmeysanaynaa” ( xaddiiskan waxaa ka danbeesay axaadiis
tilmaamaya, inaan la fulinaynin ballamaha la xiriira macaasida
Alle iwm, sida xaddiiska oranaya: laguma adeecayo makhluuq wixii
macsiyada Eebbe ah).
Markii la soo gaarey dagaalkii Uxud wuxuu Xudeyfa dhex
tiimbaday oo galay bartamaha dagaalka, isagoo la socda aabihiis.
Haddaba, Xudeyfa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay
wacdarro weyn oo la jeclaystay, wuxuuna ka soo laabtay isagoo
nabad qaba. Hase ahaatee, aabihiis wuxuu dhintay isagoo
shahiiday, laakiin uu ku dhintay seefaha muslimiinta, ma uusan
ku dhiman seefihii gaalada, taasi lafteedana waxay lahayd sheeko
xiiso leh.
Maalintii la galayay dagaalkii Uxud, ayaa wuxuu Rasuulka
(scw) magacaabay Yamaan iyo saxaabiga la yiraahdo Zaabith Binu
Waqsh si ay u galaan dhufeysyada magaalada iyagoo ay weheliyaan
dumarka iyo caruurta. Waayo, labadooduba waxay ahaayeen
waayeello aad u da’ weyn. Dagaalkii markii uu kululaaday ayaa
Yamaan wuxuu Zaabith ku yiri: ”aabo beele! Maxaynu sugaynaa?,
wallaahi ayaan ku dhaartaye cumri noo haray ma jiro aan ka ahayn
wax labo maalmood oo kale ah, oo muddo yar ka dib waynu
dhimanaynaa, kaaley aynu qaadanno seefaheena oo aynu haleelno
Rasuulkii Alle (scw) waxaaba dhici karta inuu Alle (sw) nagu
arsuqo shahaado innaga iyo Rasuulkuba’e”.
Sidii ayeey ku aadeen goobtii dagaalkii, kuna galeen dagaalka.
Zaabith isla markiiba wuxuu Ilaah ku maamuusay shahaado oo wuxuu
dhintay isagoo shahiid ah, gaaladii ayaana dishay. Hase ahaatee,
Yamaan waxaa isugu tagtey seefihii muslimiinta iyagoo aynan
garanayn. Xudeyfa oo arkayay ayaa wuxuu lahaa: ”war waa aabahay,
waa aabahay”, laakiin ma jirin cid maqlaysay, sidiina ayuu si
sarajoog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka. Xudeyfa ayaa ku yiri
nimankii laayey aabihiis oraahdan: "Ilaah ha idiin denbi dhaafo,
maxaa yeelay Alle waa kan ugu naxariista badan inta naxariisata”.
Rasuulka (scw)wuxuu jeclaystay inuu Xudeyfa siiyo diyadii
aabihiis, Xudeyfana wuu ka cudurdaartay inuu qaato diyadaas,
isagoo diyada aabihiis ku saddaqeystay muslimiinta, wuxuuna yiri:
” aabahay shahaadadii uu doonayay wuu helay, Ilaahoow ka marag
noqo in aan diyadiisa ku sadaqeystay Muslimiinta”.
Arrinkaas waxay Xudeyfa Nebiga (scw) agtiisa uga kordhisay
sharaf iyo martabad weyn. Markii uu Rasuulka (scw) uu si dhab ah
ugu fiirsaday moolka iyo ka gungaaridda kartida Xudeyfa ayaa
waxaa uga soo baxday saddex astaamood oo waaweyn, waxaana ka mid
ah:
- Caqli qoto dheer oo Rasuulka ku gacan siiya
xal-u-helidda wixii adkaado.
- Fahmo wadata dhego-nuglaan, taasoo aqbalid badan marka
loo yeero.
- Sirta oo uu qariyo, oo qof agtiisa wax ka qaadi kara
aynan jirin.
Siyaasadda Nebiga (scw) ayaa waxaa ka mid ahayd, inuu nin
waliba oo ka mid ah asxaabta uu ku aaddiyo meesha uu ku habboon
yahay, iyadoo qof kasta meesha uu ku munaasabsan yahay lala
fiirsanayo.
Dhibaatadii ugu waynayd ee soo waajahda Muslimiintii
deggenayd magaalada Madiina, ayaa waxay ahayd munaafiqiintiii
dhagarta badnayd iyo Yahuuddii degganayd magaalada Madiina iyo
xulufaddoodii oo isu bahaystay sidii ay u dhagri lahaayeen
Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa.
Markay arrintu halkaa mareyso, ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ku
sir qarsaday Xudeyfa, isagoo u sheegay tirada magacyada
munaafiqiinta. Sirtaa iyada ahna, ma uusan Rasuulka (scw) tusin
cid aan ka ahayn Xudeyfa, wuxuuna ballan kula galay inuu kor
ahaan kala socdo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan munaafiqiinta iyo
inuu ka hortago khatarta ay la iman karaan kuwaas munaafiqiinta
ah. Maalintaas wixii ka danbeeyay, waxaa Xudeyfa loogu yeeri
jiray magacan: "saxaabigii ogaa sirta Nebiga (scw)".
Marar badan ayaa waxaa dhacday inuu Rasuulka (scw)
kaalmaystay khibradda iyo kartida Xudeyfa, xilligaas iyada ahna
aad loogu baahnaa maskax iyo xeelad dagaal, taasoo ay ku dheehan
tahay aqoon iyo caqli hufan, sida tusaale ahaan dagaalkii
Khandaq, halkaas oo lagu go’doomiyay muslimiinta iyagoo ay
hareereeyeen dhammaan cadowyadii Islaamka. Dhinaca kale,
gaaladii qureysh laf-ahaantoodu ma ahayn kuwo ka ka xaalad
wanaagsan muslimiinta, maxaa yeelay wuxuu Ilaah ku shubay
caradiisa, taasoo tabardarraysay awooddoodii, wiiqdayna
go’aankoodii. Wuxuu Ilaah ku soo diray dabeyl xoog leh,
dabeyshaasoo geddisay teendhooyinkii ay ku jireen iyo digsiyadii
ay wax ku karsanayeen. Sidaa darteed wuxuu Rasuulka (scw) u
baahday kartida iyo khibradaha Xudeyfa, isagoo go’aan ku gaaray
inuu u diro halka ay joogaan bartamaha halka ay joogaan ciidanka
gaalada, weliba isagoo ku gabanaya mugdiga habeenkiisa, waana ka
hor intuusan Rasuulka qaadan wax go’aan ah. Haddaba, aan
sheekada u dhaafno Xudeyfa si uu nooga waramo safarkii geerida
qarka u saarnaa, wuxuuna Xudeyfa yiri: Waxaan habeenkaas ahayn
kuwo saf-saf u fadhiya, Abuu Safwaan iyo ciidankii la socday ee
Qureysh ahayd waxay taagnaayeen halka naga sareeya.
Yahuudii reer Banii Qureydana waxay fadhiyeen halka naga
hooseeya, markaa iyada ahna waxaan ka cabsanaynay inay dhibaato
ku timaaddo haweenkeena iyo caruurteena. Ma jirin habeen ka
gudcur iyo dabeyl badnaa habeenkaas, dhawaaqa ay wadatay
dabeesha waxaa la moodayay sida biriq oo kale, mugdiga
habeenkaas jiray darteed wuxuu sababay inuusan midkeen awoodi
karin inuu arko fartiisa.
Munaafiqiintii waxay bilaabeen inay dagaalka ka fasax
qaataan, iyagoo Rasuulka (scw) ku leh: "guryaheena ayaa cidla ah
oo cadoowgii ayaa soo geli kara". Dhab ahaantiina cidlo ma ahan,
ee waxay doonayaan inaynan ka qayb gelin dagaalka. Sidaas oo ay
tahay Rasuulka (scw) ruuxii ka fasax qaata wuu ka aqbalayay,
iyagoo sidaas munaafiqiinta mid mid u dusaya, jeer ay tiradeena
ka noqoto ilaa 300 qof ama wax le’eg. Markay arrintu halkaa
mareyso ayaa Rasuulka (scw) istaagay isagoo dhinac maraya
asxaabta dhexdooda ilaa uu yimaado anniga agteyda, markaas iyada
ahna jirkayga ma saarnayn wax aan ka ahayn go’ ay lahayd
xaaskayga, go’aasoo aan dhaafeynin jilbahayga. Rasuulka (scw)
wuu ii soo dhowaaday anniga oo dhulka jilba-jooga, isla mar
ahaantaana aan waardiyo ka hayo cadoowga, markaasuu Rasuulka
(scw) igu yiri: "waa kuma ninkan?", markaasaan ku iri: "waa
Xudeyfa". Mar kale ayuu yiri: "ma Xudeyfaa?", anniguna dhulka
ayaan isku sii gaabiyay annigoo kahanaya ama dhibsanayo inaan
istaago gaajada iyo qaboowga i haya awgeed. Waxaan iri: "haa waa
annigii Rasuulkii Alloow".
Rasuulka (scw) ayaa Xudeyfa ku yiri: "waxaa ciidanka cadoowga
dhexdiisa dhici doona khabar, sidaas darteed iyaga intaad u
dustid oo ku dhex dhuumatid noola imoow khabarkooda". Xudeyfa
wuxuu yiri: "waxaan tagey annigoo dadka ugu cabsi iyo qaboow
badan. Rasuulka (scw) ayaa isagoo u duceynaya Xudeyfa yiri: "Ilaahoow
Xudeyfa xaggiisa hore ka ilaali, xaggiisa danbena ka ilaali,
midigtiisana Alloow ka ilaali, bidixdiisana Alloow ka ilaali,
xaggiisa horena Alloow ka ilaali, xaggiisa hoosena Alloow ka
ilaali". Xudeyfa wuxuu yiri, markii uu Nebiga (scw) ii duceeyay
ka dib, wuxuu Ilaah siibay dhammaan wixii cabsi ah ee igu jiray,
sidoo kalena qaboowgii darnaa ee i hayayna Ilaah jirkayga wuu ka
tirtiray. Markii aan doonay inaan xagga ciidanka gaalada u
dhaqaaqo ayaa Rasuulka (scw) ii yeeray, isagoo igu yiri: "Xudeyfoow
ciidanka dhexdooda wax ficil ah ha ku dhex sameynin jeer aad
iiga timaado", waxaana iri haye. Intaa ka dib, waxaan tagay
annigoo ku gabanaya mugdiga bartamihiisa ilaa aan ka dhex galay
gudaha ciidamada mushrikiinta (gaalada), kana mid noqday sida
inaan ahay mid iyaga ka mid ah oo kale. Halkaana waxaa ka soo
baxday fahmadii iyo kartadii Xudeyfa ee aan hore u xusnay. Wax
yar Xudeyfa maba uusan sii joogin ilaa uu ciidanka dhexdiisa ka
dhex istaagay Abuu Sufyaan oo hogaaminayay ciidanka, wuxuuna
bilaabay khudbad isagoo leh: "Qureysheey waxaan doonayaa inaan
idin iraahdo hadal, isla markaana waxaan ka cabsanayaa inuu
hadalkaasi gaadho Muxammad, ee sidaa darteed ha eego ruux kasta
qofka uu la fadhiyo.
Markii uu Abuu Sufyaan uu sidaas yiri, ayaan anniga ku
hormaray ninkii ila fadhiyay oo aan ku iri: "war adigu kumaad
tahay?"., markaasuu wuxuu yiri: "waxaan ahay hebel ina hebel,
sidiina ayaana ku badbaaday. Markii nin weliba iska hubsaday
ninka kale, ayaa Abuu Sufyaan yiri: "qureysheey dhageysta,
wallaahi baan ku dhaartaye ma joogtaan meel la degganaan karo,
maxaa yeelay wuu dhammaaday gaadiidkeenii, waxaa ballantii
nagaga baxay reer Banuu Qureythah, dhibkii aan kala kulanay
dabeyshii xoogga badnaydna waad aragteen ee sidaa darteed hala
rarto oo hala guuro, anniguna waan raraniye. Markii uu sidaas
yiri Abuu Sufyaan, ayaa wuxuu u kacay awrtiisii, wuxuuna ka
furay dabarkii, dabadeedna wuxuu fuulay ratiga, ka dibna usha
ayuu ku dhuftay, ratigiina sidii ayuu ku istaagay. Xudeyfa wuxuu
fadhiyay markaas iyada ah meel aan ka fogeyn meesha uu istaagnaa
Abuu Sufyaan oo wuxuu awoodi karay inuu dilo, hase ahaatee wuxuu
fulinayay amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa inuusan ficil qaadin,
wuxuuna yiri: "hadduusan Rasuulka (scw) i amri lahayn inaanan ku
dhaqaaqin wax ficil ah, waxaan Abuu Sufyaan ku gani lahaa hal
leeb.
Markaa ka dib, waxaan u soo noqday Rasuulka (scw) oo
tukanaya, wuxuuna Rasuulka (scw) qabayay go’ ay lahayd mid ka
mid ah xaasaskii Rasuulka (scw), markii uu i arkayna xaggiisa
ayuu ii soo dhoweeyay, waxaana uga waramay wixii aan la kulmay.
Nebiga (scw) aad iyo aad ugu farxay, wuxuuna ku mahadiyay Ilaah
wuuna ammaanay. Xudeyfa wuxuu ahaa kii lagu sir aaminay siraha
munaafiqiinta intii uu noolaa, xitaa khulafada waxay u noqon
jireen Xudeyfa sida tusaale ahaan Cumar Binu Khadaab (rc) wuxuu
ahaa haddii uu doono inuu ku tukado mid ka mid ah muslimiinta
wuxuu weydiin jiray inuu Xudeyfa ku tukaday iyo in kale, haddii
lagu yiraahdo: haa, oo wuu ku tukaday, isna wuu ku tukan jiray,
haddiise lagu yiraahdo, maya, wuu ka shakin jiray inuu qofkaas
ka mid yahay munaafiqiinta, oo ma uusan ku tukan jirin. Maalin
maalmaha ka mid ah, ayaa Cumeyr wuxuu Xudeyfa weydiiyay in
shaqaalihiisa ay ku jiraan qaar ka mid ah munaafiqiinta, wuxuuna
Xudeyfa u sheegay inuu jiro hal qof, Cumarna wuxuu ka codsaday
inuu u sheego, hase ahaatee Xudeyfa wuu diiday inuu sheego ruuxa
uu yahay. Xudeyfa wuxuu yiri, wax yar maba uusan sii joogin
Cumar ilaa uu ninkii ka casilay markii danbe, sida in lagu
hanuuninayay oo kale. Dad aad u yar ayaa og in Xudeyfa Binu
Al-yamaani uu muslimiinta u furtay magaalooyinka ay ka midka
yihiin Nahawandi, Daynuwr, Hamadaani iyo Warry, wuxuuna sabab u
ahaa inuu muslimiinta isugu keeno hal kitaab oo qura (musxafkii
Cuthmaan), ka dib markay sigeen inay isku khilaafi lahaayeen
kitaabka Alle.
Iyadoo ay taas jirto, wuxuu haddana Xudeyfa ahaa kii aad ugu
xeel dheer cabsida Alle, wuxuu aad uga cabsan jiray ciqaabta
Alle. Markii ay ku cuslaatay bukaankii sakaraadka ayaa waxaa u
yimid qaar ka mid ah asxaabta goor habeen bar ah, markaasuu
wuxuu ku yiri: "saacaddu waa imisa?", waxay yiraahdeen: waxay ku
dhowdahay fajarkii", Xudeyfa ayaa yiri: "Ilaah ayaan ka magan
galay waaberi ii gudbiya naarta", wuu ku celceliyay. Ka dib
wuxuu yiri, ma ii keenteen kafan, markaas ayeey yiraahdeen:
"haa". Wuxuu yiri: "kafanaha ha ku xadgudbina, maxaa yeelay
haddii kafantani ay ii kheyr badan tahay xagga Eebbe (sw) waxaa
la iigu beddelayaa mid iiga kheyr badan, haddii kale waa la iga
siibayaa" . Intaa dabadeed wuxuu yiri: "Ilaahoow waxaad og tahay
inaan faqriga ka jeclahay hodontonimada, waxaad og tahay inaan
maskiinimada ka jeclahay kibirka, waxaad og tahay inaan geerida
ka jeclahay nolosha, ka dibna wuxuu yiri iyadoo naftiisa sii
baxaysa: dhimashada ama malakul-mowdku waa mid la jecel yahay oo
yimid isagoo loo hilowsan yahay, ma liibaano qofkii la
kulankiisa qoomameeya. Ilaah ha u naxariisto Xudeyfa Binu
Al-Yamaan. |