Maamulka Xarkada Alshabaab ee G/Banaadir oo ka hadalay debkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha.
 
This article has Published at: 03-02-2010 and has been viewed 44 times
Waaliga Wilaayada Xarakatu Shabaab Almijahidiin ee Gobalka Banaadir oo maanta Shir jara’id ku qabatay goobtii xalay uu debku ka kacay ee Suuqa Bakaaraha .

Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo ah waaliga wilaayada Xarakada Alshabaab ee Gobalka Banaadi ayaa manta Shir Jara’id oo uu ku qabtay goobtii xalay debku ka kacay ayaa waxa uu sheegay  in xarakada Alshabaab ay xalay gacan ka gaysatay daminta dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha .

 

Waaliga ayaa waxa uu yiri ciidamadeena ayaa xalay oo idil ilaala ka haayay goobtaan ayaga oo intii karaankoodaane daminta ka qaybqaatay.

 

Shiikh Cali ayaa sheegay in debkaan ay sababeen dadka wadooyinka degeen ee cariiriga ka dhigeenasagoo dadkaas kula dardaarmay in ay wadooyinka furaan.

 

 Gabagabadii waaliga ayaa kula dardaarmay dadka in ay is gargaaraan.

 

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved