Wareegii koobaad ee Tartanka Qur’aan Aqriska ayaa maanta waxaa lagu soo gabagabeeyay Xarunta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho.Wareega Koobaad ee Tartanka Qur’aan Aqriska ayaa waxaa loo qeybiyay afar qeybood iyadoona Ardaydii isku diiwaan gelisay ka qeyb qaadashada Tartankani ay ku kala liis gareysanaayeen.
Tartankaan Qur’aan Aqriska ah oo ay iska kaashanayaan Idaacadda Qur’aanka iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo la qabto maalin walbaa oo khamiis ah ayaa maanta waxaa la soo gabagabeeyay wareegiisii Koobaad.
Ardaydii maanta ee ku jirtay qeybtii ugu dambeeysay ee wareega Koobaad ee Tartanka Qur’aan aqriska ayaa waxaa ay ka koobnaayeen 5- will kuwaa oo da’doodu u dhexeeysay 12 ilaa 13 sano jir kuwaa oo ka kala yimid Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Ardaydaan oo ku tartameeysay 15 ka Jus hoose ee Qur’aanka Kariimka gaar ahaan xifdinta iyo Axkaamu Tajwiidka Qur’aanka ayaa waxaa ay magacyadooda kala ahaayeen.

Kani waa arday lagu magacaabo Liibaan Cali Xasan
- Liibaan Cali Xasan
- C/naasir Isxaaq Xasan
- C/xafiidh Xuseyn Xasan
- Musdhaf Saciid Macalim Xuseyn
- Axmed C/rizaaq Yuusuf
Tartankaan oo taabagelintiisa ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxaa si live-ah loogaga dhageysanayay Raadiyaha Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho.

Kani waa arday lagu magacaabo Liibaan Cali Xasan
Gudoomiyaha Gudiga Tartanka Qur’aan aqriska Sheekh Axmed Tuur yare Jimcaale ayaa ka warbixiyay Gabagabada Wareega Koobaad ee Tartanka Qur’aan Aqriska, isagoona sheegay in ay sidii ay ugu talagaleen ugu soo gabagaboobay wareega koobaad ee Tartanka Qur’aan aqriska ah hasayeeshee waxaa uu sheegay in ay jireen dhaliilo yar oo dhinaca diyaarinta ardayda ah.

Kani waa ardayga labu magacaabo C/Xafiid Xuseen Xasan.
Sheekh Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in ay soo bandhigi doonaan Jadwalka cusub ee Tartanka iyo Buundooyinka Ardaydii ka qeyb qaadatay wareega koobaad ee Tartanka Qur’aan aqriska……………

Kani waa ardayga labu magacaabo Axmed C/Razaaq Yuusuf
Tartankaan ayaa qeyb ka ah tartamo horay loogu qabtay Xarunta Idaacadda Qur’aanka kaa oo lagu dhiiri gelinaayo Ardayda Da’da yar ee barata Qur’aanka Kariimka, iyadoona Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay gacan ka geysaneeyso socodsiinta iyo abaalmarinta Ardayda ku guuleeysata Barnaamijka Tartankaan Qur’aan aqriska ah.

Jawiga Tartanka Muuqaalkiisa.
Ka dhagqyso Tartanka Qur’aan Aqriska Idaacadda Qur’aanka Kariimka Mowjada FM ka 102.5 MHZ ama kala soco Website ka
WWW. IQKSOOMAALI.COm.