Sheekh Xasan Turki oo Taageeray Heshiiskii ka dhacay Magaalada Baydhabo.
 
This article has Published at: 04-02-2010 and has been viewed 42 times
Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi(Sheekh Xasan turki)ayaa si weyn u taageeray heshiiskii dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Sheekh Xasan Turki oo Maanta warbaahinta Muqdisho shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay ayaa sheegay in si weyn u taageersan yahay heshiiskii ay ku midoobeen Mucaskarka Raas-kambooni iyo Xarakada Mujaahiidinta Al-shabaab.

Sheekh ayaa si cad u sheegay in isagu heshiiskaasi goob joog ka ahaa isla markaana ku qanacsan yahay qodobadii lagu heshiiyay.

Waxaa uu sheekh Xasan Turki ku booriyay mujaahiidiinta ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya in ay midoobaan.

Isaga oo tusaale u soo qaatay heshiiskii ka dhacay baydhabo in horseed u noqon doono mid guud oo dhex marta mujaahiidiinta ka dagaalama soomaaliya iyo Caalamka oo dhan.

Dhawaan ayay aheyd markii munaasabad ka dhacay magaalada Baydhabo lagu soo bandhigay heshiis dhowr qodob ka koobnaa oo lagu cadeeyay in ay ku midoobeen Xarakada Al-shabaab iyo Mucaskarka Raas-Kambooni.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved