Macalin Xaashi"Gaalada AMISOM ayaa ka dambeysay dabkii ka kacay suuqa bakaaraha".
 
This article has Published at: 04-02-2010 and has been viewed 44 times
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ee Ururka xisbul islaam Macalin Xaashi Maxamed faarax ayaa ku eedeeyay AMISOM dabkii ka kacay suuqa bakaaraha.

Macalin Xaashi oo shir jaraa'id Maanta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ku ogaadeen in dabkii ka kacay suuqa weyn ee bakaaraha ka dambeeyeen Ciidamada AMISOM.

Macalin xaashi ayaa dabkaasi ku macneeyay in uu ka dhashay kadib markii Ciidamada AMISOM madaafiic ku soo tuureen gudaha suuqa weyn ee bakaaraha.

"Gaalada AMISOM ayaa ka dambeysay dabkii mantida badan ku baa ba'day ee ka dhacay suuqa weyn ee bakaaraha"ayuu yiri Macalin Xaashi.

Macalin Xaashi ayaa intaasi ku daray in Xoogaga mujaahiidiinta ee ka dagaalama gudaha dalka sii wadi doonaan dagaalkooda inta dalka ka saarayaan Ciidamada AMISOM.

Dabkii ka kacay suuqa bakaaraha ayaa la xaqiijiyay in uu gaystay bur bur hantiyeed oo aad u baaxad weyn isla markaana ganacsato dhowr ah halkaasi ku hanti beeleed.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved