xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta gudi ka kooban culuma'udiin iyo Xarakada Al-shabaab u saaray tirakoobka hantidii ku bur burtay dabkii ka kacay suuqa weyn ee bakaaraha.Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage(Sheekh Cali Dheere)oo saxafiyiinta la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in gudi dhowr xubnood ka kooban u xil saareen sidii loo soo baari lahaa khasaarihii ka dhashay dabkii ka kacay suuqa weyn ee bakaaraha.
Sheekh Cali dheere ayaa xusay gudi uu ka mid ahaa sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf,Sheekh Cali Maxamed Xuseen iyo Sheekh C/fitaax Abuu Xamza iyaga oo soo baari doona khasaaraha ka dhashay dabka suuqa bakaaraha.
Afhayeenka ayaa sheegay in gudigaasi marka ay soo qiimeeyaan khasaaraha loo gurman doono ganacsatadii ku hanti beelay dabka.
Isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay il gaar ah ku eegaan dadka ku ceertoobay dabka suuqa ka kacay dhowr cisho ka hor.