Sheekh Cali dheere"Hanjabaada Kooxda shariif waxba kama duwana kuwii hore".
 
This article has Published at: 05-02-2010 and has been viewed 44 times
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali dheere ayaa ka hadlay hanjabaada dagaal ee maalmihii la soo dhaafay ka soo baxayay madaxda dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamuud raage ayaa si cad u sheegay in hanjabaada ka soo baxaysa madaxda dowlada aanu waxba ka duwaneyn kiwii ay horay u jeedin jireen sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa sheegay in hanjabaada dowlada soo bilowday markii Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar xaashi Aadan lagu dilay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

"hanjabaada kooxda shariif waxba kama duwana kuwii mudo sanad ka hor sheegi jireen"ayuu yiri sheekh Cali dheere.

Afhayeenka ayaa sidoo kale meesha ka saarin in hadii dagaal soo qaadaan dhanka dowlada iska caabin doonaan isla markaana jab xoogan la kulmi doonaan.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo hanjabaad dagaal oo ka soo baxaysa dhanka madaxda ugu sareysa dowlada KMG ah kaasi oo ku aadan in dagaal ku qabsan doonaan goobaha ay gacanta ku hayaan xoogaga ka horjeeda.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved