Wararka naga soo gaaraya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xaalada amaan ee wadada xiriirisa gobolada shabeelaha Hoose iyo bay haatan tahay mid soo hagaayaysa.Darawalada iyo dadka Rayidka ah ee ku safra wadadaasi oo qaarkood la hadlayay Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)ayaa sheegay in si weyn u soo dhaweynayaan amaanka xiligaan laga dareemayo wadadaasi.
Amaanka wadadaasi ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay aheyd mid ay si weyn cabasho uga keenayeen dadka safarka ah iyo darawalada gaadiidka kaasi oo ku aadan dhac ay u gaystaan kooxo burcad ah.
Laakiin todobaadyadii la soo dhaafay howlgalo xiriir ah oo ay wadadasi ka sameeyeen xoogaga ka horjeeda dowlada ayaa keentay in gabi ahaanba halkaasi isaga cararaan burcadii dhaca gaysan jirtay.
Saraakiil ka tirsan xoogaga dowlada ka horjeeda ayaa ku waramay in fariisimo ciidan ka sameysteen qeybo ka mid ah wadadaasi isla markaana burcada ka sifeyn doonaan.
Kooxaha burcada ah ee wadadaasi gala ayaa ah kuwo dhibaatooyin isugu jira dhac,kufsi iyo dil u gaysta dadka safarka ah ee wadadaasi isticmaala.