Ururka xisbul islaam oo ka mid ah xoogaga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegay in ay ka warqabaan dhaq dhaqaaqyada dhanka dowlada ka wado Muqdisho.Xoghayaha warfaafinta Ururka xisbul islaam sheekh Maxamed Macalin oo waraysi gaar ah siinayay Idaacada Qur'aanka kariimka (IQK)ayaa sheegay in si weyn uga war qabaan dhaq dhaqaaqyada ka socanaya Muqdisho oo ay wadaan ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Sheekh Maxamed macalin ayaa carabka ku adkeeyay in dhankooda si u diyaar garoobeen in ay iska difaacaan weerar walba oo dhanka dowlada kaga yimaada.
"si weyn ayaa uga warqabnaa abaabulka ay wadaan dhinacyadaasi waana iska difaaci doonaa weerar walba oo nooga yimaada"ayuu yiri sheekh Maxamed Macalin.
Xoghayaha warfaafinta Ururka xisbul islaam ayaa sidoo kale cambaareeyay dhibaatooyinka dadka Rayidka ah loogu gaysanayo goobaha ay gacanta ku hayaan dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
"waa ka xunahay dhibaatooyinka dadka Rayidka ah loogu gaysanayo goobaha ay gacanta ku hayaan kooxahaasi waana cambaareynaynaa"ayuu mar kale yiri Sheekh Maxamed Macalin.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayay goobaha ay gacanta ku hayaan dowlada KMG ah ee Magaalada Muqdisho kaasi oo dareen xoogan ku abuuray dadka ku harsan degmooyinka Gobolka banaadir.