Madaafiic xoogan oo Maanta ku dhacday qeybo ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo yaaqshiid ayaa gaystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.Madaafiicdaan ayaa ahaa kuwo aad u xoogan isla markaana ku dhacayay goobo ay ka mid ahaayeen suuqa weyn ee suuqbacaad.
Ilaa iyo 7-ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacday suuqbacaad isla markaana saameyn ku yeeshay ganacsigii suuqaasi.
Sidoo kale madaafiic ku dhacday xaafada xararyaale ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 2-ruux oo rayid ah halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaafiicdaan ayaa ahaa kuwo inta badan ka soo dhacayay fariisimo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Muqdisho.
Xiligii Madaafiicdaan ku dhacayeen xaafado ka mid ah degmooyinka Gobolka banaadir ayaa la sheegay in aanay jirin wax dagaalo ah oo u dhaxeeyay dhinacyada isaga horjeeda Magaalada Muqdisho.