Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Muqdisho.
 
This article has Published at: 08-02-2010 and has been viewed 37 times
Dagaalo xoogan oo ay bar bar socdeen tiro madaafiic ah ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaaladaan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka ku yaala Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah iyo xoogaga ka horjeeda kaasi oo wal wal xoogan ku abuuray dadka Rayidka ah ee ku dhaqan Muqdisho.

Madaafiic dhowr ah oo ku dhacay xaafado dad rayidka ah dagan yihiin ayaa la xaqiijiyay in ay sababtay dhimashada 2-ruux iyo dhaawaca 6-kale.

Xaalada ayaa saaka ah mid iska dagan,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii dagaalkaasi uu dhex maray.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved