Xarakada Mujaahidiinta ee Al-shabaab ayaa Maanta soo bandhigay askari iyo saraakiil la sheegay in ay ka tirsanaayeen dowlada KMG ah ee Soomaaliya.Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay saraakiil iyo ciidamo ka soo goosatay dowlada KMG ah ee ku isu dhiibay Xarakada Al-shabaab.
Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan xarakada Al-shabaab oo sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada ka soo goostay dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab sheekh Cali Maxamuud raage(Sheekh Cali dheere)oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa xusay in go,aanka ay qaateen ciidamadaan ay tahay mid soo dhaweyn mudan isaga oo sidoo kale ku booriyay kuwa kale ee dhanka dowlada ku harsan qaataan go'aan midkaan la mid ah.
Sheekh Cali dheere ayaa xusay in ay jiraan ciidamo badan oo doonaya in dhankooda u soo goostaan balse cabsi xoogan lagu beeray oo ah in hadii Al-shabaab u gudbaan la gowraci doono.
Waxaa uuna sheegay in arintaasi ay tahay mid been abuur ah aysana dhici doonin arintaasi.
Sidoo kale Baashi Axmed oo ka mid ahaa saraakiisha xarakada maanta isku dhiibtay ayaa xusay in ay weyn ugu faraxsan yahay sida ay u soo dhaweeyeen xarakada isaga oo meesha ka saaran jiritaanka xabsi horay ugu jirtay ee ah in la gowraci doono.
Ma jiraan wax war ah oo ilaa iyo haatan ka soo baxay saraakiisha dowlada oo ay kaga hadlayaan ciidamada maanta kaga goostay dhanka Xarakada Al-shabaab.