Dowlada KMG ah oo ku eedeysay xoogaga ka horjeeda in ay ka dambeeyeen dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho.
 
This article has Published at: 08-02-2010 and has been viewed 37 times
Dowlada KMG ah ayaa Maanta ka hadashay dagaalkii xooganaa ee xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidamada Milatariga dowlada KMG ah Kaalmooy oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogaga ka horjeeda dowlada mas'uul ka ahaayeen weeraradii dadka Rayidka ah ku waxyeeloobeen ee xalay ka dhacay Muqdisho.

Kaalmooy ayaa sheegay in dagaalkii xalay ku lug lahaayeen in ka badan 170-askari oo uu xusay in ay ka soo jeedeen dalalka Ethiopia iyo Eritrea ka dambeeyeen dagaaladaasi isla markaana madaafiic ku garaacay goobo dad rayid ah daganaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamadaan ka mid ahaayeen kuwo dhawaan ka soo dagay dekeda Ceel-macaan isla markaana doonaya in ay ka bar bar dagaalamaan xoogaga ka horjeeda dowlada KMG ah.

Lama oga waxyaabaha ka jira hadalkaan ka soo baxay afhayeenka Milatariga dowlada KMG ah iyada oo aan arintaasi war ka soo saarin saraakiisha xoogaga ka dagaalama gudaha dalka.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved