Dowlada Jarmalka ayaa waxaa ay sheegtay in lacago ugu deeqday dadka soomaaliyeed ee sida Qaxooti ahaanta ah ugu sugan dalka Jabuuti.Wasiirka Arimaha dibada dalka Jarmalka Westerwelle oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka wada hadlay sidii loo caawin lahaa Xaqootiga Soomaalida ah ee ku dhibaataysan gudaha dalka jabuuti.
Westerwelle ayaa kulankaasi kadib saxaafada u sheegay in dowlada Jarmalka lacago ugu yaboohday dadka soomaalida ah ee ku barakacay dalka Jabuuti.
Isaga oo intaasi ku daray in Jarmalka bixin doonto lacag dhan 120-lacagta Yurubta ah isla markaana lagu saacidi doono Qaxootiga ku sugan dalka Jabuuti.
Sidoo kale wasiirka Arimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhankiisa si diiran u soo dhaweeyay gar gaarka dowlada Jarmalka u fidisay dadka ku barakacay dalkiisa.
Dhinaca kale kulanka ay wada qaateen labadaan wasiir ayaa la sheegay in ay kaga hadleen arimaha burcad badeeda Soomaalida ah iyo sidii looga hortagi lahaa.