10-ruux oo ku dhaawacantay Iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada Tirsan dowlada KMG ah.
 
This article has Published at: 24-02-2010 and has been viewed 27 times
Ugu yaraan 10-ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen kadib markii iska hor imaad koban maanta dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG ah.

Iska hor imaadkaan dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG ah ayaa ka dhacay Isgoyska Zobe ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka halkaasi ku dhaqan ayaa Idaacada Qur'aanka Kariimka u sheegay in iska hor imaadka yimid kadib markii ciidamo dowlada ka tirsan isku dayeen in dhac u gaystaan arday ka soo baxday iskuulo iyo Jaamacado ku yaala agagaarka Isgoyska Zobe.

Taasi ayaa la sheegay in ay keentay in isku dhac dhex maro ciidamadaasi iyo kuwo kale oo ka soo horjeeday talaabada ay qaadayaan saaxiibadood.

Ilaa iyo 10-ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi kuwaasi oo intooda badan ahaa dad Rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa saarnaa gaari BL-ah kadib markii ciidamadii dhaca gaysanayay gaarigaasi si xoog ah ku raaceen.

Iska hor imaadyada inta badan Muqdisho ku dhex mara ciidamada dowlada KMG ah ayaa ah mid soo laab laabtay isla markaana waxyeelo u gaysta dadka Rayidka ah.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved