Waxaa maanta Xarunta Idaacadda Qur’aanka lagu soo gabagabeeyay Barnaamijkii Tartanka Qur’aan aqiriska kaa oo muddo laba bil ku dhow ka soconayay Xarunta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho.
Tartankaan oo ay taaba gelineeysay Shirkadad Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa guud ahaan ka soo qeyb gashay 20 arday kuwaa oo ka kala yimid Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Gobalada ku dhow ,iyadoona ardaydaas ay da’doodu ugu weyneyd 13. sano ayaa waxaa ay ka koobnaayeen wiilal iyo Gabdho.
Wareegii koobaad ee Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay guud ahaan ARdaydii 20-ka ka koobneyd hasayeeshee waxaa wareegii labaad ee tartanka u soo gudbay 6 arday taa oo sababatay in uu Tartanku noqodo mid ka soo gaabtay waqtigii la filayay in uu qaadan doono.
Wareegii sidaxaad ee isla tartanka ayaa waxaa u soo gudbay 3 arday kuwaa oo u tartamayay kaalimaha Abaal marinta iyadoona maanta uu soo idaaladay guud ahaan Tartankaasi qur’aan aqriska ah.
Tartanka ayaa waxaa uu ahaa mid isbuucla ah oo maalin walbaa oo khamiis ah la qabto iyadoona Dadweynaha ay si toos ah ama live ah uga dhageysanayeen Raadiyaha Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho.
Ardayadii ka qeyb qaadanayeesay Barnaamijka maanta islamarkaana kaalimaha ku tartameeysay ayaa waxaa ay kala ahaayeen
1.c/raxmaan xuseyn xasan
2. c/naasir isxaaq xasan
3. C/xafiid Xuseyn Xasan.
Gudoomiyaha gudiga tartanka qur’aan aqriska Sheekh Axmed tuuryare Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in natiijada Sedaxdaan arday ay dhawaan soo gudbin doonaan, isagoona ka warbixiyay waxyaabihii ay la kulmeen inta uu tartanku soo socnayay isagoona dhinaca kale ugu baaqay Shirkadaha ka howlaga gudaha Dalka in ay ka qeyb qaataan qabashada tartamada ceenkaan oo kala ah.
Gabagabadii ayaa waxaa dareenkooda iyo rajadooda ka hadlay ardaydii sedaxda aheyd ee maanta u wada tartamayya kaalimaha iyagoona dhamaan mahad weyn u jeediyay Mas’uuliyiinta sar sare ee shirkadad Hormud.
Isku soo wada duubee Natiijada ardaydaan iyo kaalimihii ay kala galeen ayeey gudigu sheegeen in ay dib ka soo gudbin doonaan, iyadoona sidoo kale dib laga soo gudbin doono xiliga la qabanayao Xafaladda Gabagabada Tartanka iyo abaal marinada ardayda. Taa oo Shirkadad Hormuud ay balan qaaday

C/Xafiid Xuseen Xasan

C/Naasir Isxaaq Xasan

Gudiga oo ku howlan Imtixaanka Ardayga C/raxmaan Xuseen Xasan.

Jawiga Tartanka Muuqaalka guud.

Agaasime Max'ed C/wahab &Gudoomiye Axmed Tuuryare & Arday

Farsamayaqaan Axmed Cali Nuuriye oo ku howlan farsamo.