Hugaamiyaha Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay maalintii shalay in ay ka raaligalinaayaan shacabka dhibka ka soo gaaraa dhankooda. Shiikh Xasan Daahir oo shalay salaadii jimcaha ka dib dadweyne kula hadlaayay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay shacabka ka raaligalinaayaan dhibka xagooda ka soo gaaraa.
Waxa uu yiri shacabka ayaan ka dhex shaynaa una shaqeynaa sidaa darted wixii dhibaataa ee xageena ka soo gaara ha ku raali noqdeen.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli isbuucii la soo dhaafay uu qarax ka dhacay Baar Ubax qaraxaas oo Xizbul Islaam lagu eedeeyay inkastoo ayana ay is ka fogeeyeen.