Maamulka dowlada KMG ah u qaabilsan degmada Wadajir ayaa Maanta soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka soo goosteen Ururka Hubeysan ee xisbul islaam.Xaflad lagu soo bandhigayay Askartaan ayaa lagu qabtay xarunta degmada Wadajir kaasi oo ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada KMG ah.
Xafladaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed daaci isaga oo sheegay in askartaan ka soo goosteen ciidamada xisbul Islaam ee ku sugan deegaanka Kaxda ee ku taala degmada dharkenleey.
Axmed daaci ayaa tilmaamay in si wanaagsan u soo dhaweynayaan Ciidamada ka soo goostay xisbul islaam isaga oo ugu baaqay kuwa kale ee ka soo horjeeda dowlada KMG ah in ay qaataan go,aan midkaan la mid ah.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Askari sheegay in uu Hogaaminayaya ciidamadaasi waxaa uuna carabka ku adkeeyay in ay gaarayeen ku dhawaad 12-askari balse iyaga marka hore isku soo dhiibeen maamulka.
Waxaa uuna xusay in qaarka kale dhawaan isku soo dhiibi doonaan dowlada KMG ah sida uu hadalka u dhigay.









Ilaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin Ururka xisbul Islaam kaasi oo ay ku cadeynayaan ama ay ku beeninayaan askarta Maanta soo bandhigeen maamulka degmada wadajir ee dowlada KMG ah.