Burcad Badeed Soomaali ah oo sii daayay Markab laga leeyahay dalka Indonesia
 
This article has Published at: 27-02-2010 and has been viewed 33 times
Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay sii daayeen Markab laga leeyahay dalka Indonesia.

Sii deynta Markabkaan ayaa la sheegay in ay timid kadib markii kooxaha burcad badeeda ah la siiyay lacago Madax furasho ah.

Mas'uul ka tirsan dowlada Indonesia ayaa warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa.

Waxaa uu cadeeyay in kooxaha burcad badeeda ah la siiyay lacago gaaraya 3.7 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Kooxaha Burcad badeeda ayaa in mudo ah markabkaan ku haystay xeebaha dalka Soomaaliya.

Burcad badeeda soomaalida ee ka qowleeysta xeebaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed ayaa haatan gacanta ku haya maraakiib iyo shaqaalihii saarnaa kaasi oo ay ku doonayaan in lacago Madax furasho ah ku helaan.

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved