Xarakada Al-shabaab oo xukun Tacziir ah ku fuliyay Haweeneey la sheegay in ay Zineysatay.
 
This article has Published at: 27-02-2010 and has been viewed 41 times
Maamulka deegaanka Buur-dhuxule ee Gobolka bakool ayaa xukun Taziir ah Maanta ku fuliyay Haweeney lagu eedeeyay in ay Zineysatay.

Maxkamad ku taala deegaanka buur-dhuxule ee Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in xukunkaan riday kadib markii la sheegay in haweeneydaasi zineysatay iyada oo aan horay guur u soo marin.

Haweeneydaan ayaa lagu Taziiray goob fagaare ah isla markaana lagu dhiftay ilaa iyo 100-Karbaash.

Sarkaal ka tirsan Maxkamada Deegaanka Buur-dhuxule ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneydaan lagu fuliyay waxa ay shareecada Islaamka ka qabtay dambigii ay gashay.

Waxaana maamulka deegaankasi uu shaaca ka qaaday in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo ku xadgudubta ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved