Rooban xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka da'een deegaano ka tirsan Gobolka Geddo.Deegaano ka mid ah Dooloow iyo Balad-xaawo ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ka da'ayeen rooban aad u xoogan.
Roobabkaan ayaa ahaa kuwo ay si wanaagsan ugu farxeen dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
Wariyaheena Maxamed Qani Xuseen (Kuusoow)oo ku sugan degmada Balad-xaawo ayaa ku soo waramay in Roobabkaasi ay sameeyeen biyo fariisid ay xoolaha ka cabaan biyaha.
Roobabka ka da'ay degmoyin ka tirsan Gobolka Geddo ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay gobolkaasi laga soo sheegayay in ay ka jiraan abaaro iyo biyo la'aan aad u xoogan.