Ciidamada Xisbul Islaam oo 50-ruux ku xir xiray degmada Jala-laqsi ee Gobolka Hiiraan.
 
This article has Published at: 28-02-2010 and has been viewed 36 times
Ciidamo ka tirsan Ururka xisbul islaam ayaa lagu soo waramayaa in Dad aad u farabadan ku xir xireen degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamada xabsiga ku taxaabeen ku dhawaad 50-ruux oo lagu eedeeyay in ay jabiyeen amaro horay uga soo baxay Maamulka degmadaasi.

Dadka la xir xiray ayaa lagu soo qabtay sida lagu soo waramayo iyaga oo gudaha degmada ku cunaya qaadka oo horay Maamulku uga mamnuucay in goobaha banaanka ah qaadka lagu cuni karin isla markaana aan lagu iibin karin.

Lama oga sida maamulku dadkaan ka yeeli doono balse saraakiil ka tirsan cidamada ayaa ku waramay in dadkaan maxkamad la soo taagi doono.

Dadka degmadaasi ku dhaqan ayaa inta badan horay ugu hogaansamay awaamiir ka soo baxday Maamulka ka arimiya degmada Jalalaqsi ee hoos taga Ururka xisbul islaam.

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved