Kooxo Hubeysan oo dil u dhaawac u gaystay dad ku safrayay Inta u dhaxeysa Bay iyo shabeelaha Hoose.
 
This article has Published at: 01-03-2010 and has been viewed 37 times
Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in dil iyo dhaawac u gaysteen dad Rayid ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Gobolada Bay iyo shabeelaha Hoose.

Kooxahaan ayaa la sheegay in jidka u galeen gaari rakaab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa degmooyinka buur-hakaba iyo Wanla-weyn oo ka kala tirsan Gobolada shabeelaha Hoose iyo bay.

Kooxaha ayaa rasaas xoogan la beegsaday gaarigaan uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Rasaasta ay fureen kooxahaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay haweeney ka mid aheyd dadka gaarigaasi saarnaa.

Sidoo kale rasaastaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay ruux kale kaasi oo dhaawaciisa la keenay isbitaalka degmada Wanla-weyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Kooxaha burcada ah ayaa ah kuwo inta badan jidgooyo dhibta wadada xiriirisa gobolada Bay iyo shabeelaha Hoose kuwaasi oo ah kuwo aan laheyn meel cayiman maadaama halkaasi howlgalo ka sameynayaan ciidamo ka tirsan Ururka xisbul Islaam.

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved