Ururka Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Q.M.in xayiraad la saaro garoomada iyo dekedaha ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab.Kadib kulan maalmihii la soo dhaafay ka socanayay dalka Ethiopia aya waxaa la sheegay in ay lahaayen xubnaha golaha amaanka iyo nabada Midowga Afrika.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii mdiowga Afrika u sii kordhin lahaa taageeradiisa dowlada KMG ah.
Gaba gabadii kulankaasi ayaa loogu baaqay golaha amaanka ee Q.M.in ay xayiraad adag saaraan Garoomada iyo dekedaha ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Sidoo kale beesha caalamka ayuu midowga Afrika ugu baaqay in taageero xoogan u fidiyaan dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne sheekh shariif.