Madoobe Nuunoow"Dhawaan dalka waxaa uu u gudbi doonaa doorasho si looga gudbo KMG".
 
This article has Published at: 01-03-2010 and has been viewed 39 times
Wasiirka Dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada KMG ah ayaa sheegay in dhawaan dalka laga hirgalin doono doorasho xor ah si buu yiri looga gudbo KMG.

Madoobe Nuunoow Wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in wasaaradiisu ku howlan tahay sidii dalka doorashooyin looga qaban qaabin lahaa.

Madoobe Nuunoow ayaa xusay in sanadka dowlada uga harsan waqtigeeda la soo dhameystiri doono howlaha ay faraha kula jirto wasaaradiisa.

"dalka dhawaan waxaa uu u gudbi doonaa doorasho xor ah oo ay ku tar tami doonaan xisbiyada si looga gudbo KMG"ayuu yiri Madoobe Nuunoow.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la is waafajin doono dastuurka KMG ah iyo shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sheegay in howshaasi loo xil saaray xildhibaano iyo culuma'udiin ka madax banaan dowlada KMG ah.

Mar wax laga waydiiyay sida ay arintaasi ku suurta gali doonto maadaama inta badan gobolada Koonfureed ee dalka gacanta ku hayaan xoogaga dowlada ka horjeeda ayaa sheegay in taasi ay ka warqabaan balse dowlada qaadi doonto talaabooyin ay isku balaarin doonto.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved