Waxgaradka deegaanka Gumaroow oo Beeniyay hal ka soo baxay Gudoomiyihii Hore ee degmada Balcad.
 
This article has Published at: 02-03-2010 and has been viewed 62 times
Waxgaradka deegaanka Gumaroow ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa beeniyay hadal dhawaan ka soo baxay Gudoomiyihii hore ee degmada Balcad.

Nabadoon Idiris oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Gumaroow oo la hadlayaya Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)ayaa sheegay in  ay waxba kama jiraan tahay iska hor imaad ka dhacay deegaanka Gumaroow ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Idiris ayaa sheegay in aanay jirin wax iska hor imaad ah oo deegaankaasi ku dhex marin ciidamada Al-shabaab iyo maleeshiyooyin deegaanka ah.

Waxaa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaana dadka deegaanka ku dhaqan taageersan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Nabadoon Idiris ayaa si kulul u weeraray siyaasada Gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye isaga oo ku sheegay in uu yahay nin u adeegaya Ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye sheegay in iska hor imaad ka dhacay deegaanka Gumaroow dhex maray ciidamada Al-shabaab iyo maleeshiyooyin deegaanka ah oo ka soo horjeeda maamulka Al-shabaab ee deegaankaasi.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved