Maamulka Wilaayada Xarakada Al-shabaab u qaabilsan Gobolada bay iyo Bakool ayaa ka warbixiyay Idaacad cusub oo laga hirgaliyay Magaalada Baydhabo.Mas'uul ka tirsan degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo warbaahinta kula hadlayay magaaladaasi ayaa shaaca ka qaaday in wilaayada Gobolada Bay iyo bakool hawada soo galiyeen idaacad cusub.
Mas'uulkaan ayaa sheegay in Idaacadaan ay tahay mid islaami ah isla markaana ku hadli doonta Afka Xarakada Al-shabaab.
Idaacadaan ayaa loo bixiyay Andulus iyada oo noqanaya midii labaad oo xarakada ka hirgaliyaan gudaha dalka Soomaaliya.
Horay ayay xarakada Idaacad uga hirgalisay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose taasi oo iyadana ku hadasha Afka xarakada Al-shabaab.