Dagaalo ay bar bar socdeen duqeymo xoogan ayaa Maanta ka dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Gobolka banaadir.Dagaalada ayaa ah mid ay u dhaxeeyeen ciidamada dowlada KMG ah,Kuwa AMISOM iyo xoogaga hubeysan ee ka horjeeda.
Madaafiic xoogan oo ku soo dhacday qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen tiro dad rayid ah.
Ilaa iyo 4-ruux ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen agagaarka Shirkadaha Dahabshiil ee suuqa bakaaraha kadib markii halkaasi madaafiic ku dhaceen.
Sidoo kale tiro 10-ruux kor u dhaafaya ayaa la sheegay in madaafiicdaasi ku dhaawacmeen.
Dagaalka ayaa ka socanayay qeybo ka mid ah degmada Hodon ee Gobolka banaadir kaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka Rayidka ah.
Xaalada ayaa wali ah mid aad u kacsan isla markaana goobihii dagaaladu ka dhaceen laga maqlayo dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta noocyadooda kala duwan.