Golaha Camalka Islaamka oo ka horjeestay Go'aan ka soo baxay dowlada Ingiriiska.
 
This article has Published at: 02-03-2010 and has been viewed 48 times
Golaha Camalka Islaamka ayaa ka soo horjeestay go,aankii dhawaan ka soo baxay dowlada Ingiriiska.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Camalka Islaamka oo Maanta warbaahinta kula haday muqdisho ayaa sheegay in ay cambaareynayaan go,aanka ay ku dhawaaqday dowlada Ingiriiska.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in go,aankaasi uu yahay mid lagu baneysanayo hantida shacabka soomaaliyeed u taala dalka Ingiriiska.

Waxaa uuna sheegay in xarakada Al-shabaab aanu xarumo ku laheyn dalkaasi balse dano kale la leedahay dowlada Ingiriiska.

Ugu dambeyn waxaa uu gudoomiye ku xigeenka carabka ku adkeeyay in wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha jihaadka ah ee ka socanaya dalka soomaaliya.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved