Dagaalo xoogan oo Caawa dib uga qarxay Goobihii Maanta dagaaladu ka dhaceen.
 
This article has Published at: 02-03-2010 and has been viewed 45 times
Dagaalo xoogan ayaa caawa dib uga qarxay goobihii dagaalada xoogan maanta ku dhex mareen dhinacyada iska horjeeda.

Dagaalada ayaa caawa ah mid aad u xoogan isla markaana labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan isku dhaafsanayaan.

Madaafiic aad u xoogan ayaa haatan laga soo sheegayaa in ay ku dhacayaan deegaanka KM13-oo ah halka ay u barakaceen dadkii ka cararay dagalaada Muqdisho.

Sidoo kale qaar ka mid ah madaafiicdaasi ayaa ku dhacaya xaafado ka mid ah degmada dayniile ee gobolka banaadir.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad u kacsan isla markaana dadka ku dhaqan wal wal xoogan ay soo wajahday.

Lama xaqiijin karo kharaaha ka dhashay dagaalka caawa dib uga qarxay qeybo ka mid ah degmada Hodon ee Gobolka banaadir.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved