Ururka Xisbul Islaam oo Guulo ka sheegtay dagaalada Maanta iyo Caawa ka dhacay Muqdisho.
 
This article has Published at: 02-03-2010 and has been viewed 57 times
Ururka xisbul Islaam ayaa sheegtay Mas'uuliyada dagaalo xoogan oo Maanta iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka dhanka Howlgalada Ururka xisbul islaam Sheekh Cusmaan Maxamed Caruus oo Goordhaw waraysi gaar ah siinayay Idaacada Qur'aanka Kariimka ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalo Maanta iyo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodon ee Gobolka banaadir.

Caruus ayaa tilmaamay in ay dileen tiro ka mid ah Ciidamada dowlada KMG ah isla markaana la wareegeen goobo ay kaga sugnaayeen degmada Hodon.

"dagaalka maanta iyo caawa guulo wax ku ool ah ayaan ka gaarnay alla ayaa madaa leh"ayuu yiri Caruus.

Afhayeenka dhanka howlgalada ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM in madaafiic aan loo meel dayin ku garaaceen xaafado ka mid ah muqdisho iyo waliba deegaanka KM13-oo ah halka ay u barakaceen dadka ka cararay Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay sii laba laabi doonaan dagaalkooda ka dhanka ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved