Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka warbixiyay dhaawayadii ugu dambeeyay ee isbitaalka soo gaaray(Daawo Sawiro).
 
This article has Published at: 03-03-2010 and has been viewed 65 times
Maamulka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhaawayadii la soo gaarsiiyay isbitaalka saacadihii ugu dambeeyay.

Duniyo Cali Maxamuud oo Ah madaxa caafimaadka isbitaalka Madiina oo la hadashay Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)ayaa sheegay in bukaano aad u farabadan oo qaba dhaawacyo kala duwan xalay iyo saaka isbitaalka la soo gaarsiiyay.

Duniyo ayaa xustay in bukaanadaasi gaarayeen ku dhawaad 60-ruux oo isugu jiray dumar,Carruur iyo dad da'ah isla markaana qaarkood xaaladooda ay tahay mid aad u liidata.

Waxaa ay intaasi ku dartay in bukaanada isbitaalka la soo gaarsiiyay 4-ka mid ah geeriyoodeen sida ay sheegtay.

Duniyo ayaa sidoo kale sheegtay in dadka xalay ku geeriyoday isbitaalka uu ku jiray wiil aad u yar oo jiray afar sano kaasi oo dhaawac culus ka soo gaaray dagaaladii dhex marayay ciidamada dowlada.kuwa AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda.



Si kastaba dhaawacyada isbitaalka la garsiiyay ayaa intooda badan ah dad Rayid ah oo ku dhaawacmay dagaalo xalay iyo shalay ku dhex maray degmada Hodon ciidamada dowlada,Kuwa AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved