Xaflad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Marti sharaf kala duwan kuwaa oo isugu jira Waalidiin Macalimiin, iyo waliba Mas’uuliyiin ka socda Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa maanta lagu qabtay xarunta idaacadda Qur’aanka kariimka ee Magaaladda Muqdisho.
Xafladaan oo aheyd mid abaal marino lagu gudoonsiinayay ardaydii dhawaan ku guuleeysatay Tartankii Qur’aan aqriska ahaa ee mudada labada bil ku dhaw ka soconayay Xarunta idaacadda qur’aanka kariimka islamarkaana ay fangareeyneeysay Shairkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa ahaa mid u dhacday sidii loogu tala galay.
Xafladaan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Gudigii tabantaabinayay tartanka mudadii dheereed ee uu soconayay iyo Maamulka Idaacadda Qur’aanka kariimka iyo marti sharaf kale ayaa waxaa guud ahaan lagu soo gabagabeeyay Tartarnkii Qur’aan aqriska ahaa ee ay Idaacadda Qur’aanka kariimka u qabatay ardaydii da’da yareed ee 20- ka ka koobnaa kuwaa oo sedax ka mid ah ay ku guuleesteen Gabagabdii Tartanka.
Sheekh Axmed Tuuryare Jimcaale oo ahaa Gudoomiyihii Tartanka Qur’aan aqriska ayaa maanta waxaa uu ka hadlay Munaasabaddii isugu jirtay gabagbada iyo abaal marinta, isagoona daaha ka qaaday magacyada iyo kaalimaha sedaxdii arday ee maanta xaadirka ku aheyd istuudiyaha Iqk islamarkaana sugeysay abaal marinta.
Ustaad Axmed Jeylaani oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Tartanka ahna madaxa Barnaamijta Iqk ayaa munaasabadii maanta waxa uu ka jeediyay hadal dhinacyo kala duwan taabanaya , isagoona u mahad celiyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo qaabishay qarashka tartanka iyo abaal marinta ardayda.
Injineer Yaasiin Xasan Yuusuf oo ahaa Masuul ka socday Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud islamarkaana xaadir ku ahaa Istudiyaha IQK oo aheyd goobta lagu qabnayay Xafladda ayaa halkaasi hadalo kooban oo dhinacyo kala duwan taabanaayay ka jeediyay.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Xuseyn Xasan oo ahaa Waalidka laba ka mid ah ardaydii ku guuleeysatay tartanka, isagoona mahad balaaran u jeediyay maamulka Iqk iyo Shirkadda isgaarsiinta Hoemuud Telecom.
Xafladda oo aheyd mid loo dhamaa ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay Macalim C/llaahi Cali Yuusuf oo ahaa macalinka ardayga galay kaalinta goobaad.
Sidoo kale abwaan C/raxmaan C/llaahi Koongo oo ah Abwaanka Idaacadda Qur’aanka kariimka ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadalo isugu jiray mahad noq iyo guubaabin.
Gabagbadii xafladda ayaa waxaa hadal qiimo badan jeediyay Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka kana mid ahaa gudigii tartanka qur’aan aqriska u qaabil sanaa dhinaca kormeerka Sheekh Maxamed C/wahaab C/llaahi , isagoona faahfaahin ka bixiyay wixii ay la kulmeen mudadii uu soconayay taranka isagoona sidoo kale u mahad celiyay Maamulka Shirkadda isgarsiinta Hoemuud.
Aradydii kaalimaha kala duwan ka galay Tartanka Qur’aan aqriska ayaa ardaygii galay kaalinta koobaad la gudoonsiiyay lacag gaareeysa 4 malyan iyadoona adaygii kaalinta labaad la gudoonsiiyay lacag dhan 2500 Sh.so. halka ardayii ugu danbeeyay ee kaalinta sedaxaad galay abaal marin loo siiyay 1,500 Sh.so.
Waxaana sidoo kale meesha ka marneyn abaal marino khaas ah oo shirkadda Hormuud ay gudoonsiisay Waalidiintii iyo macalimiintii ardaydaasi.
Si kastoo ahaataba ma’ahan markii ugu horeeysay oo idaacada qur’aan kariimka ay qabato tartan qur’aan aqris ah iyadoona midkaan uu noqonayo midkii ugu horeeyay oo ay qabato xilli looga bartay idaacadda in tartamada ceenkaan oo kala ah ay qabato inta lagu guda jiro bisha ramadaan balse maamulka idaacadda qur’aan kariimka ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonaan qabsoomida tartamo ceenkaan oo kale ah si saro loogu qaado aqoonta ardada soomaaliyeed ee ku aadan barashada qur’aanka kariimka iyo ku dhaqabkiisaba.

Mas’uul ka tirsan Hormuud & agaasimaha IQK Radio oo Jaa’izada Bixinayo.

Hadiyadii ay bixisay Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telcom..

mid ka mid waaliidiinta Ardaydii Kaalimaha Galay Mr Xuseen Xasan.

Abwaan Cabdi Raxmaan Cabdilaahi Koongo oo kalmad ka jeedinayay xaflada.

Mid ka mid ah macalimiinta ardayda guuleeysatay oo hadiyad la gu doon siinayo

Ustaad Axmed Jeylaani oo kalmad kajeedinaya xaflada tartanka.
