Ciidamada AMISOM oo Fariisin cusub ka dhigtay Isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho.
 
This article has Published at: 05-03-2010 and has been viewed 35 times
Cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa Maanta fariisin ka sameystay Isbitaalkii Hore ee digfeer.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ka mid ahaayeen Taangiyo ayaa la sheegay in saaka dageen xarunta digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)u xaqiijiyay in ciidamadaasi gudaha iyo daafaha isbitaalkaasi fariisimo ka dhigteen.

Ciidamada AMISOM ayaa gabi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka wadada digfeer isla markaana taasi wal wal xoogan ku beertay dadka deegaankaasi ku dhaqan.

Ilaa iyo haatan ma jiraan war ka soo baxay saraakiisha AMISOM oo ay kaga hadlayaan fariisimaha cutubyo ciidamadooda ka tirsan ka sameysteen isbitaalkii hore ee digfeer.

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved