Gudiga xalinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta Gobolka Gedo ayaa cambaareeyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.Gudoomiyaha Gudigaasi Sheekh Daa'uud Maxamed Xuseen oo waraysi siinayay Idaacada Qur'aanka Kariimka (IQK)ayaa sheegay in ay cambaareynayaan dagaalada iyo duqeymaha magaalada Muqdisho ka wadaan Ciidamada AMISOM.
Sheekh Daa'uud ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM in ay iska duqeeyaan goobaha dadka Rayidka ah ka dagan yihiin xaafadaha Muqdisho.
Isaga oo tusaale u soo qaatay in marka dagaal lagu qaado fariisimaha ay ka dagan yihiin Muqdisho madaafiic u qeybshaan inta badan xaafadaha Muqdisho iyo suuqa bakaaraha.
Waxaa uuna ugu baaqay Ciidamada AMISOM in ay joojiyaan xasuuqa shacabka ku hayaan isla markaana dalka isaga baxaan.