Mid ka mid ah beelaha daga Gobolka bay oo Hubkoodii ku wareejiyay xarakada Al-shabaab.
 
This article has Published at: 07-03-2010 and has been viewed 34 times
Mid ka mid ah beelaha daga degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay ayaa Maanta hubkoodii ku wareejiyay Xarakada Al-shabaab.

Beesha Galadle oo ka mid ah beelaha digil iyo Mirifle ayaa maanta si rasmi ah hubkoodii ugu wareejiyay wilaayada xarakada Al-shabaab ee Gobolada bay iyo bakool kadib munaasabad ka dhacday degmada Qansax-dheere.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah odayaasha beesha isaga oo sheegay in hubkooda si xor ah ugu wareejiyeen xarakada Al-shabaab.

Hubkaan ayaa isugu jiray hubka fud fudud iyo kuwa cul culus oo beeshaasi ay laheyd.

Waaliga Wilaayada Xarakada Al-shabaab Sheekh Maxamed Cumar C/kariim isaga oo beesha uga mahadceliyay go,aanka ay hubkooda ugu soo wareejiyeen.

Si kastaba beesha maanta hubka wareejiyay ayaa noqanaysa beeshii shanaad oo hubkeeda ku wareejisa xarakada Al-shabaab ee ku sugan Gobolada bay iyo bakool.

 

 
Wixii talo iyo Tusaale ah Fadlan ku soo hagaaji E-mailka webmaster@iqksoomaali.com
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © 2009 www.iqksoomaali.com - All Rights Reserved