Wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa maanta digniin u jeediyay Hay'adaha samafalka ee ka howlgala Gobolka.Wareegto ka soo baxday xafiiska arimaha bulshada ee Maamulka Gobolka shabeelaha dhexe ayaa loogu baaqay hay'adaha samafalka in ay is diiwaan galiyaan.
Wareegtada ayaa loogu baaqay in hay'adaha gobolka ka howlgala guud ahaan mudo 10-cisho ah is diiwaangaliyaan.
Hay'adaha ayaa lagu sheegay in hadii mudadaasi aysan isku soo diiwaan galin laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
Lama oga sida hay'adaha samafalka u jooga gobolka ugu hogaansami doonana amarka ka soo baxay wilaayada islaamiga ee Gobolka shabeelaha dhexe.